HomeShirkadda ALNUUR Furniture oo mar kale ka farxisay Agoomaha Hargeysa

Shirkadda ALNUUR Furniture oo mar kale ka farxisay Agoomaha Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

HARGEYSA (SLpost)- Shirkadda qalabka guryaha iyo xafiisyada ee ALNUUR Furniture ayaa dhar, kabo iyo agabka carruurtu ku ciyaaraan kaga farxisay 485 carruur ah oo ku jira xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, si ay munaasibadda Ciidda Fitriga farxadda ula qaybsadaan carruurta kale ee nasiibka u helay in waalidkood nool yahay.

Madaxa Suuqgaynta ee Shirkadda ALNUUR Md. Cabdiqani Maxamed Xuseen oo deeqdan ku wareejiyay xarunta Agoomaha Hargeysa maanta, ayaa sheegay inaanay ahayn markii ugu horreysay ee shirkaddoodu deeq noocan oo kale ah soo gaadhsiiso xarunta agoomaha Hargeysa.

IMG_5656“Deeqdan dharka Ciidda ah waxa uu ganacsade Cabdiraxmaan ALNUUR ku ciidsiiyay 485-ka agoon ee ku jira xarunta agoomaha ee Hargeysa, mana aha markii ugu horraysay ee ay Shirkadda ALNUUR deeqdan oo kale u keento, laakiin sannad kasta, labada ciidood ee Islaamka (Ciidal-fidri iyo Ciidal-adxa) waannu ciidsiinnaa agoomaha si ay u farxaan, waxaanu Ganacsade Cabdiraxmaan ALNUUR dammaanad-qaaday ILAAHAY ka sakow inuu sannad kasta labada Ciidood ee muslimiintu ciiddo uu ciidsiiyo agoomaha xarunta ku jira oo ay farxadda kala qayb qaataan ummadda kale.”

Md. Cabdiqani Maxamed, waxa uu xusay in deeqdani ka kooban tahay dhammaan dharkii (shaadh iyo surwaal, garan, nigis, i.w.m), kabihii (sandhal ama buudh) iyo qalabkii kale ee carruurta yaryari ku ciyaari lahayd maalmaha ciidda.

alnuur (1)Ku-simaha Agaasimaha xarunta agoomaha ee Hargeysa Md. Saxardiid Muxumed Jaamac oo shirkadda ALNUUR ka guddoomay deeqdan dharka ah ayaa isaguna munaasibaddaasi ka hadlay, isaga oo mahadnaq weyn u jeediyay shirkadda ALNUUR.

IMG_5635“Waxaan aad iyo aad ugu duceynayaa mulkiilaha Shirkadda Md. Cabdiraxmaan-ALNUUR oo had iyo jeer xeradan agoomaha ah aad iyo aad uga war haya, muddo dheer oo ah ilaa imika dhammaadkii 2010-kii labada Ciidood (Ciidal Fidriga iyo Adxada) iyo inta u dhexaysa marka baahiyi jirto waxa uu ka mid yahay dadka gargaara ee wax u keena” ayuu yidhi Md. Saxardiid.

alnuur (2)“Ganacsade Cabdiraxmaan ALNUUR waxaan ILAAHAY uga rajaynayaa halka uu deeqdan ka soo saaray boqol laabkeed u gasho Jasaa’akallaahu khayran ayaan leeyahay, Cabdiraxmaan-ALNUUR waxa uu xarunta agoomaha Hargeysa taray hadal kuma soo koobi karayo. Aad ayuu u mahadsan yahay” ayuu Saxardiid hadalkiisa raaciyay.

Maaha markii ugu horraysay ee ay Shirkadda ALNUUR FURNITURE ciidsiiso agoomaha ku jira xarunta agoomaha magaalada Hargeysa, hase yeeshee sannad kasta waxay shirkaddani kafaalo qaaddaa farxadda ku-dhowaad 500 oo carruur ah oo ku jira xarunta agoomaha ee Hargeysa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories