HomeShirkada Dahabshiil Oo Sii Wada Xawilaada Lacagta Kana War Sugaya Go’aan u...

Shirkada Dahabshiil Oo Sii Wada Xawilaada Lacagta Kana War Sugaya Go’aan u dan ah Macaamiisheeda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Garsooraha maxkamada sare ee UK ayaa laga sugaa inuu go’aan ka soo saaro todobaadka soo socda dacwad ay u gudbisay shirkada Xawaaladaha ee Dahabshiil, dacwadaasi oo ka dhan ah bangiga Barclays iyo xidhitaanka Account-ka xawilaada lacagta ee Shirkada Dahabshiil ay ku leedahay bangigaasi.

Sidoo kale Bangiga Barclays ayaa ogolaaday in uu sii furnaado Account-ka xawilaada ee Shirkada Dabahshiil inta ka horaysa go’aanka garsoorha maxkamada sare Md. Justice Henderson oo dacwada labada dhanba dhagaysatay arbacadii ina dhaaftay.

“Waxa aan ku faraxsan nahay oo aan macaamiisha Dahabshiil ha noqdaan shaqsiyaad ama NGO-yo kale oo aan u shaqaynaba’e ay shirkadu ka sii shaqayn doonto UK isla markaana aan sii wadi doono inaan lacagaha xawilno, illaa hada maxkamadu way dhagasatay dacwadayada, go’aanka garyaqaanka guudna waan sugaynaa, sidoo kalena wuu sii shaqayn doonaa Account-kii aan ku lahayn bangiga Barclays” sidan waxa yidhi masuul sare oo shirkada Dahabshiil ka tirsan.

Dahabshiil-Logo

Bangiga Barclays ayaa noqonaya midkii ugu dambeeyay ee xawaaladaha Soomaalidu ay isticmaalayeen kaasi oo bishii May ku dhawaaqay inuu joojinayo isticmaalka Account-kiisa ee shirkadaha xawaaladaha Soomaalida oo dhan 250 xawaaladood, kaasi oo ku sababeeyay xidhitaankiisa inay xawaaladuhu nidaamkooda lacag dirida ka dhigaan mid cad oo la fahmi karo.

Arrintan ayaa waxa si weyn uga qayliyay dad badan oo Soomaali ah oo ku nool UK, waxana sidoo kale ka soo horjeestay tallaabadan uu ku dhawaaqay bangiga Barclays dad caan ah oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo Mo Faarax, kuwaas oo dawlada UK cadaadis ku saaray sidii ay Bangiga Barclays ugala hadli lahayd inuu sii wado shaqada xawaaladaha.

Shirkada Dahabshiil ayaa iyadu ahayd mida kaliya ee u gudbisay maxkamada sare dacwad ka dhan ah Bangiga Barclays, dacwadaas oo salka ku haysayin Barclays ay ka faa’iidaysanayso suuqa xawaalada ee iyada u xidhan isla markaana ay ka been abuurayso sababta ay u xidhayso xawaaladaha Soomaalida.

Soomaalida ku nool UK ayaa sanad walba halkaasi ka soo dira lacag aad u badan oo lagu qiyaasay 100 milyan oo lacagta UK ah, taasi oo ay u soo diraan dalkoodii hooyo, waxana ay lacagtaasi tahay tiir iyo udub dhaxaad muhiim ah oo ay nolosha dad badan oo Soomaali ah oo ay dagaalo wayeeleeyeen ku tiirsan yihiin.

“In bangiga Barclays gabi ahaanba xidho xawaaladaha Soomaalida waxa ay la micno tahay in dalka gudihiisa aanan dad badani heli doonin wax ay cunto siistaan, taasina ay horseedayso dhibaato kale oo gaajo iyo macaluul ah oo la soo darista dadka Soomaalida, caalamkuna uu lacag badan ku bixin doono,” ayay tidhi hooyo da’a ah oo ka dareen celinaysay arrintan.

“Dawlada Britain waxa ay doonaysaa inay shirikadaha Xawaaladaha kala shaqayso sidii ay u horumarin lahaayeen hanaankooda lacag dirista, isla markaana u samaysan lahaayeen hab cad oo ammaan ah oo lacagaha lagu xawilo. Sidoo kale arrintan sidii loo turxaan bixin lahaa waxa ay dawlada Britain kala shaqayn doontaa Bangiga Adduunka, waxana ay dawladu dadka ay arrintani khusayso ugu soo jawaabi doontaa sida ugu dhakhsaha badan” sidan waxa sheegay masuul ka tirsan dawladda Ingiriiska.

Gabi ahaanba lacagta laga soo diro sanadkiiba dalka UK ayaa waxa lagu qiyaasay 15 bilyan oo lacagta UK ah, waxana ay 65% lacagtani si toos ah u tagtaa dalalka dunida soo koraysa, waxana ay arrintani ka dhigtay UK dalka u balaadhan ee lacagta ugu badan laga soo diro iyo suuqa ugu weyn ee xawilaada lacagta ee qaarada Yurub.

Source: theguardian.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories