HomeShirkadaha TELESOM & GOOGLE oo adeegyo cusub si wadajir ah u bilaabaya...

Shirkadaha TELESOM & GOOGLE oo adeegyo cusub si wadajir ah u bilaabaya iyo wefti ka socda shirkaddaasi oo booqday Xarunta Telesom

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 07 March, 2012 (SLpost)- Masuuliyiinta Shirkadda Telesom ayaa maanta xaruntooda ku qaabilay wefti ka socda Shirkadda Google ee caanka ku ah baadigoobaha iyo adeegyada kale ee Isgaadhsiinta. Weftiga Google oo uu horkacayay Mr. Divon Lan, oo ka tirsan qaybta adeegyada Suuqyada soo koraya ee Google, waa markii ugu horreysay ee ay Somaliland yimaadaan iyaga oo qorsheynaya in ay qayb ka noqdaan Suuqa koraya ee Teknoolajiyadda wadanka.

blankMasuuliyiinta Telesom ee Waaxaha Internetka & Xidhiidhka Caalamiga iyo Suuqgeynta/Xidhiidhka Dadweynaha ayaa weftiga Google waxay ku soo wareejiyeen qaar ka mid ah xarumaha Shirkadda, iyaga oo soo arkay teknoolajiyadda casriga ah ee Shirkaddu adeegsato, oo runtii ku noqotay mid aanay filayn. Waxa kale oo labada dhinac ay isweydaarsadeen macluumaad kuwajahan adeegyada Isgaadhsiinta, gaar ahaan Internetka oo ay rabto shirkadda Google in ay xoojiso.

blankDhanka kale, Madaxa Waaxaha Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Internet-ka Shirkadda Telesom, Mr. Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa ka warramay heshiis caalami ah oo labada shirkadood ee Google iyo Telesom ay wada galeen bishii April 2011, kaasi oo ku saabsan in la abuuro adeegyo cusub oo ay ka faa’iidaystaan Macaamiisha labada shirkaddooda.

Mr. Maxamuud Cabdiraxmaan waxa uu xusay in adeegyadan cusub ay ugu horreeyaan in Macaamiisha Telesom ee Moobilka iyo Adeegga E-mailka ee Google ay ku wada sheekaysan karaan ama isweydaarsan karaan farriimaha qoraalka ee SMS-ka, iyada oo la adeegsanayo Moobilka Telesom. Waxana uu intaasi ku daray in barnaamijkani uu hadda ku jiro wakhtigii tijaabada, isla markaana macaamiisha loo sii deyn doono dhowaan.

Xidhiidhkan cusub ee Shirkadda Google iyo Telesom waxa la rajeynayaa in uu mustaqbalka dhow u fududeeyo macaamiisha adeegyo kala duwan oo shirkadda Google ay bixiso.

blankTelesom waa shirkadda ugu ballaadhan wadanka ee bixisa adeegyada GSM-ka oo isugu jira 2G/3G labadaba, Internetka iyo adeegga laymanka guryaha. Telesom sidoo kale waa shirkadda keliya ee wadanka ka bixisa adeegga moobilka lacagaha lagu xawisho iyo adeegyo kale oo tiro badan oo ay ka mid yihiin AqoonMaal, oo ay macaamiishu ka helaan warar iyo macluumaad aqooneed, adeegga ku-mushaax (Roaming), oo kuu sahlaya in dalal badan oo dunida ah aad moobilka Telesom la tagto, kuna isticmaasho iyo adeegyo kale oo tiro badan.

blankShirkadda Google oo saldhiggeedu yahay dalka Mareykanka ayaa iyaduna ah shirkadda dunida ugu horreysa dhinaca adeegyada baadigoobaha, xayaysiisyada, Isgaadhsiinta; iyada oo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii ballaadhanayso waxyaabaha ay ku kordhiyaan dunida.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories