HomeShirkadda Dahabshiil oo Martiqaad kaga Qaybgashay Shir-madaxeedka Bangiga Horumarinta Afrika

Shirkadda Dahabshiil oo Martiqaad kaga Qaybgashay Shir-madaxeedka Bangiga Horumarinta Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maamulaha Guud ee Shirkaddaha Dahabshiil oo Khudbad ka Jeediyey shirka, kana xog-warramay ujeedadii uu xambaarsanaa

[C]aruusha (SLpost)- Shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil ayaa ka qaybgashay shir caalami ah oo uu qabtay Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), kaas oo lagaga hadlay arrimo la xidhiidha dhaqaalaha iyo horumarinta qaaradda.

blankShir-madaxeedka Banigaga Horumarinta Afrika ee sannadkan 2012-ka oo maalmihii 28-kii May ilaa 1-dii June ka socday magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, kana qaybgaleen inta badan madaxda waddamada Afrika, shirkaddaha waaweyn ee ganacsiga iyo kuwa caalami ah oo ay ka mid tahay shirkadda Dahabshiil oo lagu casuumay Maamulaheeda Guud Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid, waxaanna intii shirkaasi socday lagaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin qorshayaasha miisaaniyaddaha, maalgelinta, furfurnaanta ganacsiga qaaradda iyo waxyaabaha kor loogu qaadi karo iyo dhaqaalo-yamxeerida, iyadoo laga duulayo dhibaatooyinka dhaqaale-xumada adduunyada ka taagan. Waxa kale oo lagu lafoguray saamaynta nabadda, cuntada, abaaraha iyo tiknolajiga.

Maamulaha Guud ee shirkaddaha Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo shirka ka jeediyey khubad ka tarjumaysa martiqaadka loo fidiyey oo ahaa lacagaha Afrika looga soo xawillo dibadaha, kadib ay noqotay shirkadda ugu baallaadhan ee ka shaqaysa xawillaada lacagta Afrika ka hesho qaaradaha kale ee adduunka, isla markaana la qiimeeyey baaxadda waddamada ay ka shaqayso iyo weliba ammaanada iyo adeegga wanaagsan ee ay bixiso.

Cabdirashiid Maxamed Siciid ka warbixiyey sida ay shirkadoodu uga shaqayso waddamo badan oo Afrika ah ee xawilaadda lacagaha iyo adeegyada Bangiga Dahabshiil ka qabto, gaar ahaana waxa uu faahfaahin ka bixiyey dhulalka Soomaalidu degto iyo kaalinta ay ku leeyihiin hawlaha shaqo-abuurista iyo horumarinta.

Geesta kale, markii shirkaasi dhammaaday waraysi laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du la yeelatay Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid, waxa uu faahfaahin dheeraad kaga bixiyey shirka iyo waxyaabihii lagaga hadlay.

“Shirkan oo sannad walba mar dhaca, dawladaha Afrika badankoodu way ka qaybgalaan oo madaxweyneyaal ilaa wasiirro ayaa yimaada, waxa kale oo ka qaybqaata shirkadaha baayac-mushtariga ah ee Dahabshiil ka mid yahay iyo bangiyada kale ee caalamiga ah, maadaama annagu aannu ku shaqayno bangi iyo xawilaadda lacagahaba waxay noo ahayd sharaf in shirkan oo nalagu martiqaaday ka qaybgalno, halkaas oo aannu ku soo bandhignay shaqooyinka aannu ka qabano Afrika iyo horumarinta dhinaca shaqo-abuurista. Shirkaddo kale oo ajanebi ah oo Afrika u dhashay ama ka socday waddamo ay ka mid yihiin China iyo India ayaa iyaguna ka qaybgalay,” ayuu yidhi Mr. Cabdirshiid.

Maamulaha guud ee shirkaddaha Dahabshiil oo la waydiiyey waxyaabaha ay shirkaasi ka faa’iideen waxa uu ku jawaabay, “Horta shirarka noocan ah mar walba aqoon baa kaaga soo kordhaysa, sababta oo ah warar aanad hore u haynin ayaad ka ogaanaysaa, waxyaalaha lagaga hadlay waxa ka mid ah dhaqaalaha Afrika sida uu waddamada qaarna u horumaray ama uu u korayo, qaarna aannu isbeddelin, waxa la tilmaamay sida dalalka qaar nabaddu cidhiidhiga ugu tahay, sida cuntada iyo wax-soo-saarka ay u saameeyeen dhibaatooyinkan hawada ka jira iyo siyaabaha loo sii horumarin karayo shaqo-abuurista ha noqoto in baayac-mushtariga loo fududeeyo waddamada Afrika sidii ay ganacsiga iyo adeegyadoodaba u fududayn lahaayeen. Sidaad la socotid ganacsigu wuxuu u baahan yahay isgaadhsiin iyo waddooyin hagaagsan, dekeddo iyo madaarro wanaagsan, kuwaas oo dhammaantood ah waxyaabaha shaqada abuura.”

Mar la waydiiyey ujeedada shirka la isugu keenay madaxda iyo shirkadaha ganacsiga Afrika iyo waxyaabaha mid walba doorkiisu yahay, waxa uu yidhi, “Shirkan waxa la doonayey waddamada Afrika ee ka soo qaybgalay ee madaxweynayaasha iyo wasiirradu joogeen inay dhegaystaan afkaarta ganacsatada oo ah in ganacsiga loo fududeeyo sida isku gudubka oo ah sharci fudud in laga sameeyo meelaha shuruucdu adagtahay, in laga taageero dhinaca ganacsiga, maxaa yeelay shirkaddaha ganacsigu shaqo abuuris badan ayey sameeyaan, horumarin ayey ka gaystaan. Waxyaabaha aannu ka hadalnay waxa ka mid ah waddamada Afrika ee aannu ka shaqayno, adeegyada kala duwan ee aannu u qabano iyo waxyaabaha aannu u baahanahay si aannu dalal kale uga sii shaqayno haddii ay tahay sharci iyo wixii uu nala qaban karayo Bangiga Horumarinta Afrika ee shirka qabanqaabiyey. Markaa runtii waxyaabo badan ayey iyaguna naga koradhsadeen, annaguna aannu ka faa’iidnay.”

Ugu dambayntii waxa la waydiiyey in ka qaybgalka shirka ay keli ku ahaayeen marka la eego shirkadaha Soomaalida iyo in kale, “Runtii shirkadaha ganacsiga ee Soomaalida shirkadda Dahabshiil ayuun baa shirka lagu martiqaaday oo hadal ku lahayd oo arrimahaa dhaqaalaha ka hadashay, shirkado kale oo Afrikaan ahina way joogeen,” ayuu ku soo gunnaanaday hadalkiisa Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories