HomeShirkadda DP World Oo Berbera Ka Hirgelinaysa Suuq Caalamiya Oo Ganacsiga Xorta...

Shirkadda DP World Oo Berbera Ka Hirgelinaysa Suuq Caalamiya Oo Ganacsiga Xorta Ee Geeska Afrika Ku Yaala

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Ku Faraxsanahay Fursadaha Horumarineed Ee Aanu Somaliland Ka Wadno Iyada Oo Aanu Ka Wada Shaqayn Doono Dawladda Soo Socota Ee Somaliland” Maamulaha guud ee  Kombaniga DP World

Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DP World, ayaa heshiis ku wada galay Suuq ganacsi xor ah oo caalami ah in laga dhiso magaaladda Berbera (Berbera  greenfield economic free zone ), kaasi oo noqon doona Suuqa ganacsi ee ugu weyn geeska afrika, magaaladda Berbera na ka dhigi doona albaabka laga soo galo mandaqada geeska Afrika.

jjjWargeyska Arabianbusiness oo heshiiskan Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DP World dhex maray wax ka qoray, ayaa sheegay in magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ay wasiirka arimaha  dibadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo Maamulaha guud ee  Kombaniga DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem heshiis ku kala saxiixdeen heshiis ah in Suuq Casri ah oo ganacsi xor ah laga hirgeliyo Magaalo Xeebeedka Berbera Suuqaasi laga dhisi doono kaasi oo horumar iyo Indhaha ganacsiga mandaqada geeska ku soo jiidi doona Somaliland, waxaana warkan oo Wargeyska Saxansaxo ka soo xigtay Jariiraddaasi uu u dhigan yahay.

Shirkadda DP World ee Xarunteedu tahay magaalo ganacsiyeedka Dubai ee dalka Imaaraadka oo ah shirkadda gacanta ku haysa maamulista iyo dib u dhiska casriyeynta ee Maarsadda Dekadda ee ugu weyn Jamhuuriyadda  Somaliland ee magaaladda Berbera, ayaa ku dhawaaqday inay xarun Suuq ganacsi oo aad u weyn ka hirgelin doonto magaalo xeebeedka Berbera ee Somaliland.

wasiirka arimaha  dibadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo Maamulaha guud ee  Kombaniga DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa qalinka ku wada duugay heshiis ay Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DP Worl,  kaasi oo ah mashruuc Suuqa Xorta ee (greenfield economic free zone in Berbera) loogu magac daray, waxaana heshiiskan hirgelin doonta shirkadda Suuqyadda xorta oo ah qayb ka mida kombaniga DP World oo lagu magacaabo DP World’s Jebel Ali Free Zone (Jafza) oo iyana xafiiskeedu yahay magaaladda Dubai, waxaana la sheegay in qorshahan maalgelinta cusub ee Suuqa xorta ah ay DP World magaaladda Berbera kaga hirgelinayso in uu yahay sidii loo dhiirigelinlahaa ganacsiga iyo shaqo buurista loogu sameynlahaa isla markaana Dekedda Berbera ay noqon lahayd mid albaab laga galo gobolka u noqda.

Waxaana Heshiiskan ay Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DP World Dubia ku kala saxiixdeen Heshiiska ee ah in Suuq caalami oo ganacsi xor ah laga dhiso magaalo xeebeedka Berbera, waxa dhismaha Suuqan loo qorsheeyey in uu dhawr waji oo isxiga ku bilaabmado iyada oo wajiga 1aad lagu bilaabi doono habeynta (4 square kilometres of land) halka dhulka guud  suuqaasi laga dhisi doono oo dherer ahaan dhan yahay 12KM iyada oo wajiyadda xigana lagu saleyn doono bilawga mashaariicda kale ee horumarinta magaalada Berbera ee ay wado shirkadda DP World iyada oo mashruucan dhameystirkiisana ay shirkadu u qorshaysay inay kala shaqayso sii wadidiisa dawladda cusub ee dhalan doonta maadama oo hada doorashaddii madaxtooyada ay Somaliland ku gudo jirto sidii madaxweyne cusub loo dooranlahaa.

Maamulaha guud ee  Kombaniga DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem oo ka hadlay heshiiska Xukuumada ku wada galeen  Suuqan Caalamiga ee Ganacsiga Xorta ee ay magaalo xeebeedka Berbera ee Somaliland ka hirgelin doonaan waxa uu yidhi “Waxaanu ku faraxsanahay fursadaha horumarka ee Somaliland, taasi oo la baraajeynaysa hada bilawgii horumarka ee magaaladdayada Dubai iyo dalka UAE, waxaanu u deg degsanahay isku dibo ridka macluumaadka ku saabsan dhismaha Suuqa xorta ee Dekadda Berbera aanu ka hirgelin doono iyada oo aanu ka wada shaqayn doono dawladda soo socota ee Somaliland iyada oo aanu u xiiso qabno sii wadida iskaashi iyo wada shaqayntaba”

 

Xigasho: Wargeyska Saxansaxo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories