HomeShirkadda Gaadiidka Xamuulka Badda ee Caalamka ugu Weyn oo Isticmaali Doonta Dekedda...

Shirkadda Gaadiidka Xamuulka Badda ee Caalamka ugu Weyn oo Isticmaali Doonta Dekedda Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Berbera (SLpost)- Shirkad madaxbannaan oo qaabilsan gaadiidka xamuulka ee isaga kala goosha badaha caalamka, ayaa si rasmi ah u shaacisay inay isticmaali doonto dekedda magaalada Berbera ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda caalamiga ah ee la yidhaa X-press Feeders shalay, maraakiibta xamuulka qaada ee u diiwaangashan shirkaddaas, ayaa u kala gudbi doona, iskuna xidhaya dekedaha Berbera iyo Salalah ee dalka Cummaan, iyadoo la qorsheeyey in maraakiibka iyo doonyaha shirkaddaasi ku hakadaan dekedda Berbera.

 

“Shirkadda X-press Feeders oo ah ta ugu ballaadhan dhinaca gaadiidka badda ee caalamka, kana hawlgasha dalal badan oo adduunka, waxay bilaabaysaa adeeg cusub oo isku xidhaya dekedaha magaalooyinka Salalah iyo Berbera badhtamaha bishan October 2015.” Sidaa waxa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda caalamiga ah ee X-press Feeders oo Maankaab soo xigtay xalay.

 

Mr. David Gledhill oo ah madaxa ugu sarreeya maamulka dekedda magaalada Salalah oo ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Holland, ayaa caddeeyey in dekedda magaalada Berbera tahay suuq muhiim ah, waxaannu yidhi; “Berbera waa suuq aad muhiim ah ugu ah qaybo badan oo ka mid ah marinnada maraakiibta ee caalamiga ah. Adeeggan cusub ee la bilaabay ee ka imanaya dekedda Salalah (dalka Cummaan) waxa uu oggolaan doonaa in maraakiibta xamuulka iyo ganacsiga ee sida xooggan u isticmaala dekedda Salalah ay waqti ku qaadan doonaan dekedda Berbera, iyadoo sidoo kale isku xidhkan cusub ee la sameeyey qayb ka qaadan doono koboca ganacsi ee u dhexeeya dekedaha magaalooyinka Berbera iyo Salalah.”

 

Dhinaca kale, Mr. Nelson Sequeira oo ah agaasime sare oo ka tirsan shirkadda X-press Feeders, ayaa isna sheegay in hawlaha maraakiibtoodu ku adeegsanayaan dekedda Berbera ay tahay muhiim weyn.

 

“Arrintani waa mid aad u muhiim ah oo ay hore ugu tallaabsadeen shirkadda X-press Feeders iyo Dekedda Salalah, taasoo qayb ka ah iskaashiga noo dhexeeya oo ah in aannu isku fidinno, iskuna ballaadhinno mandaqadda oo dhan,” ayuu yidhi. Nelson Sequeira.

 

Dekedda ku taal dalka Cummaan, gaar ahaan magaalada Salalal, waxay cidhifka ku haysaa Badweynta Hindiya, taasoo sidoo kale ku taal iska gudubka marrinnada badda ee isku xidha ganacsiga qaaradaha Yurub iyo Aasiya, waxana maamulka dekeddaas gacanta ku haysa shirkad caalami ah oo la yidhaa APM Terminals oo la leeyahay dalka Holland ee tan iyo sannadkii 1998-kii.

 

Source: Maankaab

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories