HomeShirkadaha Dahabshiil Groups oo door wax-ku-ool ah ka qaatay Shirweynihii Horumarinta iyo...

Shirkadaha Dahabshiil Groups oo door wax-ku-ool ah ka qaatay Shirweynihii Horumarinta iyo Tayaynta waxbarashada Carruurta bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Shirweynihii waxbarashada ee bulshada ku hadasha afka Soomaaliga uga socday Hotelka Maansoor ee  magaalada Hargeysa ayaa la soo gabo-gabeeyey ka dib muddo saddo maalmood ah isla markaana ay ka soo qayb-galeen in ka badan 200 oo ergay oo isaga kala yimi deegaannada dadka Af-Soomaaliga ku hadla, waxaana lagu lafo-gurayey hannaankii lagu horumarin karo waxbarashada carruurta Soomaalida ah,

blankMasuuliyiin farabadan oo ka soo kala jeeda meelo kala duwan oo dalka iyo dibaddiisa ah ayaa halkaa ka soo jeediyey khudbado kala duwan, balse nuxurkoodu taabanayey sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta dadka Somaliga ku hadla gaar ahaan waxaa shirkaasi diiradda xoog loogu saaray intii uu socday nidaamka waxbarasho ee ay gudbiyaan Jaamacadaha dadka Somaliyeed.

Masuuliyiintii shirkaasi ka hadashay waxaa kamid ahaaDr  Maxamed Khaliifa oo ah kaaliyaha madaxa Jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka, waxaanu halkaa ku soo bandhigay daraasad qiimo badan oo ka tarjumaysay faa’iidada waxbarashada iyo kaalinta ay ku leedahay saamayna nolosha aadamaha.

blankMadaxa xafiiska EDC oo halkaa ka hadashay  waxay xustay kaalintii ay shirkdda Dahabshiil ku lahayd shirkaasi iyo dhaqaalihii ay ku bixisay oo gaadhayey $8000 oo doollarka  Maraykanka ah, waxaanay halkaa uga mahad-celisay dhaqaalaha baaxadda leh ee ku bixiyeen shirkaasi si looga midho-dhaliyo ahmiyaddii laga lahaa shirkaasi iyada oo ariimahaa ka hadlaysan waxay tidhi, “waxaanu aad ugu mahad naqaynaa Shirkadaha Dahabshiil groups oo shirkan ku biixiyey lacag dhan $8000.”

Inta ka dib, Madaxa EDC ee Somaliland Drs Khadar Cabdiqaadir waxay codbaahiyaha ku soo dhawaysay Professor Xasan Maxamed Jaamac [Xasan Xiis] oo ah madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo suuq-geynta shirkadaha Dahabshiil groups, oo halkaa ka soo jeediyey khudbad qiimo badan oo ka tarjumaysay waxbabadka Dahabshiil ee ku aadan hormarka bulshada Somaliyeed, waxaanu sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey taariikhdii hore ee aasaaska shirkadda Dahabshiil oo gaadhaysa ilaa iyo 42 sanadood.

blankMadaxa xidhiidha dadweynaha iyo suuq geynta ee shirkadaha Dahabshiil groups Professor Xasan Maxamed Jaamac waxa uu sheegay shirkadaha Dahabshiil groups inay dhaqalae farabadan ku bixiyaan xagga hormaka bulshada Somaliga ku hadashay qaybaheeda kaladuwan. “Dhammaan Jamaacadada gobalada Soomaalida oo dhan sanadkiiba waxaanu siinaa dhaqaale aanu ku caawinayno tayeynta waxbarashada dadka Somaliyeed,” ayuu yidhi Professor Xiis.

Dhanka kalana Professor Xiis waxa uu ka hadlay kaalinta Dahabhsiil groups ka geystaan dhinacyada Technology-yadda sida Enternet  xawaarihiisu aad u sareeyo iyo qaybta telfoonada ee shirkadda Somtel, dhanka kalana waxa uu sheegay inay qayb wayn ka qaataan xalinta khilaafkaad iyo colaadaha ragaadiyey mandiqadda Somalidu daganyahay, “Dahabshiil groups waxaa kale oo ay qayb weyn ka qaadataa xallinta khilaafaadka iyo adkaynta nabadda” ayuu yidhi Professor Xasan Maxamed Jaamac.

Maxamed Cumar Carte Qaalib oo halkaa ka hadlay waxa uu ka waramay sida loogu baahan yahay in la hirgaliyo isla markaana la dardargaliyo kobcinta afka Somaliga iyo sidii diiradda loo saari lahaa sidii caruuraha Somaliyeed loo bari lahaa afkooda hooyo ee qaaliga ah.

Maxamed Cumar waxa uu si ballaadhan ugu mahad celiyey shirkadaha Dahabshiil groups oo sidii horeyba loo sheegay kaalinta ugu weyn ee dhaqaalaha shirkaasi bixisay, “Waxaan halkan uga mahad celinayaa shirkadaha Dahabshiil groups oo la’aan teed aynaan dhaqaale ahaan wadneen shirkan”

Gabagabagdii shirweynahaasi lagu qaadaa dhigayey tayeynta afka Somaliga iyo sidii caruuraha Somaliyeed loogu barbaarin lahaa afkooda hooyo waxaa ka hadashay Drs Khadar Bashiil Cali oo ah madaxa EDC ee Somaliland oo shirkaasi soo qaban qaabisay waxaanay mahad ballaadhan halkaa uga soo jeedisay Shirkadaha Dahabshiil groups iyo  Dawladda Somaliland oo si wacan uga qaybqaadatay doorkii ay ku lahayd qabsoomidda shrikaasi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories