HomeShirkad Maraykan Ah Oo Laga Kiraynaayo Madaarka Berbera

Shirkad Maraykan Ah Oo Laga Kiraynaayo Madaarka Berbera

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

ber_bera_airport_7

Hargeysa(SLpost) shirkad laga leeyahay Dalka Maraykanka ayaa lagu waramayaa inay doonayso inay kiraysato madaarka berbera oo ay albaabadu u xidhmeen tan iyo wakhtigii dib loo fuary madaarka hargeysa oo ay dawladda Kuwait ku samaysay maal-galinta suurtogalisay inuu noqdo madaar Caalami ah oo ay ku soo dagaan, kana haadaan diyaaradaha waaweyn.

Si rasmi ah looma oga magaca shirkaddan iyo cida leh, hase yeeshee ilo wareedyo muhiim ah ayaa Waaheen u sheegay inay wadahadal kula jiraan Xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda Duulista Hawada, kaasoo la filayo in uu dhawaan soo gabagabaysmo.

Illaa hada ma cada nooca Heshiiska ah ee ay wadagalayaan Shirkadda Maraykanka ah iyo Xukuumadda Somaliland, waxaanay noqonaysaa arrintani haddii ay suurtgasho mid u horseeda Somaliland iyo magaaladda Berbera dhaqdaqaaq caalami ah oo Ganacsi iyo in uu dalku noqdo marin muhiim u ah diyaaradaha Caalamka.

Sidoo kale, Heshiiskani haddii uu suurtogalo waxay magaalo xeebeeda Berbera iyo madaarkuba noqon doonaan meel camiran oo ka soo kabata suuq la’aantii la soo daristay tan iyo markii madaarkaas la xidhay maadaama madaarkaasi uu ahaa mid ay isticmaalaan diyaarado kala duwan.

Dawladda Maraykanka ayaa madaarka Berbera dhistay sideetamaadkii, kadib markii Dawladdii Somaliya ka saartay ciidamadii Ruushka ee deganaan jiray fadhiisinkaas, wakhtigaas oo Maraykanku ka dhistay qalcado iyo dhufaysyo uu saldhig ahaan u isticmaali jiray.

Dawladda Somaliya ayaa kaga kiraysay Maraykanka lacag gaadhaysa afartan Milyan oo Doolar sanadkii, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsanaan jiray xukuumadaasi, hase yeeshee ciidamada Maraykanku waxay ka guureen markii ay kululaadeen dagaaladdii dhex maray jabhadii SNM iyo taliskii siyaad Barre.

Si kasta ha ahaatee dad badan ayaa saadaalinaya sababta ugu weyn ee Maraykanku u danaynayo In uu kiraysto mar kale madaarkaas inay tahay khilaafka ka dhex qarxay Jabuuti, kaasoo laga yaabo sida wararka la xidhiidha heshiiskoodu sheegayo inay isku maan-dhaafeen Heshiiska cusub ee Shiinaha iyo Jabuuti, kuwaas oo Maraykanka uu ka dhaxeeyo loolan dhinaca quwada ahi.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories