HomeShirkadaha Ugu Waaweyn Dalka Taiwan oo Wefti Indho-indhayn ah U Soo Diray...

Shirkadaha Ugu Waaweyn Dalka Taiwan oo Wefti Indho-indhayn ah U Soo Diray Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wefti ganacsato ah oo ka socda Dalka Taiwan, ayaa Soo gaadhay Somaliland si ay u indho-indheeyaan fursadaha Maalgeshi ee dalka ka jira iyo iskaashi dhinacyo badan oo labada waddan dhex-mara.

Weftigan oo ka kooban Wakiillo ka socda Shirkadda Tiknoolajiyada ee AFTA iyo Shirkadda Central Sky International Trading, ayaa Khamiistii soo gaadhay dalka, waxaanay kulamo la qaateen Masuuliyiin u saraysa Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska oo ay kawada wada-hadleen arrimo muhiim ah oo khuseeya maalgashiga iyo ganacsiga.

Weftiga ganacsatada Taiwan, waxa kae oo ay kulan midho-dhal la yeesheen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo ay ka wada-hadleen shuruudaha looga baahan yahay shirkadaha dalka ka samaynaya maalgeshiga dhinacyada tamarta iyo macdanta.

Sidoo kale, weftiga Ganacsatada Taiwan, ayaa booqasho ku tagay Rugta Ganacsiga ee Somaliland oo ay kulamo kula qaateen madaxda Rugta Ganacsiga iyo Wakiillo ka tirsan shirkadaha Waddaniga ah.

Masuuliyiinta Hay’adaha Xukuumadda ayaa weftiga Ganacsatada Taiwan u bandhigay fursadaha maalgeshi ee Somaliland sida dhinacyada macdanta, Xoolaha iyo Kalluumaysiga, sida lagu sheegay war kooban oo ay faafisay wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan.

Taiwan iyo Somaliland oo xidhiidhkooda diblomaaasiyeed soo bilaabmay sannadkii 2020-kii, ayaa hore isaga kaashaday dhinacyada daryeelka caafimaadka, tignoolajiyadda, isgaadhsiinta, iyo beeraha.

Waxa kale oo jira wada-hadallo u socda labada waddan oo ay isaga kaashanayaan soo saarista kheyraadka dabiiciga ah.

Labada Waddan ayaa xafiisyo dublomaasiyeed ku leh magaalooyinka Taipei iyo Hargeisa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories