HomeShirkadda Al-Nuur Furniture oo mar kale ka farxisay Ubadka Xarunta Agoomaha Hargeysa

Shirkadda Al-Nuur Furniture oo mar kale ka farxisay Ubadka Xarunta Agoomaha Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Agabka Guryaha iyo Xafiisyada ee ALNUUR Furniture, ayaa shalay deeq maryaha ciidda ah oo loogu talo-galay carruurta ku jirta Xarunta Agoomaha Hargeysa ku wareejisay maamulka Xaruntaas.

Munaasibad Xarunta Agoomaha loogu qabtay wareejinta deeqdan ka koobnayd dhar iyo kabo iyo guud ahaan qalabyada kala duwan ee ay carruurtu ku ciidaan, taas oo ay shirkaddu ugu talo gashay tiro ku dhow Shan boqol oo ah carruurta ku jira Xarunta Agoomaha ee Hargeysa ay farxadda maalinta Ciidda kula qaybsadaan carruuraha kale ee la nool waalidiintooda.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMaxamed Yuusuf Cilmi oo ku hadlay magaca shirkadda ALNUUR Furniture oo uu wakiil uga ahaa deeqda la gaadhsiiyey xarunta, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in ay deeqdan ku wareejiyaan maamulka xarunta agoomaha, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kaalmaynta carruurta agoomaha ah iyo fadliga ku jira.

“Aniga oo kawakiil ah Shirkadda Al-Nuur waxaan waxaan halkan ku wareejinayaa agaasimaha Xarunta agoomaha deeq gaaadhaysa ilaa 480 Carruur ah Agabkoodii Ciidda oo dhamays tiran, haday tahay dharkii, Kabihii iyo Qalabkii kale ee carruurtu ku ciyaarto. Waxaanu ugu talo galnay inaanu xasuusino Bulshada in teeda kale in baahido ay taalo meel walba ama dhammaan waddankeena oo dhan loona baahan yahay in la dareemo Dadka Baahan, gacana lasiiyo,” ayuu yidhi Maxamed.

Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Caasha Maxamuud Qaalib oo deeqaas guddoontay, ayaa shirkadda maamulka shirkadda Al-nuur uga mahad-celisay masuuliyadda uu iska saaro taakuleynta Carruurta ku jirto xarunta.

Waxaana Hadalladeeda ka mid ahaa, “Sida aynu wada ognahay waxa aynu ku Jirnaa 10kii Danbe ee Ramadaan oo ah bishii ugu Khayrka badnayd ee Ninkii Maal lihi uu wax siinayey dadka u Baahan. Cabdiraxmaan Alnuur-na Illaahay khayr ha siiyee waa Ganacsade Da’yar. Ganacsatada Somaliland dhamaantood marka la isku geeyo, waa ganacsadaha Kaliya ee ka warhaya xarunta agoomaha ee waayeheeda og, waliba gacan wayn siiya Xarunta agoomaha . Runtii isbedelka wayn ee Xarunta Agoomaha ee wakhtiyadan Cabdiraaxmaan Alnuur si wanaagsan ayuu nooga caawiyey, gaar ahaan labada Ciidood oo uu Ka Farxiyo Carruurta agoomaha, markaa waxaan mahadda Allah ka Dib uga Mahad-naqayaa Cabdiraxmaan Alnuur oo aan leeyahay Illaahay ha kuu sii barakeeyo halkaad ka soo saartayna Allaah inka badan hakugu buuxiyo. Cabdiraxmaan Alnuur xataa waxa uu ka Caawiyaa Xarunta Afurka oo uu Siiyo bishan,” ayey tidhi Caasha Maxamuud Qaalib.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAGuddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Xasan Waraabe Cadde iyo Naasir Gar-gaar oo ka hadlay Madasha deeqda lagula kala wareegay, ayaa tilmaamay sida ay Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida dhigayo in la caawiyo dadka baahan, waxaanu tallaabo ku dayasho-mudan ku sifeeyeen kaalinta ay shirkadda Al-Nuur ugu jirto xarunta Agoomaha Hargeysa.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAShirkadda ALNUUR Furniture ayaa iyadu sannad kasta labada ciidood ee Islaamka kafaalo-qaadday Dharka iyo Kabaha ay ku ciidayaan iyo guud ahaanba agabka ay ku cayaarayaan carruurta ku jirta xarunta Agoomaha oo ku taala Xaafadda Jigjiga yare e magaalada Hargeysa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories