HomeShirkadda Ethiopian Airline Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Inay Soo Cago Dhigato...

Shirkadda Ethiopian Airline Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Inay Soo Cago Dhigato Hargeysa + Koox Amniga Hubisa Oo La Sheegay Inay Soo Dirayaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Shirkadda Ethiopian Airline Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Inay Soo Cago Dhigato Hargeysa + Koox Amniga Hubisa Oo La Sheegay Inay Soo Dirayaan Masuuliyiinta Diyaaradda Itobiya Airline ayaa Shuruudo adag dul dhigay imaanshiyahooda Madaarka Diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa,iyagoo daaha ka rogay in haddii ay shuruudahaasi ka waayaan Madaarka Cigaal ay joojin doonaa Guud ahaan Duulimaadkooda ay ku imaanayeen Somaliland,waxaana la sheegay inay Arintani daba socoto Qarax dhawaan lala beegsaday Diyaarad ay leedahay shirkada Daalo Airline oo ka duushay Magaalada Muqdisho,oo uu Hanaanka Qaraxaasi loo maamulay oo shaki weyn ka dhex abuurmay guud ahaan duulimaadyada Iyo Madaaradda Geeska Afrika.

ethiopain

Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska foore ka helay arintan ayaa tibaaxay in Shirkada Itoobiyaan Airline ay u soo bandhigtay Xukuumadda Somaliland inay qiimayn ku samaynayaan hanaanka Amni ee uu ku sugan yahay Madaarka Cigaal islamarkaana ay qiimayntaasi wixii ka soo baxa ay ku go’aan qaadanayaan. Wararkan ayaa intaa ku daray in Shirkada Itoobiyaan Airline ay dalabkeedan ku dartay inay Garoonka Cigaal keenayso Khubaro heer Caalami ah oo Arimaha Amniga ku takhasusay,kuwaasi oo la sheegay inay u adeegsanayso Qiimayntan ay doonayso inay wax ogaato hanaanka iyo Qalabka dhinaca Amaanka lagu baadho ee ay isticmaalaan Shaqaalaha Garoonka Cigaal ee Hargeysa. Illo-wareedkani laguma sheegin in hawlgalkani bilaamay iyo inkale iyo In sifiican la iskula afgartay toona balse waxa ka socda Garoomadda Diyaaradaha Somaliland Xaalado wax lagaga badelayo Nidaamka Amniga loo sugo kadib Qaraxii Diyaaraddii Daallo ee Muqdisho.

Warar kale oo wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in maalmihii u dambeeyay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal laga waday dhaq dhaqaaqyo lagu kala saarayo shaqaalaha ka hawlgala islamarkaana halkaasi la geeyay qaar ka mid ah hay’addaha Amniga Somaliland,gaar ahaan laamaha dambi baadhista si ay faro uga qaadaan Shaqaalaha Ka hawlgala Garoonka si loo kaydiyo farahooda,islamarkaana loo hayo oo loo keydiyo qof kasta farihiisa. Arintani ayaa sida la sheegay dabada ku hayso Dalabkan ay Shirkada Itoobiyaanku soo gudbisay ee ah inay baadhis ku samaynayso qaabka uu u shaqeeyo Amni dhawrista Madaarka Cigaal,waana qodobada ugu mihiimsan dhinaca Sugida Amiga in lahayo Faraha Shaqaalaha Goobta oo haddii farahooda la hayo ay fududaanayso in si dhib yar loo ogaado fal dambiyeed kasta oo ka dhaca cida fudaysay iyo cidda fulisay toona.

Masuuliyiinta Madaarka oo aanu iskuu daynay inaanu wax ka waydiino arintani ayaanay noo suurta galin kadib markii ay naga qaban waayeen Telefankooda Gacanta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories