HomeShirkadda DHAWEEYE oo Daahfurtay Adeeg Cusub oo Bulshada u Sahlaya inay Cunto...

Shirkadda DHAWEEYE oo Daahfurtay Adeeg Cusub oo Bulshada u Sahlaya inay Cunto Dalbadaan iyagoo Guryahooda Jooga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Dhaweeye, ayaa maanta daah-furay Adeeg Cusub oo ay ku soo kordhiyeen adeegyada ay Bulshada u qabtaan, waxaanu adeeggani suurta-galinayaa in qofku isagoo Telefoonkiisa isticmaalaya si fudud u dalban karo Cuntada uu u baahan yahay oo loogu geynayo Gurigiisa ama goobtiisa ganacsi.

Shirkadda Dhaweeye oo ka hawl-gasha inta badan magaalooyinka waaweyn ee Geeska Afrika, ayaa noqotay hormuudka shirkadaha bixiya Adeegga Isku-xidhka gaadiidka dadweynaha gaar ahaan tagaasida iyo Bulshada, iyadoo qofku barnaamijka shirkadda oo Qaab Online ah ama telefoonkiisa gacanta ee Telesom ka dalbadan karo tagsi qaada oo geynaya goobta uu u baahan yahay.

blankMaamulka sare ee shirkadda DHAWEEYE oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa, ayaa soo bandhigay Adeeg muhiim u ah xaaladda xilligan lagu jiro ee Caabuqa Coronavirus bulshada u fududaynaya in Cuntada ay doonayaan ka dhex dalban karaan Adeegga Dhaweeye oo Qaab Online ah ama lambar u gaar ah oo shirkaddu ku leedahay Isgaadhsiinta telefoonka, iyadoo Qofka loogu geynayo Goobta uu ku sugan yahay. Adeegga cusub ee shirkaddu soo bandhigtay, waxa weheliya Mootooyin loogu talo-galay in cuntada uu qofku dalbaday loogu geeyo Goobta uu ku sugan yahay.

Guddoomiyaha Shirkadda Dhaweeye Cabdiqani Axmed Maxamuud ayaa sharraxaad ka bixiyey muhiimadda uu leeyahay adeegga shirkaddu soo kordhisay iyo doorka uu ka qaadan karo baahiyaha kala duwan ee Bulshada dhexdeeda ka jira Xaaladda xilligan ee saamaynta xannuunka Covid-19 awgeed.

blank“Sidaad horeba ula socoteen adeegga Dhaweeye, wuxuu ka tisqaada Geeska Afrika, kaas oo shacabka iyo gaadiidku isku dalbaaan qaab Online ah ama Offline ah labadaba. Adeegga Dhaweeye wuxuu maanta soo kordhiyey hab cusub oo ah in Cuntooyinka laga dalbado (Food Delivery) isla Adeegga Dhaweeye dhexdiisa. Maadaama xilligan uu jiro Covid-19, dadka badankoodu guryaha ayay ku jiraan, waxa loo baahan yahay dadkii iyo Hudheeladii cid u kala adeegta, sidaa awgeed, Adeegga Dhaweeye waxa uu si deg-deg ah ku aasaasay Qaybtan cuntada lagu dalbanayo oo aan doonayno inay wax weyn ka tarto bulshada isticmaasha adeegga Dhaweeye magaalo kasta oo ay joogaan,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkadda Dhaweeye.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu sheegay in Adeegga cusub ee ay soo kordhiyeen ka qayb-qaadan doono Shaqo-abuurka xaaladda xilligan lagu gudo jiro, waxaanu yidhi, “Adeeggani wuu ka shaqaynayaa meel kasta oo laga isticmaalo Dhaweeye, wuxuu ka qayb-qaadanayaa shaqo-abuurka, wuxuu ka qayb-qaadanayaa dadkii oo hadda kala xidhan oo u baahan cid u adeego qof kastaa isagoo gurigiisa jooga ama goobtiisa shaqo inuu ka dalbado cunto.”

Madaxa Suuq-geynta shirkadda Dhaweeye, Farax Dayax-weerar, oo iyaduna hadal ka jeedisay munaasibadda shirkaddu ku soo bandhigtay Adeeggan Cusub, ayaa faahfaahiyey sababaha ku dhiirri-geliyey inay shirkad ahaan soo kordhiyaan adeeggan, iyadoo sheegtay in adeeggani Qofka u Sahlayo inuu cunto ka dalbado Hoteelka doonayo isla markaana Gurigiiga ama goobtiisa Shaqo loogu geynayo sida ugu dhakhsaha badan.

blank“Sababaha nagu kallifay inaanu adeeggan soo kordhinno waxa ka mid ah annaga oo mar kasta la jaan-qaadaynayo Technology-ga casriga ah ee Caalamka ku soo kordha annagoo ku guulaysannay tartammo caalami ah iyo kuwo maxalli ah oo dhanka Tiknoolajiyadda ah. Sidoo kale sababaha adeeggan nagu kallifay waxa ka mid ah, waxa soo socota bisha Barakaysan ee Ramadaan, maadaama oo ay dadku sooman yihiin, way ku adkaataa inuu suuqa ka soo adeegto, sidaa awgeed, immika waxaanu u fududaynay dadka inay Afurkii, Cashadii iyo Suxuurtiiba ka dalban karo adeegga Dhaweeye dhexdiisa maadaama oo aanu shaqayno 24-ka Saacadoodba,” sidaas ayay tidhi Ifraax Dayax-weerar.

Waxa kale oo munaasibada ka hadlay qaar ka mid Maamulka Hoteellada Waaweyn ee magaalada Hargeysa oo soo dhaweeyey Adeeggan Cusub oo ay ku tilmaameen mid wax weyn ka tari doona Baahida Bulshada xaaladda xilligan lagu jiro.

blankMustafe Cabdiraxmaan oo ah madaxa suuq-geynta ee Hotel Damal ee magaalada Hargeysa ayaa shirkadda DHAWEEYE uga mahad-celiyey adeegga ay soo kordhiyeen oo uu sheegay inuu Hoteellada fursad muhiim ah u yahay.

Maamulaha Hotel Maamuus ee magaalada Hargeysa, Saleebaan Cabdilaahi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey adeegga shirkaddu soo kordhisay oo uu xusay inuu ku soo beegmay wakhti baahi weyn loo qabo.

blank“Run ahaantii barnaamijkani waa mid wakhtigiisii yimi maadaama lagu jiro xilli uu hakaday isu-socodkii, loona baahan yahay in macaamiisha goobaha ay joogaan loogu adeego. MAAMUUS HOTEL ahaan waxa lanaga heli doonaa cuntooyin tayo leh oo soo jiidan doona macaamiisha adeegsanna doona Adeegga Dhaweeye.” sidaas ayuu yidhi Ismaaciil Cabdilaahi

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories