HomeShirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM iyo Hay'adda REFUGEES UNITED oo soo Bandhigay Adeeg...

Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM iyo Hay’adda REFUGEES UNITED oo soo Bandhigay Adeeg fududeynaya Baafinta Dadka ehelladoodu ka maqan yihiin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM iyo Hay’adda Refugees United, ayaa si wada-jir ah u soo bandhigay Barnaamij ay iska-kaashadeen oo casri ah, kaasoo loogu talo-galay in uu isku xidho dadka Qaxoontiga ah iyo barakacayaasha kala lumay iyada oo la isticmaalayo teknoolajiyadda Mobilka.

Xaflad lagu Daah-furay adeeggan cusub, ayaa shalay lagu qabtay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikarim Maxamed Iid, Masuuliyiin sare-sare oo Shirkadda Telesom ah, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boosaha Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, Guddooomiyaha Ururka shirkaddaha Isgaadhsiinta Somaliland Yusuf, Agaasimaha Guud ee hay’adda Christopher Mikkelsen  iyo La-taliyaha xidiidhiyaha Hay’adda Qaramadda Midoobay Gavin Roy iyo marti sharaf kale.

telesom_RUNITEDIsku-xidhka dadka kala lumay ama is waayay waxa loo isticmaali doonaa khad telefoonka degdeg ah (169), kaasi oo u suurtogelinaya in dadka qaxootiga ah ay iska diwaangeliyaan oo ay ka raadiyaan ehelkoodii/asxaabtoodii ay kala ka xeeyeen colaadaha iyo masiibooyinka.

“Iskaashiga noocan ahi waxa uu na siinayaa fursad aanu isbeddel xoog leh ku sameynayno nolosha kumanaan qof.” Ayuu yidhi Aas-aasaha Refugees United, Mr. Christopher Mikkelsen, oo ka hadlay daahfurkii Iskaashigan cusub.

Wuxu intaas ku daray; “Qofkasta xaq ayuu u leeyahay in uu ogaado ehelkiisu halka ay ku sugan yihiin. Shirkad leh baaxada Telesom oo kalena waxay noo oggolaanaysaa in farrintaasi gaadho qoysaska u baahan in ay maqlaan adeeggan oo kale”.

“Iskaashiga u dhaxeeya Shirkadda Telesom iyo Hay’adda Refugee United waxa uu tusaale muhiim ah u noqonayaa qaabka dadka ay kala lumiyeen dagaalada iyo masiibooyinka dabiicigu ay dib iskugu heli karaan iyaga oo adeegsanaya tiknoolajiyada casriga, sida Telesom oo kale.  Nidaamkani waxa uu ka caawin doonaa qoysaska iyo asxaabta inay iska war hayaan, xitaa haddii ay ku sugan yihiin xaaladaha adag,” Sidaas waxa yidhi Mr. Gavin Roy oo ah la taliyaha dhinaca Isku-xidhka Qoxoontiyada ee Hay’adda UNRCO, xafiiskeeda Hargeysa.

telesom2

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, Mr. Abdikarim Maxamed Iid, oo isna ka hadlay munaasibaddaasi waxa uu sheegay in aaladda moobilku noqotay mid aan maanta hadal keliya loo adeegsan, balse fure u ah in loo isticmaalo horumarinta bulshada, hadday noqoto maaliyad ahaan, caafimaad ahaan, waxbarasho ahaan. Tanina waxay ka mid noqotay adeegyadii shirkadda Telesom ay u bixinaysay masuuliyadeeda bulshada ka saaran, waxana shirkaddu adeeggan oo isticmaalkiisu bilaash yahay u oggolaanayaa in dadka qaxootiga iyo barakacayaasha ah ay raadiyaan eheladoodii kala luntay.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Mr. Maxamed Jaamac ‘Ab-gaal’ oo isna ka qaybgalay xafladda lagu daahfuray iskaashigan cusub, waxa uu sheegay in Wasaarad ahaan ay aad u soo dhawaynayaan, isla markaana ay u arkaan in isbeddelada teknoolajiyadeed ee caalamka ka socda uu maalin kasta isbeddelayo, Telesom-na waxay inoo sahashay in adeeggani ku biiro adeegyadii hore ee shirkaddu ku bixin jirtay lacag la’aanta.

Telesom waxay ugu deeqday barnaamijkan olole 13 Milyan oo farriimood loogu dirayo Macaamiisha si kor loogu qaado barnaamijkan. Waxa kale oo shirkaddu bixisay khadka telefoonka degdega ah ee 169 oo marka la garaaco ku dhacaya goob adeeg oo ku taalla Kenya oo loogu talogalay Qaxootiga. Waxa kale oo wejiga labaad ee mashruucani yeelan doonaa barnaamij ku salaysan SMS-ka oo dadku ay ku baadigoobayaan ehelkooda/asxaabtooda ay is waayeen.

tlesom3

Hay’adda Refugees United  waa hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo ka shaqeysa wadamo kala duwan, waxana ay abuureen adeeg teknoolajiyadeed ay iska kaashadaan shirkadaha Isgaadhsiinta, kaasi o suurtogelinaya in baafintii oo casri ah dadku ay Moobiladooda kaga raadiyaan ehelkoodii iyo asxaabtoodii ay kala baadeen.

Hay’adda refunite ayaa ah hay’adda madax-banaan oo ka shaqaysa sida ay u midayn lahayd qoysaska ka kala maqan. Hay’addan ayaa adeegsata baraha Internetka ee lagu wadda xidhiidho iyo telefoonadda, iyadoo qof ka raadinaya qoyskiisa ama qof saaxiibkii ah oo ay kala lumen, waxaa uu ka raadin karaa shabakadda Kaydka hay’addan isagoo qofku ku qorayaaha magaca qofka uu raadinaayo barta laga baadho macluumaadka ee shabakadda hay’adda oo ah www.refunite.org. Shabakadan ayaa lagu baadhi karaa luuqadaha kala ah English, Sawaaxili, Somali, Faransiis, Carabi iyo luuqado kale oo badan.

Sidoo kale qofka aan haysan wax internet ah waxaa uu ka baadhi karaa qofka ama qoyska uu raadinaayo ee  ka maqan telefoonkiisa. Barnaamijkan Telefoonada dadka la raadinaayo laga baadho ayey hay’addu hore uga hirgalisay waddamada Kenya iyo Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories