HomeShirkadda Dahabshiil oo Ka Jawaabay Baaqii Madaxweynaha Somaliland

Shirkadda Dahabshiil oo Ka Jawaabay Baaqii Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Dahabshiil Group faraceeda ‘Dahabshiil Oil” ayaa ku dhawaaqday inay dalka keentay Shidaal qiimo jaban lagu iibinayo.

blankWar-saxaafadeed ay Shirkaddu Maanta soo saartay, ayaa lagu sheegay in shirkadda oo ka jawaabaysa Baaqii madaxweynaha Somaliland todobaadkii hore ku sheegay in keenista shidaal qiimo jaban u furan tahay cid-kasta si loo xakameeyo sicir-bararka ka jira dalka.

Warka ka soo baxay shirkadda Dahabshiil, ayaa u qornaa sidan:- “Shirkadda Dahabshiil Group faraceeda ‘Dahabshiil Oil” oo tix-gelinaysa duruufaha kala gedisan ee dalka ka jira, waxa ay ugu bushaaraynaysaa bulshada Somaliland in Shirkaddu keentay Shidaal qiimihiisu jaban yahay, taasi oo aannu rajaynayno in ay wax weyn ka tari doonto xaaladda dalka ee sicir-bararka wakhtigan jira.

Sidoo kale, iyadoo aynu ogsoonahay in qiimo korodh ku yimid qiimaha shidaalka Caalamka, shirkaddu iyadoo ka jawaabaysa baaqii Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland, tudhaale ay ka qabto dadkeeda awgeed waxa ay go’aansatay in ay baaqaasi ka jawaabto dadkeedana u raadiso shidaal jaban oo munaasib ku ah duruufaha bulshadeeda.

Sidoo kale, waxa aannu ugu baaqaynaa Ganacsatada Shidaalka iyo Kaalmaha Shidaalka iibiya in bulshada ka jebiyaan qiimaha shidaalka, iyagoo tix-gelinaya duruufaha wakhtigan dalka ka jira ee Sicir-bararka iyo Abaaraha.

Sidoo kale, Xukuumadda waxa aannu ka codsanaynaa in ay cashuurta ka dhinto shidaalka dalka imanaya.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay shirkadda Dahabshiil.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories