HomeShirkadaha Petrosoma iyo Jacka Resources oo booqday Deegaamo laga bilaabayo Sahamin Shidaal

Shirkadaha Petrosoma iyo Jacka Resources oo booqday Deegaamo laga bilaabayo Sahamin Shidaal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blank

Hargeysa (SLpost)- Wefti ballaadhan oo ka socda shirkadaha Petrosoma iyo Jacka Resources ayaa maalintii shalay booqasho taarikhi ah ku tegay dhulka uu ku yaal Block 26 oo ah goob dhowaan laga bilaabi doono hawlo shidaal baadhis ah.

Weftigan oo u hogaaminayay Gudoomiyaha Shirkada Petrosoma Garyaqaan Maxamed Yuusuf Cali (Gurey) isla markaana ay wehelinayeen Justin Wood oo metalayay shirkada Austaralyanka ah ee Jacka Resources oo isagu dalka u yimi si indhihiisa ugu soo arko goobihii hore looga qaaday sahanka.
Waxa kale oo isaguna weftiga la socday Kith Gubbin iyo oo isaguna ka mid ah khubarada ka qayb qaadan doonta hawsha sahanka ee dhowaan la bilaabi doono.

Weftiga oo ka tegay Magaalada Hargeysa waxa tuulada Hara Sheekh ku qaabilay Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh Md. Yuusuf Ibraahim Geedi(Yamaarug),waxa kale oo weftiga soo dhoweyn diiran kala hor yimi dhamaan dadweyniha ku dhaqan tuulooyinkii weftigu marayay ka hor intii aanay soo gaadhin Degmada Oodweyne,halkaas oo ay kula hadleen bulshada Deegaanka.

Weftiga ayaa intii ay ku guda jireen safarka waxa ay booqdeeen tuuloyinka Beerato,Ceeg iyo Boodhlay,Goobahan oo dhamaantood ah meelihii sahanka hore laga qaaday.

Garyaqaan Maxamed Yuusuf Calli oo warbaahinta u waramayay ayaa sheegay in hada ay u yimaadeen bilaabista wejigii hore ee hawsha dhabta ah la qabanayay,taas oo ah in la samaynayo sahan laba nooc ah, Magnetic Survey iyo Seismic Survey kuwaas oo ah sahankii ugu danbeeyay ee goobtan laga qaadi doono “Horta safarkani waa safar taariikhi ah, waana markiiuguhoreysay ee hawsha shidaal baadhista Somaliland lasoogaadhsiiyoheerkan Magnetic iyo Seismic Survey-ga.Waxaan u bushaaraynayaa dhamaan dadwaynaha Somaliland. Waxaan samayndoonaa ilaa 5000km oo Magnetic Survey ah. Waxaanu tababar u qabandoonaa shaqaalaha ka hawlgaya goobta.Hawshani waxay socon doontaa muddo saddex bilood dhan.Waanatalaabadii ugu danbaysay ee inaga xigtay qodista shidaalka.”

Maxamed Yuusuf oo la weydiiyey rajada qorshaha dhow ay ka qabaan in shidaalka la soo saaro waxa uu yidhi “Hawshan hada aanu u nimi haddii aanu ka faraxalano waxaanu ku rajo weynahay bilaabista qoditaanka,waxan ku rajo weynahay in waqtiga ugu dhow aynu gaadhi doono. waxa farxad weyn noo ah in khabiirkii nagala socday shirkada jacka resources ku qancay waxa indhihiisa ku soo arkay,shidaalkani waa mid ummada oo dhami leedahay,waxana ka faa’idaysan doona muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo dunida korkeeda ku nool,waxay noqonaysaa shaqo abuuris aan hore loo arag,waynu garan karaynaa qiimaha uu shidaalku u leeyahay horuumarka wadanka.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories