HomeShirkadda Al-nuur Furniture oo Dharkii Ciidda Ugu Deeqday Xarunta Agoomaha Hargeysa

Shirkadda Al-nuur Furniture oo Dharkii Ciidda Ugu Deeqday Xarunta Agoomaha Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda agabka guryaha iyo xafiisyada ee ALNUUR Furniture ayaa maanta deeq maryaha ciidda ah ku wareejisay maamulka Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadda wareejinta deeqdan ayaa maanta lagu qabtay xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, iyada oo ay deeqdaasin ka koobnayd dhar iyo kabo iyo guud ahaan qalabyada kala duwan ee ay carruurtu ku ciidaan oo ay shirkaddu ugu talo gashay  480 carruur ah oo ku jira Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa.

Maxamed Yuusuf Cilmi oo u hadlay shirkadda ALNUUR Furniture ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in ay deeqdan ku wareejiyaan maamulka xarunta agoomaha, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kaalmaynta carruurta agoomaha ah iyo fadliga ku jira.

Al-nuur“Waannu ku faraxsannahay inaannu maanta deeqdan ku wareejinno Xarunta agoomaha. Waa deeq ka kooban maryaha dhar iyo kabo iyo agab kale oo aannu ugu talo galnay in ay ku ciidaan 480 carruur ah oo ku jira xaruntan, xataa haddii ay tahay biibbiilihii ay carruurta qaarkood ku cayaari lahayd. Maryaha mid kasta oo carruurta ka mid ah waannu ku soo qiyaasnay” ayuu yidhi Maxamed .

Mr.Maxamed waxa kale oo uu  u mahad-naqay maamulka xarunta agoomaha sida fiican ee ay nooga gudoomeen, iyagoo sheegay in ay yihiin shirkaddii ugu horeysay ee Qalabka intaas leeg ugu tabarucdda. waxaananu rajeynaynaa in aanu sii wadno,

Agaasimaha xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa Marwo Caasha Maxamuud Qaalib ayaa iyaduna u mahadnaqday shirkadda ALNUUR Furniture ee had iyo goor la garab taagan caawinta carruurta, iyada oo ganacsatada waaweyn ugu baaqday inay ku daydaan.

“waxa na loo keenay gaadhi ay nooc waliba saaran yihiin, waxaana ku jira dhammaan dharkii ay ku ciidayeen carruurtu illaa ilmaha dhashay illaa ilmaha ugu weyn. Shirkaddan iyo mulkiilaha  da’da yar ee Cabdiraxmaan-ALNUUR, maaha markii ugu horreysay ee uu keeno ee ciid walba oo timaadda, ciidal-fidriga iyo ciidda carrafaba, carruurta wuu ka farxiyaa oo isagaa u soo iibiya dhammaan dharka ay xidhaan carruurta halkan ku jirtaa, si ay uga qayb qaataan farxadda munaasabadda ciidda”.Ayey tidhi Marwo Caasha, iyada oo intaas raacisay: “Waa ganacsadihii ugu horreeyey ee inta uu kafaalo-qaado ku wada, manaan arag xataa ganacsatada ka waaweyn qaar marna soo xasuusta xarunta, waxaan odhanayaa uun Ilaahay waxaad haysato ha ku barakeyo.”

Marwo Caasha waxay sheegtay in ay shirkadda Al-Nuur iyadu iskeed tabarucan u fiddisay, Islamarkaana ay tahay shirkaddii ugu horeysay ee waxtarka intaa leeg u fidisa Xarunta agoomaha iyagoo waliba aan ka dalban oo aan yabooh weydiisan. waxaana ay shacbiga kale iyo shirkaddaha ugu baaqday inay ku daydaan Mulkiilaha Shirkadda Al Nuur.

Guddoomiyaha Xarunta Agoomaha  Marwo Caasha Maxamuud Qaalib, ayaa sheegtay in ay Carruurta Dharkan loo keenay ay aad u faraxsan yihiin, waxaanay xustay in Shirkadda Al-Nuur Furniture Dharkan ay shalay ku wareejisay ahayn markii ugu horreysay ee ay Deeq nuuceeda ah u keento Carruurta ku jirta Xarunta Agoonta Hargeysa.” Ayey tidhi Guddoomiyaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Marwo Caasha.

Shirkadda ALNUUR Furniture ayaa iyadu sannad kasta labada ciidood ee Islaamka kafaalo-qaadday maryaha ay ku ciidayaan iyo guud ahaanba agabka ay ku cayaarayaan carruurta ku jirta xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories