HomeShirkadda Dollar Store Oo Wasaaradda Ciyaaraha ku wareejisay koobkii Gobolada, Kooxda Gobolka...

Shirkadda Dollar Store Oo Wasaaradda Ciyaaraha ku wareejisay koobkii Gobolada, Kooxda Gobolka Hawd-na ugu deeqday Dirays

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shikadda ganacsida ee Dollar  Store, ayaa maanta deeq  qalabka ciyaaraha ah Gudoonsiisay xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Hawd kaas oo ka kooban guud ahaan labiskii ay kaga qaybgali lahaayeen ciyaaraha Gobolada.

Shirkada Dollar sida oo kale waxay Wasaarada ciyaaraha Gudoonsiisay koobkii ciyaaraha Gobolada ee sannadkan oo uu  ka Guddoomay Wasiirka wasaarada Dhalinyaradda iyo  Ciyaaraha  Somaliland Md Cali Siciid Raygal.

DollarMunaasibada qalabka lagula kala wareega oo ka dhacday Hotel Crown ee magaalada Hargaysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaara Cali Siciid Raygal,Mulkiilah Shirkada Ganacsiga ee Dollar Store Axmed Cumar Cali, Maayar ku-xigeenka caasimad Cabdicasiis Maxamed Xaashi, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji), Badhasaabka Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hurre, Agaasimaha dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Mustafe Qodox iyo Xidhibaanno ka tirsan Golaha deeganka caasimadda.

Ugu horeyn halkaasi waxa hadal kooban ka jeediyey Mulkiilaha Shirkada Dollar Store Axmed Cumar Cali oo faahfaahin ka bixiyey qalabka ay ku wareejinayaan Kooxda kubadda cagta ee Gobolka Howd “Waxaan kooxdan qiimaha badan ee magaca Gobolka Hawd ku ciyaarta ku gudoonsiinayaa  deeq dhamaystiran oo isugu jirta qalabka ciyaaraha dhamaan wuxuu nin ciyaartoy ahi u baahnaan laha oo dhan, Doorkan waxay Himiladayadu ahayd inaanu qalabka ciyaartoyga siino Gobolka Hawd maadaam oo ay jiraan shirkado kale oo ciyaartoyda kale siiyey qalabkan oo kale.”ayuu yidhi Mulkiilaha shirkadda Dollar Storte Axmed Cumar Cali

Mulkiiluhu wuxuu sheegay inay kooxdan ay qalabka guddoonsiinayaan ugu soo xusheen koox qab-ciyaareed fiican leh “Anagoo kooxdan waxaanu kugu xulanay inay yihiin koox aad iyo aad u dhisan  una carbisan qaabka ciyaartoyga oo ah kooxd dhamaystiran kooxd ahaan iyo ciyaaertoy ahaan, laakiin waa inuu ciyaartoygu iska ilaaliya haddii oo doonayo inuu jidhkiisu dhisnaado balwaddaha sida qaadka iyo mandooriyaasha kale”.

Dollar (1)Sidoo mulkiilaha shirkada Dollar Store  wuxuu wasaarada ciyaara ku wareeyey koobkii ciyaaraha ee sannankan 2013-ka loo dhigi laha tartanka ciyaaraha  Gobolada Somaliland waxaanu sheegay inay ugu bushaaraynayaa inay dhamaan ciyaartoyda reer Somaliland inay koobkani yahay deeq ka dhaxaysa “Waxaa kale oo aanu halkan wasiirka ku gudoon siinaynaa koobkii aanu ugu talo galay ciyaaraha oo aanaan markii hore iclaamin koobkana wuxuu ka dhaxeeyaa jamhuuriyada Somaliland waxaana wakiil ka ah wasaarada ciyaaraha”.

Dhinac kale Wasiirka ciyaaraha Cali Siciid Raygal ayaa dhalinyaradda kula dardaaramay inay meel uga soo wadda jeestaan cidkasta oo fidno dhex dhigaysa,isagoo ciyaartoyda ugu baaqay in la kala saaro qabyaaladda iyo qaranimadda oo la ilaaliyo nabadgelyad Somaliland.

Munaasibadda waxa sidoo kale halka dirayska ciyaartoyga Gobolka Hawd kala wareega tobabaraha kooxdaasi oo uga mahad celiyey sida fiican ee ay dadaalka ugu muujiyeen ka gacan gaysashada iyo tabarucaadka ay kaga qayb qaateen daryeelka qalabka ciyaaraha ee ugu deeqeen

Gebagebadii waxaa munaasibada hadalo dardaaran iyo hoga tusaalan ah isugu jirta ka soo jeediyey Badhasaabadda goboladda Hawd iy Maroodijeex iyo Maayar ku xigeenka Caasimadda iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimad oo dhamaantood ciyaartoyda ku booriyey inay ka shaqeeyaan nabadgelyadda iyo is-dhexgalka bulashadda iyo in meel looga soo wadda jeesto qarannimad Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilandpost/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories