HomeShirkadda FlyDubai oo Shaacisay Xilliga ay Dib u bilaabayso Duulimaadyada Hargeysa

Shirkadda FlyDubai oo Shaacisay Xilliga ay Dib u bilaabayso Duulimaadyada Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankDubai (SLpost)- Shirkadda Diyaaradaha Flydubai oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka, ayaa shaaca ka qaadday inay horaanta bisha August ee sannadkan dib u bilaabayso duullimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Go’aanka shirkaddu ku shaacisay bilowga duullimaadyada ayaa ka dambeeyey kaddib markii is-afgarad laga gaadhay is-maan-dhaaf dhexmaray Xukuumadda Somaliland oo badhtamihii sannadkii 2020-kii xayiraad ku soo rogtay labada shirkadood ee FlyDubai iyo AirArabia oo lagu eedeeyey inay hoggaansameen amar dowladda Soomaaliya kaga celisay laba duullimaad oo ku soo wajahnaa garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland, waxa ay dhawaan shaacisay inay xayiraadda ka qaadday oo ay hawlahooda dib u bilaabayaan shirkadaha Fly Dubai iyo AirArabia.

blankHaddaba, Maamulaha Guud ee Shirkadda Flydubai Ghaith Al Ghaith, ayaa sheegay inay 10-ka bisha August dib u bilaabayaan Duullimaadyadooda garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport, iyadoo toddobaadkii saddex jeer duullimaadyo ka dhex samayn doonta magaalooyinka Hargeysa iyo Dubai.

“Waxaanu ku faraxsanahay in aan dib u bilowno duulimaadyada magaalada Hargeysa, taas fursad u siin doonta qurbajoogta inay helaan marin kale xilliyada ay dib ugu laabanayaan dalkooda hooyo,” sidaa waxa yidhi Maamulaha FlyDubai oo ka dareen-celiyey bilowga duullimaadyada Hargeysa iyo Dubai.

“Waxaanu aaminsanahay in kalsoonida aanu haysano iyo Adeegyada heerkoodu sarreeyo ee duulimaadyada rakaabka iyo xamuulka ay gacan ka geysan doonaan fursadaha ganacsi ee Hargeysa iyo Dubai,” sidaasna waxa yidhi maamule ku-xigeenka Hawlaha ganacsiga ee Shirkadda, Sudhir Sreedharan oo ka hadlayey bilowga duullimaadyada ee Somaliland, waxaanu sheegay in shirkadda FlyDubai noqonayso shirkaddii u horeysay ee duullimaadyo toos ah ka dhex-samaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Dubai.

Sida maamulka shirkaddu sheegay, shirkadda FlyDubai ayaa xilligan duullimaadyo ka samaysa 11 magaalo oo ku yaalla Qaaradda Afrika, iyadoo Hargeysa noqonaysa magaalada 12aad ee shirkaddu ku xidhayso xarunta Ganacsiga adduunka ee Dubai.

Shirkadda diyaaradaha Flydubai oo ka soo kacaysa Terminalka 2aad ee Garoonka Dubai International, ayaa duulimaadyo toos ah ku imanaysa garoonka Egal International Airport maalmaha Salaasada, Khamiista iyo Sabtida laga bilaabo 10-ka August 2021.

blank
Flydubai oo ku sugan Egal International Airport 09 June, 2015

Flydubai ayaa markii u horeysay duulimaad ka bilowday Somaliland June 2015-kii, waxaana bilowga duulimaadkeeda xadhigga ka jaray madaxweyne ku-xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)oo ay wehelinayeen maamulka shirkadda iyo wasiirkii Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ee xilligaas Maxamuud Xaashi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories