HomeShirkadda DP World oo $1 Bilyan ku Maalgelinaysa Marin-Ganacsi Ethiopia ku Xidhaya...

Shirkadda DP World oo $1 Bilyan ku Maalgelinaysa Marin-Ganacsi Ethiopia ku Xidhaya Dekedda Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Shirkadda DP World iyo Dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii hore kala saxeexday mashruuc ay ku baxayso 1 Bilyan oo Dollar, taas oo lagu maalgelinayo dhismaha Mashruuca Berbera Corridor ee dhinaca dalka Ethiopia.

Dowladda Ethiopia ayaa qayb saamiga maalgeshiga dekedda Berbera oo ay ku leedahay boqolkiiba 19, waxaanu dhismaha jidkani u fududaynayaa isticmaalka Dekedda Berbera oo shirkadda DP World maalgelin ballaadhan ku samaysay, iyadoo la filayo in dhawaan la daah-furo dhammaystirka wejiga 1aad ee dhismaheeda.

blankJidka Berbera Corridor oo dhererkiisu dhan yahay 250km oo isku xidhaya dekedda Berbera iyo magaalada Wajaale ee xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxa dhismihiisa la bilaabay badhtamaha sannadkii 2019-kii.

Heshiiska is-faham ee dhexmaray labada dhinac waxaa Khamiistii toddobaadkii hore oo ku beegnayd 6-kii May 2021 magaalada Addis Ababa kuwada saxeexay Wasiirka Gaadiidka Ethiopia Dagmawit Moges iyo Guddoomiyaha shirkadda DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayman.

Heshiiska dhexmaray dowladda Ethiopia iyo Shirkadda DP World, ayaa la qorsheeyey in shirkadda oo kaashanaysa maalgeshadayaal kale ay 10 sanno ee soo socda ku maalgelisho mashaariic kala duwan oo gudaha Ethiopia laga hirgelinayo, kuwaas oo lagu tayayeynayo dhismaha Jidka Berbera Corridor, waxaana mashaariicdan ka mid ah kaabayaal dhaqaale oo ku dhereran Jidka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha dekedo qalalan, bakhaarro, Goobo lagu keydiyo koonteynarrada, Qaboojiyeyaal iyo kuwo kale, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay shirkadda DP World.

“Waxaanu si adag u aaminsannahay in horumarinta Jidka Berbera oo laga dhigo mid ka mid ah marinada waaweyn ee ganacsiga ay faa’iidooyin dhaqaale u yeelan doonto Ethiopia, isla markaana ay taageeri doonto himilooyinkeeda horumarineed. Waxay abuuri doontaa shaqooyin cusub, waxay soo jiidan doontaa ganacsiyo cusub iyo maalgashi. Sidoo kale waxay xoojin doontaa in dalku ku xidhmo marinnada ganacsi ee caalamiga,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Shirkadda DP World.

Wasiirka Gaadiidka Ethiopia Mrs Dagmawit ayaa ka dhawaajisay Dareen kaas la mid ah, waxaanay sheegtay in hirgelinta kaabayaasha Ganacsigu ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan koboca dhaqaanka ee dalkeeda isla markaana ay u horseedi doonaan tusaale u noqdo horumarka qaaradda Afrika.

Shirkadda DP World, ayaa ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera ku maalgelishay adduun lacageed oo gaadhaya $440milyansi kor loogu qaado awoodda Dekedda Berbera oo la gaadhsiiyo inay sannadkii ka soo degi karaan 2 milyan oo konteenar, waxaana xilligan gebo-gabo ku dhaw wejiga kowaad ee dhismaha dekedda.

Jidka Berbera Corridor ayaa la filayaa in la dhammaystiro dhammaadka sannadkan, waxaana si wada-jir ah u maalgelinaya Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi iyo Waaxda Horumarinta Caalamiga ee Boqortooyada Ingiriiska.

blank
Kulanka madaxweynaha Somaliland iyo shirkadda DP World.jpg

Guddoomiyaha DP World Sultan Ahmed Bin Sulayman.waxa uu Jimcihii oo ku beegnayd 7-dii bishan May socdaal ku yimi Somaliland, waxaanu kulan lagaga wada-hadlay geeddi-socodka dhismaha iyo ballaadhinta Dekedda Berbera la yeeshay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada.

Somalilandpost.net

contact@somaliladpostnet

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories