HomeShirkadaha Dahabshiil Group oo Mashaariic ay ku Horumarinayso Jaamacadaha dalka Maalin Keliya...

Shirkadaha Dahabshiil Group oo Mashaariic ay ku Horumarinayso Jaamacadaha dalka Maalin Keliya ku Dhagax Dhigtay Afar Gobollada ku kala Yaal

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

[H]argeysa (SLpost)- Shirkadaha Wadaniga ah ee Dahabshiil Group ayaa bilowday mashaariic ay ku horumarinayso jaamacadaha dalka, kaas oo lagu furay dhagax-dhigga afar jaamacadood oo ku kala yaal afarta gobol ee Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer iyo Sool.

Mashaariicdan oo shirkadaha Dahabshiil Group ugu talogashay inay ku horumariso toddoba jaamacadood oo laga fuliyo hawlo isugu jira dhismayaal fasallo waxbarasho, laybareeriyo ama maktabadaha wax lagu akhristo iyo cusboonaysiin, waxa xaflado shalay la qabtay lagu dhagax-dhigay dhise fasallo waxbarasho ah oo loo samaynayo Jaamacadda Hargeysa, dhismayaasha laybareeriyo ay yeelan doonaan jaamacadaha Burco University ee Gobolka Togdheer iyo Nugaal University ee Laascaanood iyo jaamacadda Berbera University oo iyada lagu samaynayo dib-u-haagin guud, isla markaana waxa qorshaha shirkadda ku jira oo dhawaan la bilaabi doonaa hawlo lagu horumarinayo saddexda jaamacadood ee Amoud University ee gobolka Awdal, Jaamacadda Ceerigaabo iyo Jaamacadda Gabiley, waxaanna guud ahaan mashaariicdaasi ku baxaysa lacag ka badan $250 kun oo doollarka Maraykanka ah.

[stextbox id=”info”]Hargeysa[/stextbox]

Dhagax-dhiga dhismayaal fasallo waxbarasho oo shirkaddu ku kordhinayso Jaamacadda Hargeysa oo ay ka qaybgaleen Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Agaasimaha Guud ee Waaxda Tacliinta Sare, xubno ka tirsan Komishanka Tacliinta Sare, masuuliyiin ka socday shirkadda Dahabshiil Group iyo maamulka Jaamacadda Hargeysa, ayaa si weyn loogu ammaanay tallaabada shirkaddu qaaday ee ay ku horumarinayso tacliinta dalka, iyadoo horeba si ballaadhan uga dhex muuqatay taageerada adeegyada kala duwan ee guud ahaan dalka Somaliland.

blankGuddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa ee dhawaan xilka bannaynaya Muuse Aadan Axmed oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey shirkadda Dahabshiil Group oo uu sheegay in bilaabeen mashruuc muhiim ah oo jaamacaddu aad ugu baahnayd, iyadoo horeba si joogto ah uga qaybqaadan jirtay taakulaynta jaamacadda.

“Dhismaha fasalladaa aynu dhagax-dhigaynaa aad bay muhiim ugu yihiin jaamacadda, waayo ardaydu sannadba sannadka ka dambeeya way soo kordhayaan oo mar walbana loo baahdo fasallo dheeraad ah, sannadkii u dambeeyey markii aannu waynay fasallo waxay nagu keliftay xilli saddexaad oo waxbarashada la galo oo ah waqtiga u dhexeeya 1:00 duhurino ilaa 4:00 galabnimo. Markaa waxqabadka jaamacaddu u baahnayd waxa kow ka ahaa fasallo dheeraad ah oo ay hesho, waxaannuna aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa Shirkadda Dahabshiil Group oo ay noo dhisayso,” ayuu yidhi Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah ee Jaamacadda Hargeysa.

blankWaxa kale oo uu xusay in shirkaddu u ballanqaaday inay jaamacadda u samayso shaybaadh lagu baadho tayada cuntada iyo horumarin lagu sameeyo laybareeriga akhriska. Waxaannu ugu baaqay shirkadaha kale ee dalka ka jira iyo ganacsatadaba inay ka qaybgalaan tayeynta iyo horumarinta jaamacada Hargeysa oo uu tilmaamay in ay tahay hoyga waxbarashada iyo da’yarta dalka.

Agaasimaha Hawlgelinta ee shirkadda SOMTEL ee hoostagta Dahabshiil Group Axmed Cabdillaahi Caynaanshe oo isna xafladda ka hadlay, ayaa sheegay in hawlaha horumarinta adeegyada bulshada ee noocan ah aanay iminka ugu horreyn ee ay horeba kaalin kowaad shirkadoodu kaga jirto waxqabadka, horumarka iyo dhismaha dalka.

blank“Meel Soomaali degan tahay oo aannu Dahabshiil Group ka qaybqaadan waxtarkeeda ma jirto, mashaariicdan aannu ku horumarinayno jaamacadaha dalkana waxaannu u aragnaa in ay yihiin halkii ugu sarraysay ee ay ka soo baxayeen aqoonyahanku in Dahabshiil Group ka qaybqaato sharaf weyn bay noo tahay oo taariikhda geli doonta,” ayuu yidhi Mr. Caynaanshe.

Sidoo kale, Madaxa xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Dahabshiil Prof. Xasan Xiis Jaamac ayaa isaguna halkaasi ka shaaciyey in mashaariicdan oo ay ka fulin doonaan toddobada jaamacadood ee gobollada dalka ku yaal ay ku bixi doonto lacag ka badan $250 kun oo doollarka Maraykanka ah, “Lacagta inta le’eg isma lihin ha la idinku faaniyo iyo sacabka hala idiinku tumo toona ee Ilaahay baa ajar laga helaa, ta tallaabna cidda abaalka laga doonayaa waa dhallinyarada jaamacadaha ee ka faa’iidaysanaya, sida la ogyahayna shaqaalaha ka shaqeeya Dahabshiil Group 80% in ka badan waa dhallinyarada ka baxday jaamacadaha dalka. Dhallinyaradana waxaannu leenahay waa in aad nagu dhiirigelisaan oo nagu dirqidaan in aannu mashaariic kale ama shirkado kale oo aad shaqo ku heshaan aannu idiin abuurno,” ayuu yidhi Xasan Xiis oo ballanqaaday in aanay mashaariicdani noqon doonin kuwii ugu dambeeyey ee ay jaamacadaha ama goobaha waxbarashada ku horumariyaan.

blankAgaasimaha Guud ee Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Khadar Axmed Diiriye iyo Prof. Aadan Baxnaan oo ka mid ah guddiga Tacliinta sare ee dalka oo iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyey, ayaa ku ammaanay shirkadda Dahabshiil Group kaalinta ay kaga jirto wax-u-qabadka dalka, gaar ahaan mashaariicdani ay ku horumarinayaan jaamacadaha oo ay sheegeen inuu faa’iido badan yeelan doono, waxaanay shirkadaha kale iyo dadweynaha ugu baaqeen inay ku daydaan tallaabada Dahabshiil.

Ugu damayntii Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Cali Xaamud Jibriil oo isagu dhagax-dhigay dhismaha fasallada cusub ayaa mahadnaq iyo ammaan isugu daray shirkadda Dahabshiil, waxaannu yidhi, “Shirkadda Dahabshiil qof kastaa wuu qirayaa waxqabadka ay ka gaysato dalka oo ah wax taariikhdu qori doonto, waa shirkadda keliya ee aynu odhan karno waxay fulisay masuuliyadda ummaddu ku leedahay, iyadoo ay sidaa tahay haddana dawladdu way ka qaadaa cashuuraha ku waajibay oo aan waxba ku baaqan, halka adduunka shirkadaha waaweyn waxqabadkooda ay beddel ku raadiyaan oo ay dawladaha kaga doorsadaan in cashuur dhaaf iyo wax la mid ah ku helaan.”

Md. Xaamud waxa uu soojeediyey in guud ahaan Somaliland dawlad iyo shacaba laga wadatashado sidii qorshe shaqo abuuris ama jihayn ah loogu samayn lahaa kumanaan dhallinyaro ah oo sannad walba ka soo qallinjebinaya jaamacadaha dalka, iyadoo kuwii ka horreeyey camal la’aan suuqyada ku sugan yihiin.

[stextbox id=”info”]Berbera[/stextbox]

Xafladd ballaadhan oo lagu qabtay Jaamcaadda Berbera University oo lagu dhagax-dhigayey dib-u-habayn shirkadda Dahabshiil Group ku samaynayso guud ahaan jaamacadda ayaa waxa ka qaybgalay, Badhasaabka Gobolka Saaxil Md. Maxamuud Cali Saleebaan, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Dagmadda Barbera Cali Maxamed Cilmi, Guddoomiyaha Jaamacaadda Kabtan Cabdirahmaan Axmed Ismaaciil, Guddoomiyaha Dahabshiil Group ee Berbera Kayd Cabdillaahi Xandulle, Madaxa xidhiidhka dadweynaha Shirkadda SOMTEL Cabdinaasir Cawad Muuse iyo marti sharaf kale.

blankMadaxa xidhiidhka dadweynaha Shirkadda SOMTEL Cabdinaasir Cawad Muuse oo furitaankii xafladda ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey mashruucaasi dib-u-habaynta loogu samaynayo jaamacadda Berbera oo uu sheegay inuu qayb ka yahay qorshe horumarin ah oo shirkadda Dahabshiil Group ka fulinasyo guud ahaan jaamacadaha gobollada dalka.

blankblankMasuuliyiinta ka qaybgashay xafladda oo hadallo ka jeediyey halkaasi waxay si weyn ugu mahadnaqeen waxqabadka Dahabshiil Group iyo mashruucan ay wax kaga qabanayso jaamacadda Berbera, kaas oo ay xuseen inuu wax ka tari doono sidii jaamacadaasi u horumari lahayd.

[stextbox id=”info”]Burco[/stextbox]

Sidoo kale, munaasibad shalay lagu qabtay xarunta Jaamacadda Burco ee Gobolka Togdheer oo ay ka qaybgaleen masuliyiinta Shirkadda Dahabshiil Group, maamulka Gobolka iyo degmada, Guddoonka Waxbarashada ee Gobolka Togdheer, Guddiga horumarinta Gobolka, Maamulka Jaamacadda Burco, macallimiinta iyo ardayda iyo macalimiinta Jaamacadda Burco, ayaa lagu dhagax-dhigga dhismaha laybareeri shirkadda Dahabshiil Group u samaynayso jaamacadda Burco, si ay uga faa’iidaystaan ardayda wax ka barataa.

blankGuddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil ee Gobollada Bariga Somaliland Nuux Siciid Ducaale oo ugu horreyn xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkadooda hore uga qaybqaadan jirtay hawlaha samofalka iyo danta guud ee dalka ay iminka bilowday mashruuc ay laybareeriyo iyo dhismayaal ugu samaynayso jaamacadaha gobollada dalka oo dhan.

blankGuddoomiyaha Jaamacadda Burco Sheekh Ismaaciil Carraale ayaa uga mahadceliyey Dahabshiil Group dhismaha ka hirgelinayso jaamacadda oo uu ku tilmaamay mid aad loogu baahnaa oo ay tabayeen dhallinyarada iyo ardayda gobolka Togdheer maktabad ay wax ku akhristaan, balse maanta laga bilaabo ay heleen goob cilmi iyo aqoonba ay ka heli doonaan.

Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer Maxamud Adaan Dheri iyo xubno kale oo ka mid ah guddigaasi oo ay ka mid ahaayeen Faarax Xadhigle iyo Aar Saxardiid, ayaa iyaguna si weyn ugu mahadnaqay shirkadaha Dahabshiil Group oo ay ku tilmaameen shirkad waxqabadka iyo horumarinta dalka aan waxba ka hagran, iyagoo carrabka ku dhuftay in wax kasta oo ay ula tagaan shirkaddaasi aanay hadal ka soo celin ee ay ku garab-istaagto.

blankMaayarka degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan Dhegolaab oo isna halkaasi ka hadlay, soo dhaweeyey tallaabada shirkadda Dahabshiil laybareeriga ugu dhisayso jaamacadda, isagoo xusay in aannu ahayn waxqabadkii u horreeyey ee ay degmada Burco ka fuliso, balse ay mar walba ka qaybgasho hawlaha gargaarka iyo horumarinta bulshada dhinac kasta oo ay tahay.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Md. Cabdo Axmed Aayir oo munaasibadaasi soo xidhay ayaa ku bogaadiyey Shirkadaha DAHABSHIIL GROUP doorka ay ka ciyaarto horumarinta iyo kobcinta dhinaca aqoonta ee gobolka Togdheer.

Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid iyo Axmed Cabdi Xirsi oo ka mid ah ardayda jaamacadda Burco wax ka barata, kuwaas oo farxad ku tilmaamay dhismaha laybareeriga jaamacadda oo noqon doona mid wax weyn ku soo kordhiya aqoonta ardayda. 

[stextbox id=”info”]Laascaanood[/stextbox]

Munaasibad lagu dhagax-dhigay dhisme weyn oo noqon doona Laybareeri ay yeelanayso Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo lagu qabtay xarunta jaamacadaasi, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta dawladda, maamulka jaamacadda Nugaal iyo madaxda shirkadda Dahabashiil ee gobolka.

blankMaamulaha Jaamacadda Nugaal Prof. Cabdinaasir Abu Shaybe ayaa farxad ku qaabilay dhismahan cusub oo uu uga mahadnaqay shirkadaha Dahabshiil Group oo uu ku majiirtay waxqabadka ay ka gaysatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan magaalada Laascaanood oo uu ku tilmaamay mid aanay bulshadu iloobi doonin.

“Dahabshiil waxay jaamacadda Nugaal mar walba la garab taagnayd gacan-joogta ah, maantana waxay noo hirgelinayaan dhisme laybareeri muhuum ah oo aannu ka guddoonay,” ayuu yidhi Prof. Abu Shaybe.

blankIsku-xidhaha Gobollada ee shirkadaha Dahabshiil Group Aadan Cabdilaahi Cabdi, ayaa sheegay in shirkadda Dahabshiil ay tahay mid aan bulshada ka shaqaysan ee ay wax ku soo celiso, isla markaana ay mar walba dhinacyada arrimaha bulshada gacan ka gaystaan. Waxa kale oo uu ka warramay faa’iidada uu yeelan doono laybareeriga ay jaamacadda u dhisayaan oo uu xusay inuu kobcin doono aqoonta ardayda.

Gebogabadii Guddoomiyaha Gobolka Sool Md. Maxamed Maxamud Ali (Jeeni-yare) oo xafladaasi soo xidhay, ayaa ammaan iyo bogaadin u soo jeediyey shirkadaha Dahabshiil Group oo sheegay in ay deegaanka Gobolka Sool hawlo badan oo dhinacyada arrimaha bulshada ah ka qabato, isagoo meelaha ay mashaariicda gelisay tusaale u soo qaatay Mac-hadka Xudun, Dhakhtarka Laascaanood, gurmadka abaaraha, dhismaha iyo taageerida masaajida iyo Jaamacadda Nugaal.

SomalilandPost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories