HomeShirkadda Ethiopian Airlines Oo Dalka Jabuuti u Wareejisay 14 Duulimaad oo Hawada...

Shirkadda Ethiopian Airlines Oo Dalka Jabuuti u Wareejisay 14 Duulimaad oo Hawada Soomaalida Isticmaali Jiray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Shirkadda Ethiopian Airlines, ayaa wax ka beddel ku samaysay marinka Duullimaadyadyada diyaaradaha isticmaala Hawada Soomaalida sababo la xidhiidha muranka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Ethiopian Airlines waxa ay joojisay isticmaalka 14 marin-duullimaad (Flight Routes) oo isticmaala hawada Soomaalida, kaddib markii duuliyeyaasha qaarkood caqabado kala kulmeen taawarrada diyaaradaha laga hago ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo bixiyey amarro is-khilaafsan oo khalkhal geliyey bad-qabka duullimaadka.
Duullimaadyada Ethiopian Airlines ee wax-ka-beddelka lagu sameeyey oo badankoodu isticmaali jiray Hawada Somaliland, ayaa loo wareejiyey dhinaca Hawada dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ka hor inta aanay ku safrin biyaha Caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed.

Qoraal ku taariikheysan 28-kii February, 2024 oo Shirkadda Ethiopian Airlines ku socodsiisay Ururka ay ku midaysan yihiin Diyaaraha Rayidka Caalamka ee IATA, ayey shirkaddu ku wargelisay wax-ka-beddelka ay ku samaysay marin-duulimaadka ay hore ugu safri jirtay Hawada Soomaalida iyo khidbaddii laga qaadi jiray duulimaad kasta oo dhan $395.

Qoraalka Ethiopian Airlines ku socodsiisay IATA, waxa ay ku tidhi, “Waxaan idinku wargelinayna is-beddel aanu ku samaynay jadwalka duulimaadyada Ethiopia Airlines, anagoo joojinay isticmaalka hawada Soomaalda, ka dib markii duuliyayaashayadu ay kala kulmeen hawada Soomaaliya xogo is khilaafsan iyo carqalado joogto ah, sida darteed anagoo ka duulayna fayo-dhawrka iyo ammaanka rakaabkayaga rayidka ah ee aanu wadno, waxaanu go’aansanay inaanu Hawada Soomaalida ka leexinno 14-ka duullimaad ee halkan ku xusan.”

Duullimaadyada loo wareejiyey dhinaca Hawada Jabuuti, ayaa ku kooban Duullimaadyada Ethiopian Airlines ugu kala gooshto Magaalada Addis Ababa iyo magaalooyinka Dubia, Mumbai, Delhi, Chengdu, Beijing, Guangzhou, Shanghai, Seoul iyo Muscat.
Isbeddelka ayaa intooda badani ku kooban yahay duullimaadyada ka tagaya Magaalada Addis Ababa ee u socda magaalooyinkaas.

Sida Aanu ka ogaannay xogta duullimaadyada ee Ethiopian Airline, isbeddelka shirkaddu samaysay oo dhaqan-galay 25-kii February, ayaan wax samayn ah ku lahayn duullimaadyada Ethiopian Airlines ee ka imanayaa magaalooyinka kor ku xusan oo badankoodu isticmaala Hawada Somaliland.

Tallaabada Ethiopian Airlines qaadday ayaa ka dambaysay kaddib markii Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland ay Caalamka la wadaageen Xogta Dhacdo shil-diyaaradeed sababi gaadhay, kaddib diyaarad Ethiopia Airlines oo ku safraysay Hawada Somaliland ay farriin khalkhal gelin ah ka heshay Magaalada Muqdisho, iyadoo farriintaasi sababi gaadhay inay isku dhacaan diyaarad ay leedahay shirkadda Qatar Airways oo ku beegnayd marinka ay ku safraysay Ethiopian Arlines.

Diyaaradda Qatar Airways oo ku safraysay Joog Dhan 38,000ft, ayaa lagu amray inay sare u kacdo 40,000ft taas oo sababi gaadhay inay isku dhacaan diyaaradda Ethiopian Airlines oo joog ahaan ka sarreysay kuna socotay 39,000ft, balse ku duulayay marin-duulimaad isku mid ah.

Diyaaradda Qatar Airways oo ka timi Doha kuna sii jeedday Entebbe iyo Ethiopian Airlines oo ka tagtay Addis Ababa kuna sii jeedday Dubai, ayaa isku weydaartay meel u dhow xeebaha magaalada Meydh ee gobolka Sanaag, kaddib markii duuliyeyaasha labada diyaaradood oo Kaashanaya qalabka ka-hortagga Isku-dhaca diyaaradaha ay si toos ah u xidhiidheen, taasoo baajisay isku dhaca labada diyaaradood.

blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories