HomeShirkadda Dahabshiil oo Deeq lacageed ku wareejisay Guddiga Dhismaha Waddada Allaybaday-Arabsiyo

Shirkadda Dahabshiil oo Deeq lacageed ku wareejisay Guddiga Dhismaha Waddada Allaybaday-Arabsiyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maareeyaha Guud ee Xarunta Shirkadda Dahabshiil, Mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi, ayaa guuddoonsiiyey Guddoomiye-ku-Xigeenka Guddida Dhismaha waddada Allaybaday iyo Arabsiyo, iyo xubno kale oo isugu jira waayeel iyo waxgarad oo weheliyey, deeq lacag ah oo dhan US$25000 (Shan iyo labaatan kun oo Dollarka Maraykanka ah).

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xafiiska Maareeyaha Guud, Axad 29 June 2014, ayaa waxa ugu horrayntii ka dareen celiyey sida shirkadaha Dahabshiil u soo dhoweynayaan dedaallada iskaa-wax-u-qabso ah ee bulshadu ugu tartamayso horumarinta deegaannada iyo kaalinta wax-ku-oolka ah ee Shirkadaha Dahabshiil Group kaga qayb qaataan dhiirrigelintooda.

IMG_8624“Waxa kasta oo shirkadaha Dahabshiil ku darsadaaan mashaariicda horumarineed ee socda ma aha wax kale ee waa falcelin ka soo unkamay dedaalka bulshada iyo deegaannada kala duwani la yimaaddeen eek u jihaysan horumarinta adeegyada, oo waddooyinku qayb muhim ah ka yihiin”, ayuu yidhi Maareeyuhu, isaga oo ku daray in falsafadda shirkadaha Dahabshiil ay ka mid tahay in waxtarka loo geysto bulshadu yahay mid khayr iyo barakaba kun-jibbaaran oo uu mar walba faa’iido yahay.

“Waannu ognahay,”ayuu yidhi “in qoonadada manta aannu idin soo gaadhsiinnay ay ka tahay dhibic dedaalka guud ee loogu jiro dhammaystirka waddadaa, haddana waxa lagama maarmaan ah inaanu idinku garab galno, idinku dhiirrinno, oo idiin bilowno wixii itaalka iyo wakhtiguba maanta innoo saamaxaan”.

Guddoomiye-kuy-Xigeenka Guddida Dhismaha Waddada, Chief Caaqil Mohamed Yuusuf Aadan, ayaa dhankii aad uga mahdadooday sida sharafta leh oo shirkaddu u karaamaysay Guddiga iyo hawsha ay u xilsaaran yihiin.

IMG_8613“Dareenkaygu ma cabbiri karo qaderinta shirkaddu na tustay iyada oo ah shirkaddii u horreeysey ee si mug leh u ajiibtay, ugana dhabaysay, baaqii aannu bulshada, ganacsatada iyo qurbajoogga ugu gacan haadinney ka-qayb-qaadashada dhismaha waddada,” ayuu Yidhi Chief Caaqil Mohamed Yuusuf, isaga oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin, uguna ducaynayaan mugga waxtarka shirkadaha Dahabshiil Group taarteen dhismaha waddada.

Mooge Ali Yuusuf, oo ka mid ahaa waayeelka iyo waxgaradka madasha fadhiyey, ayaa isaguna waxa uu hoosta ka xarriiqay sida aanay mudda dheer oo jiitanta aanay uga lumin shirkadda Dahabshiil.

“Qiimaynta aad na tusteen ayaa wax walba nooga badan’, ayuu yidhi Mooge “ iyada oo manta Ramadaan Kow tahayna bilow Baraka le ayay noo tahay deeqdan mugga leh ee shirkadaha Dahabshiil ugu deeqeen waddada Allaybaday-Arabsiyo”.

Muuse Yuusuf Cadduur ayaa dhinaciisa ballan qaaday inay ka guddi ahaan iyo ka deegaan ahaanba meel muuqata gelin doonaan deeqda shirkaddu soo gaadhsiisay, ummadduna midhaheeda si siman uga faa’iidaysan doonto.

Muhumad Aw Cabdi, Guddoomiyihii hore ee hay’adda Shaqaalaha, ayaa isaguna tilmaamay in ay bog dahabi ugu qornaan doonaan shirkadaha Dahabshiil, isaga oo yidhi “in Dahabshiil nala maseeyey oo isku si noo qaabilay waddooyinka kale ee waddanka ka socda ee naga dhaadheer ama naga dhibta badan ayaa noo muujisay in shirkadda iyo madaxdeedu aanay waxba nagala hadhin ee noo sed buriyeen, taana mahadnaq iyo duco ayaannu beddelkeeda iddinku huraynaa si kal iyo laab ah”.

Madasha lagula kala wareegey deeqdan waxa goob joog ka ahaa dhinaca Dahabshiil Maareeyaha Guud, Cabdiraxmaan Cali Cabdi, Madaxa Shaqaalaha Axmed Faarax, Madaxa Xidhiidhka Dadaweynaha Xasan Xiis, Maxamed Jaamac Iriir (Xisaabaadka) iyo Xasan Cusmaan (Real Estate). Sidoo kale waxa Guddiga Dhismaha Waddada Allaybaday-Arabsiyo metelayey Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga, Chief Caaqil Maxamed Yuusuf Aadan, Mugumad Aw Cabdi, Ibrahim Cabdi Xuseen, Mooge Cali Yuusuf, Muuse Yuusf Cadduur iyo Axmed Cabdi Bakaal, Guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories