HomeShirkadaha Dahabshiil Group oo ka Dhex Muuqday Hirgelinta Horyaalka Gobollada

Shirkadaha Dahabshiil Group oo ka Dhex Muuqday Hirgelinta Horyaalka Gobollada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“Isdhexgalka dhallinyarada waxa ugu weyn ee suurtegeliyaa waa kulannada kala duwan ee cayaaraha sida kuwa xulalka gobolladu isugu yimaaddaan, taas ayaana u sabab ah in Shirkadaha Dahabshiil xil dheeraad ah iska saaraan,” Cabdirashid MS Ducaale, Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group.

blankBurco, (SLpost)- Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa siyaabo kala duwan oo dhammaantood wax-ku-ool ah kaga qayb qaatay suurtagelinta, habsami-u-socodka iyo dardargelinta niyadsamida leh ee loo rajaynayo inay guud ahaanba tartanka cayaaraha Gobollada Somaliland eek a furmay magaalada Burco ku qabsoomaan, kuna soo gabagaboobaan.
Waxa  ka mid ah dhiirrigelinta shirkadaha Dahabshiil Group u muujiyeen cayaaraha dhallinta gobolladu isugu yimaaddeen ka mid ah baahin toos ah oo shirkadda isgaadhsiinta Somtel u samayso furitaanka iyo xidhitaanka cayaaraha, ka-qayb-qaadashada dib-u-bilidda garoonnada cagta iyo koleyga, deeqo maaliyadeed oo toos ah, abaalmarinno loo kala diyaariyey ciyaartoyga u horreeya ee goolka u horreeya tartanka dhaliya, cayaartoyga goolasha u badan ka dhaliya tartanka, casumaadaha labada kooxood ee cayaarta kama-dambaysta ah isugu soo hadha, tababaraha kooxdiisu koobka qaaddo, orodyahanka u dheereeya tartanka orodada, direyska rasmiga ah ee garsoorayaasha labada xidhiidh ee cagta iyo kolayga, dirayska lix cayaartoyga kubbadda cagta ee lix gobol, iwm.
Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group, Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa ka qayb galay furitaankii ciyaaraha gobollada. Maamulu waxa uu waraysiyo kala duwan oo dhinacyo badan taabanaya kala siiyey Telefishanka Qaranka, telefishannada caalamiga ah ee Horn Cable TV iyo Universal iyo Idaacadda caanka ah ee BBC (British Broadcasting Corporation).
blankMaamulaha Guud waxa uu muujiyey sida uu u soo dhoweynayo una hambalyaynayo wasaaradaha xidhiidhada ciyaaraha ee kala duwan, guddoomiyeyaasha gobollada, ciyaartoyga, dadweynaha, shirkadaha iyo guud ahaanba bulshada iska kaashatay suurtagelinta Tartanka Cayaaraha Gobollada ee Khamiista ka furmay magaalada Burco.
“Isdhexgalka dhallinyarada waxa ugu weyn ee suurtegeliyaa waa kulannada kala duwan ee cayaaraha sida kuwa xulalka gobolladu isugu yimaaddaan, taas ayaana u sabab ah in Shirkadaha Dahabshiil xil dheeraad ah iska saaraan,”  ayuu tilmaamay Cabdirashid MS Ducaale, Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group.
Waxa Maamulaha Guud tibaaxay in cayaaraha la isugu yimaaddo, loona wada ciyaaro si turxaan la’ ay qayb muuqata ka qaataan isu-soo-dhowaanshaha deegaannada iyo kooxaha meelo kala durugsan ka kala yimaadda, sidoo kalena ay cayaartoyga ka dhex abuuraan is-barasho iyo kalgacal qoto dheer oo aan dhayal lagu illaawin.
“Waxa aan Ilaahay uga rajaynayaa in tartankan ciyaaraha gobolladu nabad ku bilaabmo, nabad ku dhammaado oo guul iyo gobannimo ku tisqaado,” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid.
Waxa kale oo Maamulaha Guud muujiyey sida uu ugu faraxsana yahay in shirkadaha Dahabshiil Group kaalin muuqata oo cuddoon kaga qayb qaatay diyaargarowga iyo ka-midho-dhalinta himilada toolmoon ee laga leyahay tartannada cayaaraha, sida kan gobollada.
“Si toos ah ayaa Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL u lalinaysaa xafladaha furitanka iyo kulanka labada labada kooxood ee lagu furayo iyada oo ay iska kaashanayaan baahintooda telefishannada SLNTV, HCTV iyo Universal TV – taas oo noqonaysa markii u horreysey ee taariikhda cayaaraha sidan oo kale ka suurtagasho. Sidoo kale, cayaaraha kama-dambaysta ah iyo xafladda xidhitaanka ayaa si toos ah loogu baahin doonaa daawadayaasha kala jooga daafaha dunida haddii Eebbe yidhaahdo,” ayuu daahfuray Maamulaha Guud, mudane Cabdirashid.
Waxa bulshada ka qayb gashay furitaanka cayaaraha gobollada si weyn indhahooda iyo dareenkooda soo jiitay soo dhoweyntadadweynaha rer Burco muujiyeen iyo diyaar-garowga hagar la’aanta ah ee garoomada ka muuqdey.
“In 26 sannadood ka dib Garoonkan bilicda san ee  Alamzey Stadium aannu gacan muuqata ku yeelano dib-u-habayntiisa iyo diyaarintiisa, waxa ay maamul, wakiil, macmiil iyo hawlwadeen ahaanba u tahay shirkadaha Dahabshiil Group farxad aan la soo koobi karin oo aad u taabanay dareenkayaga, siiba marka aannu aragnay sida bulshada oo dhami u soo dhowaynayso qabsoomidda tartankan, uguna hanweyn tahay,” ayuu yidhi Maamuluhu.
Tiraba laba jeer ayay shirkadaha Dahabshiil Group si mug leh uga qayb qaateen dib-u-dhiska, kordhinta iyo bilidda garoonka Alamzey Stadium.
Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa taariikhda ku galay inay safka u horreeya mar walba ka muuqdaan hawlgallada waxtarka u ah bulshada oo ay ka midka yihiin adeegyada aasaasiga u ah koboca iyo horumarka guud ee ummadeed ee ay ka midka yihiin dhiirrigelinta cayaaraha, waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaale, iyada oo ay ka midka yihiin hawlaha shirakaddu hadda gacanta ku hayso dayactirka iyo casriyaynta garoonka weyn ee Hargeisa Stadium.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories