HomeShirkadaha Sahaminta Shidaal ka wada Somaliland siday u arkaan Muran Sharci oo...

Shirkadaha Sahaminta Shidaal ka wada Somaliland siday u arkaan Muran Sharci oo kaga Yimaadda Dhiggooda BP, Chevron iyo Conoco?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Genel Energy oo sannadka soo socda Ceelkii shidaal ee u horreeyey ka qodaysa Somaliland, ayaa muujiyey kalsooni uu ku qabo heshiiska Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo kula gashay sahaminta iyo baadhista Shidaalka, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay in hawshooda ay saamayn ku keeni karto warbixin loo gudiyey golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Jariiradda Sunday Times oo warbixin ka diyaarisay waraysi ay la yeelatay Guddomiyaha Shirkadda General Energy Mr Tony Hayward, ayaa lagu sheegay inay dhici karaan muranno sharci oo ku yimaadda Goobo hore looga baadhay shidaal isla markaana shirkado kale ogolaansho u haysteen wakhtigii ay Somaliland ka mid ahayd dalkii laysku odhan jiray Somalia.

Warbixintan ayaa lagu bilaabay sidan: “Sannadka soo socda shirkada Genel ayaa qodi doonta ceelkii shidaal ugu horeeyey ee Somaliland laga qodo, muddo labaatan sannadood ka dib markii ay xornimadeeda kala soo noqotay Soomaliya.

Faa’iidadu way badnaan doontaa, dhul masaafadiisu gaadhayso 40,000 sq km, waa masaafo gebi ahaanba ka badan gobolka Ciraaq ee Kurdistan, isla markaana khubarada shidaalka ayaa rumaysan in qaab-dhuleedka Somaliland shaabaho ka Yemen oo ilaa wakhtigan maalin walba 400, 000 foosto laga soo saaro saliid crude ah.

HaywardBalse, weli qofna ma hubo. Somaliland ayaan weli si buuxda loo sahamin. Shirkado shidaal waaweyn, kana mid yihiin  BP, Chevron iyo ConocoPhillips, ayaa hawlo sahamin ka bilaabay dhulkaa sannadihii 1980-kii, laakiin joojiyey markii dagaaladii sokeeye ka bilaabmeen.

Xukuumada Somaliland ayaa dib liisan sahamin shidaal u siisay Genel, iyadoo aan la wareglin shirkadahaa. Hadii shirkadaasi hesho shidaal, taasi waxay bilaabi doontaa dagaal sharci oo dhexmara shirkadahaa.

Mr Hayward aya aaaminsan, ‘Deegaamo aan sahaminta ka samaynayno waxa loo soo siiyey shirkado waaweyn sida ConocoPhillips, BP iyo Chevron. Markii annaga dib naloo siiyey Somaliland aqoon buuxda ayey u lahayd qodobada sharci iyo mowqifka dhulkaa. Annagu talooyin sharci badan ayaan qaadanay, mowqifkayagana yididiilo weyn ayaan ku qabnaa.’

Genel ayaa sidoo kale la filayaa inay ku dhexdhacdo halgan sharci oo dhexmara Soomaliya iyo Somaliland oo weli aduunka aan dalna ictiraafin, xitaa Soomaliya, oo sheegan karta shidaal halkaa laga helo.

Laakiin, Mr Hayward, oo hore u ahaan jiray maareeyahii shirkada BP ayaa sheegay  inuu ku qanacsan yahay halista, sidan oo kalena kala kulmay waqooyiga Ciraaq oo u dhexeeyey Kurdishka iyo Baghdad.

‘Laga yaabe in Mogadishu hadal sheegto, laakiin xukuumada Somaliland ayaa dhinacayaga ah. Dood muhiim ah ayaa dhici doonta (sida labada xukuumadood ku heshiiyaan qeybsiga).’

Sida uu qabo ururka barriga Afrika ee tamartu, Genel ayaa qeyb ka ah siyaasada balaadhan ee Somaliland iyo Somaaliya ciyaarayaan. Cabdilaahi Maxamuud, agaasimaheeda ayaa sheegay, “Mushkilada Soomaalidu way ka gudubtay shidaal iyo gaas. Waa dhaqaale iyo kheyraad kale. Shirkadaha yaryar way jecel yihiin inay qeyb ka noqdaan ciyaarta oo liisamo la siiyo.’

Hadii Somaliland hoy shidaal noqoto, waxa amaanta leh Genel, su’aashu waa sida shidaalka ugu heshiin doonaan Muqdisho, ama u hurin doonto colaad kale, laakiin, Mr. Hayward ayaa ku qanacsan tijaabinta halista.”

COURTESY: Ogaal

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories