HomeShirkadda Dahabshiil oo si Weyn uga Dhex Muuqatay Shirweyne la Xidhiidha Ganacsiga...

Shirkadda Dahabshiil oo si Weyn uga Dhex Muuqatay Shirweyne la Xidhiidha Ganacsiga oo London ka Dhacay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

London (SLpost)- Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa si wayn uga dhex muuqatay shirweyne la xidhiidha ganacsiga iyo horumarintiisa oo lagu qabtay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Shirweynahan oo ah sannadle uu qabto ururka la yidhaahdo SEF (The Somali Economic Forum) oo toddobaadkii hore ka dhacay huteelka Hilton ee magaalada London, kaas oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo taageeri lahaa ganacsiyada kala duwan iyo in xirfadlayaasha horumarka ballaadhan sameeyey soo bandhigaan fursadaha aqooneed iyo hannaanka isku-xidhka ee lagu maamulo ganacsi guul gaadha, ayaa shirkadda ka qaadatay doorka ugu wayn ee maalgelintiisa iyo tilmaanta ugu muhiimsan ee lagu bartilmaameedsado shirkad ganacsigeeda ka midho-dhalisa.

Cabdi Cabdillaahi - DahabshiilShirweynaha oo lagu martiqaaday aqoonyahanno ku takhasusay dhinacyada Baananka, xisaabaadka, dhakhaatiir, qareenno, ganacsato, maalgeliyayaal iyo shakhsiyaad danaynaya inay bilaabaan ganacsi ama mid hore ay u lahaayeen horumariyaan iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin safiirka dawladda Koonfurta Suudaan u fadhiya waddanka Ingiriiska Mr. Akok M. Madut iyo masuulka dhinaca ganacsiga u qaabilsan safaaradda Kenya ee magaalada London Mr. Micheal S. Mandu, waxa saddex mowduuco loogu talogalay in laga faa’iidaysto ka jeediyey Wakiilka Shirkadda Dahabshiil Group ee Ingiriiska Mr. Cabdi Cabdillaahi,  Tifaftiraha idaacadda BBC-da ee Afrika Mary Harper oo ka hadashay astaamaha wanaagsan ee ka muuqda horurmarka dadka Soomaalida ah iyo Mr. Nouman Khalid oo ka socday bangiga caalamiga ah ee  Barclays.

Ugu horraynba, Agaasimaha Guud ee SEF Mr. Xassan M Dudde oo uu furitaaanka shirka hadallo kooban ka jeediyey, ayaa iftiimiyey ujeedada kulamka iyo sida uu ugu faraxsan yahay inay shirkado iyo aqoonyahanno ay ka mid tahay shirkadda Dahabshiil ka dhex muuqato. Waxa uu Agaasimuhu xusay in guulaha ay shirkadda Dahabshiil ka gaadhay caalamka maanta aan cidina qarin karin, wax sacab la saarona ay ka weynaatay, iyada oo ku mutaysatay adeegyadeeda, hufan baaxadda leh iyo waxtarka ay u hurto bulshada la macaamisha.

Mary HarberWakiilka Shirkadda Dahabshiil Group ee xafiis-goboleedka UK Mr. Cabdi Cabdillaahi, ayaa hadalka uu shirweynahaasi ka jeediyey kaga warramay taariikhda shirkadda Dahabshiil soo martay ilaa waqtigii la aasaasay 1970-kii, adeegyada ay fuliyaan, taageerada kala duwan ee ay arrimaha bulshada kaga qaybgasho iyo weliba doorka mustaqbalka ay ka ciyaari karaan horumarinta gobolka dadka Af-soomaaliga ku hadlaa degaan.

Waxa kale oo uu si gaar ah u sharraxay xawilaadda lacagaha ee shirkaddu ka fuliso adduunka oo dhan iyo qaabka ay ula shaqeeyaan bangiyada iyo shuruucda caalamiga ah iyo weliba ilaalinta isu-socodka lacagaha sharciga ah oo Dahabshiil caalamka kaga mutaysatay aaminaad iyo adeeg hufan.

Masuuliyiinta iyo khubarada kala duwan oo shirweynaha ka hadlay ayaa dhammaantood isku raacay ammaan ballaadhan oo ay shirkadda Dahabshiil Group ku siiyeen hannaankeeda shaqo iyo horumarka ay samaysay, iyagoo si gaar ah u xusay nidaamka kala xawilaadaha lacagaha ee shirkaddu ka shaqayso.

Sidoo kale, qabanqaabiyayaasha shirweynaha iyo madaxda ururka SEF oo furitaankiisii ka hadallo ka jeediyey madasha ayaa majiirtay, kana mahadceliyey maalgelinta shirka ee shirkadda Dahabshiil oo ay ku tilmaameen inay ka qaadatay kaalin dahabi ah, iyada oo aqoonsiga waxtarka shirkadda iyo horumarka ganacsigeeda ee caalamku siinayo aanay ku kala baydhin aqoonyahanka, saxaafadda, ururrada iyo shakhsiyaadka ugu haldoorsan caalamka dhaqaalaha.

Golaha Dhaqaalaha Soomaalida ayaa loo aasaasay sidii uu isugu keeni lahaa haldoorka ganacsiga gobolka saamaynta ku leh sannadkiiba mar, isla markaana loogu martiqaadi lahaa aqoonyahanka iyo ganacsatada aan Soomaalida ahayn ee xiiseeya amuunraha dhaqaalaha iyo maalgeshigiisa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories