HomeShirkadaha Diyaaradaha Maraykanka iyo Yurub oo Hakiyey Duulimaadyadii ay ku tegi jireen...

Shirkadaha Diyaaradaha Maraykanka iyo Yurub oo Hakiyey Duulimaadyadii ay ku tegi jireen Caasimadda Israel ee Tel Aviv

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tel Aviv (SLpost)- Diyaaradaha Maraykanka iyo Qaaradda Yurub, ayaa hakiyey duulimaadyada ay ku tagaan garoonka Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv ee caasimadda dalka Yuhuudda.

DeltaSaddex shirkadood oo laga leeyahay dalka Maraykanka oo magacyadoodu kala yihiin Delta, United iyo US Airways, ayaa lagu amray inay muddo 24 saacadood ah hakiyaan duulimaadyadooda magaalada Tel Aviv, ka dib markii gantaal ay rideen kooxda Xamaas uu ku dhacay meel 1.6 KM u jirta garoonka diyaaradaha caasimadda Yuhuuda.

Sidoo kale, waxa duulimaadyadooda Tel Aviv Hakiyey shirkadaha diyaardaha Lufthansa, KLM iyo Air France oo laga leeyahay waddamada qaaradda Yurub.

Agaasimaha hay’adda Duulimaadyada Israel Giora Romm, ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin dedaallo ay wada-hadallo duulimaadyadooda ku sii amba-qaadayaan kula jiraan shirkadaha diyaaradaha Maraykanka iyo Yurub ee hakiyey isticmaalka garoonka Tel Aviv.

“Waxa noo socda wada-xaajood noo socda hay’adda Federaalka ee maamusha duulimaadyada Maraykanka si aanu u soo celino kalsoonida ammaan ee madaarka Ben Gurion, waxaanu ku qancinaynaa inay sida ugu dhakhsaha badan dib u cusboonaysiiyaan duulimaadkooda,” ayuu yidhi Mr Romm.

Lufthansa oo ah shirkadda diyaaradaha ee ugu weyn qaaradda Yurub oo laga leeyahay dalka Jarmalka, ayaa sheegay inay muddo laba maalmood ah hakiyaan duulimaadyadooda Israel. Sidoo kale, Shirkadda diyaaradaha KLM iyo Air France, ayaa xaqiijiyey inay hakiyeen duulimaadyo ku muddeysnaa inay dalka Israel ku tagaan Arbacada maanta.

Shirkadda Maraykanka laga leeyahay ee Delta, ayaa sheegtay inay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ay u leexisay duulimaad ay isaga dhex-gooshaysay magaalooyinka New York iyo Tel Aviv, ka dib markii hay’adaha ammaanka Yuhuuddu xaqiijiyeen gantaal ku dhacay meel 1.6 KM u jirta garoonka diyaaradaha Gurion ee magaalada Tel Aviv.

Dhinaca kale, shirkadda diyaaradaha British Airways oo ka jawaabaysa su’aalo la weydiiyey, ayaa bartooda Twitter-ka ku sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda, balse ay duulimaadyadoodu wali u shaqaynayaan sidii la qorsheeyey.

Hakinta adeegyada duulimaad ee diyaaradaha ayaa ku soo beegmay wax ka yar muddo hal todobaad ka dib markii ay Ciidamada Israel bilaabeen hawl-galka milatari ee dhinaca dhulka ay ku bilaabeen Gaza, waxaana arrintan sii xoojiyey inay shirkadaha diyaaradaha adduunku taxaddar ka muujiyaan inay ku safraan goobaha dagaaladu ka jiraan, ka dib markii diyaarad laga leeyahay dalka Malaysia oo u kala gooshaysay Yurub iyo Eeshiya ay ku dul-burburtay hawada sare ee dalka Ukraine oo la rumaysan yahay in gantaal lala beegsaday, wakhtigaas oo ku beegnaa isla maalintii ay ciidamada Israel bilaabeen duullimaadka ay ku qaadeen.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories