HomeShirkadda Facebook oo Dowladaha Caalamka ugu Baaqay Hirgelinta Shuruuc ka Dhan ah...

Shirkadda Facebook oo Dowladaha Caalamka ugu Baaqay Hirgelinta Shuruuc ka Dhan ah Faafinta Macluumaadka Khatarta Abuuraya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Mulkiilaha aasaasay Shirkadda Facebook Mr. Mark Zuckerberg, ayaa ku baaqay in dowladaha caalamka looga baahan yahay inay la yimaadaan, isla markaana sameeyaan shuruuc iyo xeerar dowli ah oo wax lagaga qaban karo macluumaadyada khaldan ee la xidhiidha been-abuurka (fake news), hadallada naxliga iyo nacaybka xambaarsan (hate speech), cunsuriyadda, marin-habaabinta (misinformation) iyo macluumaadyada halista ku ah amniga ee lagu faafiyo baraha bulshada (Social Media) ee ay ka mid yihiin; facebook, YouTube, Twitter iyo baraha kale ee bulshadu ku wada xidhiidho.

blankNinkan dhallinyarada ah ee aasaasay Shirkadda Facebook oo hadal ka jeediyey shirweynaha Ammaanka ee lagu qabtay magaalada Munich ee dalka Jarmalka oo socday muddo saddex maalmaamood ah oo ka bilaabmay 14 February, soona xidhmay 16 February 2020 (maalmihii Jimce, Sabtida iyo Axadda), waxa uu sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee ay ka mid tahay Shirkaddiisa Facebook aanay keligood go’aan ka gaadhi karayn kala saarista macluumaadyada khuseeya cabbiraadda xoriyatul-qawlka sharci ahaan la ogol yahay iyo waxyaabaha halista ah ee aan waafaqsanayn xoriyadda hadalka bulshooyinka caalamka, balse waxa uu xusay in loo baahan yahay sharciyo dowladeed oo lagu kala qeexo arrimahaas been-abuurka ah.

Mulkiilaha Shirkadda Facebook Mr. Mark Zuckerberg oo hadalkan jeediyey maalintii Sabtida ee taariikhdu ahayd 15 February 2020-ga oo shirkaasi soo xidhmay, waxa uu caddeeyey in sidoo kale aan loo baahnayn in sida dalka Shiinaha oo kale ay dowladduhu sameeyaan shuruuc adag oo lagu xakamaynayo isticmaalka baraha internet-ka, meelna lagaga dhaco cabbiraadda fikirka xorta ah iyo cabbiraadda hadal.

Waxa muddooyinkii u dambeeyey soo baxayey caddaadisyo xooggan oo la saarayey shirkadaha xidhiidhka bulshada (Social Media) oo ay ka mid tahay Shirkadda Facebook, iyadoo laga dalbanayo inay si degdeg ah ula yimaadaan qorshayaal ay wax kaga qabanayaan macluumaadka been-abuurka ah ee lagu faafiyo aaladahooga Internet-ka.

Hasayeeshee, Mulkiilaha Shirkadda Facebook ayaa sheegay inay hirgeliyeen qaabab kala duwan oo lagu xakameeyo macluumaadyada beenta iyo nacaybka ah, maalin walbana ay hawada ka saaraan ilaa hal milyan oo akawnno been-abuur ah (fake accounts), sidoo kale ay hawlgeliyaan dad tiradoodu dhan tahay 35 kun oo qof oo ka shaqeeya sidii ay ula socon lahaayeen nuxurka macluumaadyada lagu dhex faafiyo shirkadda Facebook iyo baraha kale ee hoos yimaada, isagoo caddeeyey in dedaallada ay sameeyaan aanay wada daboolin karin dhammaanba inay xalliyaan dhammaanba macluumaadyada khaldan ee lagu faafiyo, sidaa darteedna ay dhinaca dowladaha caalamka uga baahan yihiin shuruuc lagu xakameeyo been-abuurka iyo faafinta hadallada nacaybka ah.

 https://www.aljazeera.com/news/2020/02/facebook-boss-backs-tighter-rules-harmful-online-content-200216030736242.html

Halkan ka daawo muuqaalka Mulkiilaha Shirkadda Facebook oo dhammaystiran, qaybta uu kaga hadlayo shuruucda loo baahan yahayna waxay ka bilaabmaysaa daqiiqadda 19-aad ee muqaalka.

https://www.youtube.com/watch?v=q_DSGYtHxzg

 

Waxa isku soo ururiyey suxufi Maxamed Cirro, Hargeysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories