HomeShirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland oo Laysku Furay iyo Nuxurka Heshiis Dhexmaray

Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland oo Laysku Furay iyo Nuxurka Heshiis Dhexmaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, ayaa soo gebo-gabaysay heshiis suurto-galinayo inay isku furmaan isla markaana bulshadu iskula xidhiidhi karto telefoonnada shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel.

Heshiiska ayaa marka la hirgaliyo waxa uu sahli doona, in qofka haysta kaadhka Somtel uu wici karo qofka haysta Kaadhka Telesom, halka qofka haysta kaadhka Telesom uu awoodi doono inuu la xidhiidho Macmiilka shirkadda Somtel.

blankKulan maanta ku qabsoomay magaalada Hargeysa oo ay shirkadaha Iskaadhsiintu Heshiiska ku kala saxeexdeen, waxa goob-joog ka ahaa wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technolojadiyadda iyo xubno kale oo tirsan golaha Wasiirrada Somaliland.

War-saxaafaeed ka soo baxay wasaaradda Isgaadhsiinta, ayaa lagu sheegay inay wasaarad ahaan ku guulaysteen hirgelinta heshiiska isku-xidhka shirkadaha oo marxalado kala duwan soo maray.

Warka ka soo baxay wasaaradda Isgaadhsiinta ayaa u qornaa sidan:- “Waxa ay maanta Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu soo gabogabaysay Heshiiska lsku-xidhka Shirkadaha lsgaadhsiinta (Telecom Interconnection) oo Isku furaya wada-hadalka shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo SOMTEL.

Heshiiskan oo soo maray marxalado kala duwan oo ka bilaabmay diyaarinta “Xeer-nidaamiyaha Isku-Xidhka Shebekadaha” oo ay Wasaaradda Isgaadhsilnta iyo Tiknoolajiyaddu la tashi kala samaysay shirkadaha ay khusayso qaab waafaqsan Xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ee Xeer Lr.50/2020, shuruucda iyo xeerarka caalamiga ee maamula suuqa isgaadhsiinta.

Isku-Xidhka Shabkadaha tsgaadhsiintu waa waajib saaran shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka, si loogu fudaydiyo macmiilka wicitaanka qofka kasta oo sita telefoonka gacanta oo ka diiwaan gashan dalka, sidoo kalena loo helo tartan sax ah oo dhexmara shirkadaha, loona kobciyo suuqa Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda dalka.

Wasaaradda Isgaadhsiintu waxa ay Halkan uga mahadnaqaysaa shirkadaha isgaadhsiinta ee aqbalay heshiiska, waxa ay sidno kale bogaadinaysaa bulsho weynta Somaliland oo in badan ka dhursugaysay hirgalinta isku xidhka telefoonada oo u suurto galinaysa in ay wada hadlaan iyaga oo adeegsanaya shirkadda ay doonaan.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Isgaadhsiinta oo aan lagu xusin wakhtiga rasmiga ah ee uu heshiiskani dhaqan-galayo.

Heshiiska ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba toddobaad gudaheed ah dhexmara shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka, waxaana lagu tilmaamay guul wax ku ool ah oo ay ku tallaabsatay wasaaradda Isgaadhsiiinta Somaliland.

Saddexda shirkadood ee Somtel, Somcable iyo Telesom, ayaa 08-dii bishan February kala saxeexday heshiis saami-qaybsi ah oo ay si wada-jir ah u wadaagayaan Xadhigga Internetka Fiber Optic-ga oo markii hore Kooto ugu xidhnaa shirkadda Somcable. Saddexda shirkadood ayaa ku heshiiyey inay kala qaataan saami-qaybi dhan boqolkiiba 31 halka saamiga soo hadhay ay iska leedahay xukuumadda Somaliland.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories