HomeShirkadda Global Tech Solutions oo Adeegyo Casri ah ku soo bandhigtay Carwada...

Shirkadda Global Tech Solutions oo Adeegyo Casri ah ku soo bandhigtay Carwada Shirweynaha Tiknoolajiyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Global Tech Solutions (GTS) oo ka mid ah shirkadaha hormuudka ah ee bixiya adeegyada casriga ah ee samaynta Software-rada iyo Barnaamijyada ku shaqeeya telefoonada Gacanta ee Mobile Apps, ayaa si weyn uga dhex-muuqatay Carwada Shirweynaha Tiknoolajiyadda ee Somaliland oo maanta ka furmay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

blank
Global Tech Solutions (GTS) at Somaliland ICT Conference

Shirkadda GTS oo ka mid ahayd shirkado wacdaro ka muujiyey madasha Carwada oo ay  ku soo bandhigtay adeegyada kala duwan ee ay bulshada u qabtaan, waxa ay xarunteeda ugu weyn ku taallaa caasimadda Hargeysa, wax-qabadkeeda waxa ka mid ah adeegyo lacag la’aan ah oo ay shirkaddu ku taageertay qaar ka mid ah ha’yadaha iyo Wasaaradaha dowladda oo baahi weyn u qabay samaynta barnaamijyo (Database) ay ku shaqeeyaan, sida uu sheegay Maamulaha Guud ee shirkadda GTS Khaalid Maxamed Sheekh oo sharraxaad ka bixiyey noocyada adeegyada ay bixiyaan. .

“Qayb kasta oo ka mid ah waxyaabaha nolosheenu ku tiirsan tahay, sida caafimaadka, waxbarashada iyo ganacsigaba adeegyada aanu bixinno way soo galayaan. Tusaale ahaan, haddii aad leedahay Hudheel, waxaad u baahan tahay nidaam aad ku maamusho xisaabaadkaaga iyo is-diiwaangelinta macaamiisha. Haddii aad Iskuul leedahay, waxaad u baahan tahay nidaam aad ku diiwaangeliso ardayda, intaasiba adeegyada aanu qabanno ayay ka mid tahay,” Sidaas waxa yidhi maamulaha GTS Khaalid Maxamed Sheekh.

blank
Khalid Mohamed Sheikh, CEO of Global Tech Solution

Khaalid Maxamed Sheekh oo sharraxayay doorka shirkaddoodu ka qaadato horumarinta adeegyada bulshada ee hay’adda dowladdu u qabtaan dowladda, waxa uu yidhi,“Waxa kale oo aanu ka qayb-qaadanaa adeegyada ay dowladdu u hayso dadweyaha oo aanu fududayno in hab casri ah oo computer-ka ku shaqaynaya laga dhigo oo sida ay u shaqayso (dowladdu) ay ka dhigto qaab casri ah oo dhaqaalaha ay ku dhawrato, wakhti fara badan oo kaga dhici lahaana waraaqaha iyo nidaamka inta badan iska daba-wareegga ah”.

Guddoomiye Khaalid Maxamed Sheekh waxa uu sheegay in shirkaddoodu ku guulaysatay fulinta mashaariic dhowr ah oo ay u sameeyeen Wasaaradda Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka, kuwaas oo uu sheegay inay shirkad ahaan ugu tabaruceen wasaaradda si ay uga qayb-qaataan horumarka dalka.

“Wasaaradaha aanu la shaqayno waxa ka mid ah wasaaradda Gaadiidka waxaanu u samaynayo ilaa Todoba Barnaamij oo dhammaantood wada-shaqeeya oo wada-hadla kana shaqeeya dhammaan xafiisyada gobollada Jamhuuriyadda Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Khaalid Maxamed Sheekh.

 

blank

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Todobadaas (mashruuc wax-qabad), laba mooyaane, shanta kale waxay ahaayeen lacag la’aan oo waxaanu kaga qayb-qaadanay dalka horumarkiisa kaddib markii aanu aragnay siday wasaaradda uga go’antahay hirgelintooda”.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda Global Tech Solutions (GTS), ayaa ka mid ah shirkado faro-ku-tiris ah oo dalka gudihiisa kaga shaqeeya adeegyada Casriga ah ee Technologiyada la jaan-qaadaysa isbeddellada farsamooyinka hawl-qabad ee dunida.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories