HomeShirkadda DP World oo $1.4 Bilyan Sannadkan ku maalgelinaysa Lix Dekedood oo...

Shirkadda DP World oo $1.4 Bilyan Sannadkan ku maalgelinaysa Lix Dekedood oo BERBERA PORT ku jirto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Shirkadda DP World oo Shaacisay Faa’idada ay Ganacsigeeda ka heshay iyo Dakhliga uga Xerooday Sannadkii hore 

Dubai (SLpost)- Shirkadda DP World oo gacanta ku haysa maamulka Dekedo badan oo Caalamka ah, ayaa Khamiistii dorraad shaaca ka qaadday in macaashkeedu kor ku kacay boqolkiiba todoba sannadkii 2017 oo ay faa’idday adduun dhan $1.2 Bilyan (Kun Milyan iyo laba boqol kun oo Dollar), xilli ay shirkaddu ku hawlan tahay maalgeshiyo cusub oo ay ku samaynayso Dekedo ku kala yaalla Qaaradaha adduunka, kuwaa soo saddex ka mid ahi qaaradda Afrika ku yaallaan.

somaliland, ethiopia dp worldDP World oo ah shirkadda ugu weyn ee maalgeshiga ku samaysa, gacanta ay ugu jiraan Dekedaha ugu badan caalamka, waxa kale oo ay sheegtay in dhakhligoodu kor ku kacay boqolkii 13 oo noqonaya $4.7 Bilyan (4 kun Milyan iyo todoba boqol Dollar) marka loo eego sannadkii 2016  oo dakhligooda ay ku sheegeen $4.16 Bilyan, sida ay shabakadda Somalilandpost.net ka soo xigatay wakaaladda Wararka Associated Press oo warkan baahisay Khamiistii shalay.

Shirkadda DP World oo saamiga ugu badan ay iska leedahay Dowladda imaaraadda Dubai, ayaa maalgeshi ay kor ugu qaadayso maalgeshigeeda ku samaynaysa Dekedo badan oo caalamka ku yaala, waxa ay shaacisay inay sannadkan 2018 qorshaha ugu jirto inay adduun lacageed oo dhan $1.4 Bilyan ku maalgeliso Lix Dekedood oo ku kala yaalla waddama Imaaraadka Carabta, Ecuador, Koonfurta Kuuriya, Masar, Mozambique iyo Somaliland.

In kasta oo shirkaddu sii ballaadhinayso ganacsigeeda, hadddana waxa ay dhowaan lumisay lumisay gacan-ku-haynta Dekedda Doraleh ee dalka Jabuuti oo ay ku samaysay maalgeshi malaayiin Dollar, kaddib markii dowladda Jabuuti bishii February ee sannadka burisay heshiish tobanaan sanno ah oo shirkaddu gacanta ku haynaysay maamulka Dekedda, waxaanay shirkaddu tallaabadaas kaga jawaabtay inay dacwad ka dhan ah dowladda Jabuuti ka furato Maxkamad lagaga Garnaqo khilaafaadka heshiisyada Caalamiga ah oo ku taalla waddanka Ingiriiska

Go’aanka Dowladda Jabuuti, ayaa sida wakaaladdu faafisay ka dambeeyey kaddib heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Shirkadda DP World oo doonaysa inay ka faa’idaysato Ganacsiga 110 Milyan eek u nool Itoobiya oo lagu tilmaamo waddanka ugu Dhaqaalaha badan dalalka Geeska Afrika.

Dowladda Somaliland iyo Shirkadda DP World, ayaa hore u kala saxeexday Heshiiska maalgeshiga Dekedda Berbra, haseyeeshee, horaantii bishan, waxa magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta heshiis kale oo saddex-geesood ah ku kala saxeexday Shirkadda Dp World, Dowladaha Somaliland iyo Itoobiya oo kala yeeshay saamiyo kala ah boqolkiiba 51, boqolkiiba 30 iyo boqolkiiba 19. Heshiiskaas oo shirkadda u saamaxaya inay muddo 30 sanno ah gacanta ku hayso maamulka dekedda Berbera, ayaa sida heshiiska ku xusan qayb ka mid ah saamigeeda ku wareejisay Dowladda Itoobiya oo boqolkiiba 95 ganacsiga ay caalamka la leedahay u soo maro Dekedda Jabuuti.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories