HomeShirkadda Gaadiidka ee Hyundai oo Xarun ka furatay Somaliland iyo Madaxweyne Biixi...

Shirkadda Gaadiidka ee Hyundai oo Xarun ka furatay Somaliland iyo Madaxweyne Biixi oo Daah-furay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay mashruuc ballaadhan oo ay shirkadda DAHABSHIIL Group dalka ku keentay gaadiid casri ah oo ay farsamaysay shirkadda Hyundai ee laga leeyahay waddanka koonfurta Kuuriya.

blank

 

Munaasibadda daah-furka mashruuca ay shirkadda DAHABSHIIL Group dalka ku keenayso gaadiidka casriga ah ee ay farsamayso shirkadda Hyundai oo ay ka qaybgaleen madaxda xukuumadda ugu sarraysa, hoggaanka axsaabta qaranka, ganacsato, madax-dhaqameed, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya faa’iidada qaranka iyo bulshadaba ugu jirta inay ganacsatada waa weyni dalka keenaan mashaariic waaweyn oo bulshada waxtar u leh, islamarkaana aqoonta iyo fikirka shacabka kor u qaadda.

Xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI iyo haldoor kale oo reer Somaliland oo madasha ka hadlay, ayaa shirkadda DAHABSHIIL Group ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadatay sidii ay bulshadu u heli lahayd gaadiid casri ah oo muddo dheer sii shaqayn kara, una adkaysan kara duruufaha dhinaca waddooyinka ah ee dalka ka jira.

blank

 

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa isaguna dhinaciisa shirkadda DAHABSHIIL Group ku hambalyeeyey horumarka uu sameeyey gaadiidka cusub ee ay dalka keeneen oo wax badan ka tari doona dhibaatadii bulshada ka haysatay gaadiidka duugoobay ee dalka la keeno, isaga oo dhammaanba ganacsatada dalka ku boorriyey inay u xadhko xidhaan sidii ay dalka u keeni lahaayeen mashaariic waaweyn  dadka faa’iido u leh, maadaama ammaanka Somaliland ka jiraa soo jiitay dhammaanba maal-gashadayaasha dunida ka jira.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhinaca  kale bulshada reer Somaliland ugu bushaareeyey in shaqaaqadii ka taagnayd deegaanka Ceel-afweyn iyo guud ahaanba gobolka Sanaag ay  meel wanaagsan marayso, islamarkaana haatan lagu hawlan yahay sidii nabadayntaas sharciga loo waafajin lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Arrinta Ceerigaabo nabad baa ka jira, warwarna kama qabno inay nabad ku dhammaanayso, dadkaa halkaas isugu tegay, kuwa sii joogay iyo kuwa u tegayba dhammaanteen waxa aynnu heshiis ku nahay inay arrintaas nabad ku dhammaato oo ay islaax dhexdeenna ah ku dhammaato oo aanay waxba inaga duul duulin, sidii sharciga loo waafajin lahaa uun baa la is weydiinayaaye uune maanta halkaas khilaaf ka taagan oo la isku diiddan yahay dawlad, odayaal iyo dhallinyaradeennii cadhootay midna ma jirto, qodobbo yar yar uun baa la xallinayaa sidii sharciga loo waafajin lahaa, taana ka war war la’aada nabad bay kusoo dhammaanaysaaye, dalkuna waa nabad.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu kormeeray hangarro waaweyn oo ay shirkadda DAHABSHIIL Group ugu talo gashay inay ku dayactirto gaadiidka casriga ah ee ay farsamayso shirkadda Hyundai, halkaas oo laga heli doono dhammaanba agabka ay gaadiidkaasi u baahdaan muddada ay shaqaynayaan.

 

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

 

 

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpot.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories