HomeShirkadda DALSAN Pharmaceutical oo Wacdaro ku soo bandhigtay Carwada Caafimaadka ee Heer...

Shirkadda DALSAN Pharmaceutical oo Wacdaro ku soo bandhigtay Carwada Caafimaadka ee Heer Qaran

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda DALSAN Pharmaceutical oo ka mid ah Shirkadaha ugu faca-weyn dalka ee soo Dejiya Daawooyinka iyo Qalabka Caafimaadka, ayaa maanta wacdaro ka muujisay Carwada Shirweynaha Heer Qaran ee Adeegyada Caafimaadka oo maanta laga furay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

blankDALSAN Pharmaceutical oo qayb laxaad leh ka qaadatay Carwada oo ay ku soo bandhigeen adeegyo Casri ah oo dhinaca caafimaadka la xidhiidha, waxa ay masuuliyiinta iyo Shaqaalaha shirkaddu bulshada ugu bushaareeyeen inay sameeyeen qiimo-dhimis Boqolkiiba 20 ah adeegyada ay bixiyaan muddada saddex cisho ee bandhigga Carwadu socoto.

Shirkadda DALSAN Pharmaceutical oo xubin ka ah Ururka ay ku midaysan yihiin Mihnadleyaasha Caafimaadka ee dalka isla markaana ka diiwaan-gashan hay’adaha Sharciga ah ee khuseeya adeeggooda, waxa Qalabka Caafimaadka ee Shirkaddu soo Dejiso oo ah kuwo Casri ah laga isticmaallaa inta badan Cusbitaalladda iyo Xarumaha kale ee bixiya adeegyada Caafimaad ee dalka, ayaa isugu jira Qalabka lagu sameeyo Shaybaadhada iyo Qalabka Caafimaad ee lagu sameeyo Qalliinka.

blankGuddoomiyaha Shirkadda Dalsan Pharmaceutical Aadan Maxamuud Cali oo madasha bandhigga Carwada kula hadlay warbaahinta, ayaa faahfaahin ka bixiyey adeegyada Caafimaad ee shirkaddoodu qabato.

“Shirkaddu waxa ay soo dejisaa Qalabka Caafimaadka iyo Daawooyinka. Qalabka Caafimadku wuxuu uu isugu jiraa Furniture-ka Cusbitaalka, hadday mid wax lagu baadho tahay iyo hadday mid wax lagu qalo tahay.

Waxa kale oo ay ka shaqaysaa daawooyinka oo ay soo dejiso daawooyin tayo-sare leh. Waxa ay ka mid tahay shirkadaha ka diiwaan-gashan ururka DAWO, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Ganacsiga iyo dhammaan hay’adaheenna sharciga ah,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Aadan Maxamuud Cali.

Guddoomiye Aadan Maxamuud waxa kale oo uu ka hadlay Kaalinta shirkaddu kaga jirto Mihnadleyaasha Caafimaadka ee dalka iyo qiimo-dhimis ay sameeyeen muddada Carwadu socoto, waxa uu yidhi, “Waxaanu ka mid nahay shirkadaha sida gaarka ah ula shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka, Ka Qayb-qaata mucaawimooyinka Cusbitaallada sida ka Maskaxda iyo cusbitaallada kale oo dhan.

Waxaanu ku soo bandhignay qiimo dhimis dhan 20% oo anau ugu bushaaraynayno bulshada inta carwadu socoto Insha Allah.” Sidaas ayuu yidhi Aadan Maxamuud.

blankGebo-gabadii waxa uu Guddoomiyuhu ka dareen-celiyey doorka shirkadda ee ka-qayb-qaadashada Carwada, waxaanu yidhi, “Waxaanu u mahad-naqaynaa wasaaradda oo aanu ku faraxsanahay inaanu Carwadan ku soo bandhigno adeegyadayada”.

Sida kasta ha ahaatee, Carwada Bandhigga Adeegyada ay qabtaan Mihnadleyaasha, Xarumaha iyo Shirkadahaba oo noqonaysa markii u horeysay ee lagu qabto Somaliland, waxa ay Shirkadda DALSAN Pharmaceutical ka mdi noqotay shirkadaha nasiibka u helay inay isku muujiyaan isla markaana bulshada la wadaagaan Wax-qabadkooda dhinaca adeegyada Caafimaadka ee ay bulshada u qabtaan.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories