HomeShirkadda Dahabshiil oo markii u horreysay ka Hirgelisay Soaliland Xarun Fulinaysa Sarrifka...

Shirkadda Dahabshiil oo markii u horreysay ka Hirgelisay Soaliland Xarun Fulinaysa Sarrifka Lacagaha oo Jumlad ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Qaybta sarrifka ee shirkadda Dahabshiil Group, ayaa markii ugu horreysay ka hirgelisay dalka Jamhuuriydda Somaliland xarun fulinaysa adeeg cusub sarrifka lacagaha ah, gaar ahaan kuwa qalaad ee si wayn dunida looga isticmaalo.

Xaruntan oo qaybteeda kowaad laga furay badhtamaha suuqa sarrifka caasimadda Hargeysa, dhinaca galbeed ee huteelka Oriental-ka, waxay dadweynuhu ka heli karaan sarrifka noocyada kala duwan ee lacagaha inta badan laga isticmaalo wadammada adduunka oo jumlad ah, kaas oo aan hore uga jirin Somaliland oo ganacsatada iyo dadweynuhu u diri jireen dibadaha,isla markaana lagu sarrifayo nidaamka caalamiga ah ee kolba xaddiga lacaguhu ka joogaan suuqyada caalamka.

Madaxa Qaybta Sarrifka ee Dahabshiil Mr.Maxamed Saciid Cawaale oo faahfaahin ka bixiyey xaruntan iyo adeegyada u qabanayso macaamiishooda iyo guud ahaan bulshada Somaliland, ayaa waxa uu yidhi; “Adeeggan sarrifka jumladda ah oo aan hore dalka uga jirin, dadkuna baahi wayn u qabay, annagoo hore sarrifka lacagaha u samayn jirnay sida lacagaha gudaha iyo kuwa cashuuraha, iyadoo ilaalinta iyo siduu qiimo u yeelan lahaa shillinka dalka aannu kala qaybqaadanno Baanka Dhexe, markaa annaga oo danta dalka iyo dadkaba eegayna ayaanu soo kordhinay sarrifkan lacagaha ee jumladda ah oo macnaheedu yahay lacago badan qalaad (ajanebi) oo isku xidhan ee aan ahayn lacag yar yar, tusaale intii la doonaba way noqon kartaa laakiin $10 kun dollar iyo wixii ka badan oo kale ayaa la odhan karaa oo la doonayo in lacag kale loo beddelayo sida Sucuudi oo kale oo laga yaabo inay noqoto dhawr iyo soddon kun oo Riyaal.

dahabshiilLacagaha aannu sarrifnayno waxa weeye baahida lacageed ee dalka taal oo dhan oo aannu ka sarrifayno xaddi kasta oo dadku doonayo. Adeeggan oo loo fududeeyey sarriflayaasha iyo macaamiisha lacagaha qalaad ee xaddiga badan sita cadad kasta iyo cayn kasta, waxa uu u kala qaybsamaa laba qaybood oo kala ah; midka lacagaha jumladda kaashka ah si toos ah la isugu beddelo iyo mid nidaamka casriga ah ee loo yaqaan iibka lacagaha ee dhinaca tiknoolajiga (Online Currency Sales) lagu kala iibsado iyadoo la isticmaalayo baananka.”

Waxa kale oo uu ka warramay faa?iidooyinka laga helayo xaruntan sarrifka lacagaha jumladda ah oo uu sheegay in aanay shirkaddu u furan si ay uga faa?iido oo keliya, balse ay ku timi baahida dadka iyo dalkuba u qabo, isagoo xusay in xaruntani wadayso hawlihii kale ee sarrifka caadiga iyo adeegyada xawaaladda oo ku lammaan sida lacag qaadashada, qabashada iyo diristaba.

“Sarrifkan jumladdu waxa uu soo kordhinayaa wax badan oo waxa lagaga baxayaa dhibaato hore u taalay oo dadka, gaar ahaan sarriflayaashu inta ay lacagta muddo dhan ururiyaan ayaa waxay u diri jireen Dubai ama meelo kale oo adduunka ka mid ah si loogu soo sarrifo, markaa lacagtaa la diriyey halkeedii annaga ayaa fadhiisinay oo baahi uma qabo qofku inuu iminka dibadda u diro, annaga ayaa iibsanayna oo qiimihii suuqyada caalamka sida Dubai oo kale ku iibsanayna. Sidaa darteed hawshaa dadku galayey ee lacagtu ka galaysay ee khatarta ku ahayd lacagtooda waxa hadda u fududaysay shirkadda Dahabshiil u sarrifaysa,” ayuu yidhi Mr. Cawaale.

dahabshiil_ExchangeMr. Cawaale waxa uu tilmaamay in adeegga sarrifka lacagaha ee Dahabshiil oo la kowsaday nidaamka xawaaladda ee shirkadda oo bilaabmay sannadihii toddobaadtaneeyadii, balse qaybta sarrifka oo si rasmi ah iskeed loogu madaxbannaaneeyey muddo toban sanno ah ka hor ay noqotay adeegga sarrif ee ugu ballaadhan dhammaan goobaha Soomaalidu joogto ee uu ka hirgalay sida Somaliland, Soomaaliya, Puntland, Djibouti, Dubai iyo Ingiriiska.

“Shirkadda Dahabshiil waxay adeegsataa nidaamyada casriga ah ee sarriflayaasha caalamku adeegsadaan ee ka jira sayladaha sarrifka adduunka, sida qiimayaasha lacagaha ee Platforms-ka iyo shabakadaha caanka ku ah qiimayaasha lacagaha ee isbeddelada iyo kuwa joogtada ahba,” ayuu yidhi Madaxa Qaybta Sarrifka ee Shirkadda Dahabshiil.

SOMALILANDPOST.INFO

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories