HomeShirkadda ALNUUR FURNITURE oo Dharka Cidda oo dhamaystiran u xidhay Carruurta lagu...

Shirkadda ALNUUR FURNITURE oo Dharka Cidda oo dhamaystiran u xidhay Carruurta lagu xannaaneeyo Xarunta Agoomaha Hargeysa (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Agabka Guryaha iyo Xafiiska ee ALNUUR FURNITURE, ayaa maanta ku warejisay maamulka Xarunta Agoomaha ee Hargeysa Dharka Ciidda oo shirkaddu u talo-gashay in ka badan 400 wiilal iyo hablo ka kooban ku jira Xarunta daryeelka Agoomaha ee magaalada Hargeysa

Deeqda shirkaddu ugu talo-gashay carruurta ku jirta Xarunta Agoomaha Hargeysa, ayaa isugu jira Dharka Carruurta oo mid kasta oo ka mid ah, gabdho iyo wiilalba, maryaha kol-xidhadka ah iyo kabaha ay ku ciidayaan  iyo agabka carruurta ku ciyaarto munaasibadaha Ciidaha, iyada oo ujeeddada deeqda shirkaddu tahay si ay carruurtaasi farxadda Ciidda ula wadaagaan carruuraha kale ee waalidkood la nool.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMunaasibad gudaha xarunta Agoomaha loogu qabtay wareejinta Dharka iyo agabka kale ee carruurta loogu talo-galay, ayaa waxa ka soo qayb-galay Maamulka Xarunta Agaasimaha Xarunta Marwo Caasha Maxamuud Qaalib oo deeqda ka guddoontay Cabdinaasir Saleeban (Naasir-Gargaar) oo shirkadda wakiil uga ahaa deeqda ay carruurta ugu talo-gashay.

ALNUUR (5)Naasir Saleebaan (Naasir-Gargaar) oo ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay inay shirkad ahaan ku faraxsan yihiin deeqda ay ku wareejiyeen xarunta agoomaha Hargeysa oo shirkadda Al-Nuur sannad kasta sidan oo kale ay uga farxiso carruurta ku jirta Xarunta, waxaanu shirkadaha kale ee dalka ugu baaqay inay Al-nuur Furniture kaga daydaan tallaabada ay hormoodka ugu noqotay taakulaynta ubadka aan waalidkooda la noolayn ee xarunta lagu xannaaneeyo.

ALNUUR (1)“Waxaan halkan ku wareejinayaa agaasimaha Xarunta agoomaha deeq gaaadhaysa ilaa 420 Carruur ah Agabkoodii Ciidda oo dhamays tiran, haday tahay dharkii, Kabihii iyo Qalabkii kale ee carruurtu ku ciyaarto. Waxaanu ugu talo galnay inaanu xasuusin,” ayuu yidhi Naasir Gar-gaar.

Deeqdan ayaa ilaa Sharabaaddada ay kabaha u xidhanayaan Carruurtu ay ku jiraan sida uu Sheegay Naasir-Gargaar, waxaanu xusay in Carruurta Agoomaha ah ee aadka u yar-yar ay qalabka ay ku Ciidayaan maalinta Ciidul-Odxada u diyaariyeen oo ay Shirkad ahaan ka bixin doonaan.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAAgaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Caasha Maxamuud Qaalib oo deeqda shirkadda Al-Nuur guddoontay, ayaa maamulka shirkadda Al-Nuur uga mahad-celisay masuuliyadda uu iska saaro taakuleynta Carruurta ku jirto xarunta oo ay sheegtay inuu xil iska saaro munaasibad kasta oo Ciid ah farxad-gelinta ubadka.

ALNUUR (2)Deeqda Shirkadda Al-Nuur ku wareejisay maamulka xarunta Agoomaha Hargeysa maanta, ayaa noqonaysa sannadkii 6aad ee isku xiga ee shirkaddu sidan oo uga farxiso ubadka aan waalidkood la noolayn ee ku jirta xaruntaas, sida uu noo sheegay Naasir Saleebaan (Naasir-Gargaar) oo deeqda ku wareejiyey maamulka Xarunta.

Shirkadda ALNUUR Furniture ayaa iyadu sannad kasta labada ciidood ee Islaamka kafaalo-qaadday Dharka iyo Kabaha ay ku ciidayaan iyo guud ahaanba agabka ay ku cayaarayaan carruurta ku jirta xarunta Agoomaha oo ku taala Xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

ALNUUR (4) ALNUUR (3)

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories