HomeSomaliland: Shirkad laga leeyahay Talyaaniga oo ku guulaystay Dhismaha Wershadda Sibidhka MSG...

Somaliland: Shirkad laga leeyahay Talyaaniga oo ku guulaystay Dhismaha Wershadda Sibidhka MSG Group

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirkad laga leeyahay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Bedeschi, ayaa la filayaa inay Somaliland ka hirgeliso Wershad Sibidhka soo saarta, taas oo kharashka ku kacaya dhismaheeda lagu qiyaasay $60 Milyan.

Wershadda oo ay leedahay shirkadaha MSG Group ee uu leeyahay Ganacsade Maxamed Siciid Geeddi oo u dhashay Somaliland, ayaa laga hirgelinayaa magaalada Berbera.

Sida uu qoray Global Cement oo soo xigtay Wargeyska Il Sole 24 Ore oo ka soo baxay dalka Talyaaniga, Shirkadda Bedeschi ayaa Heshiiska Dhismaha Wershadda oo la filayo inay sannadkii soo saarto 1.2Mt Sibidh ah la saxeexatay shirkadda Horn Holding Group oo ah farac ka tirsan Shirkadaha MSG Group.

Sida ku xusan Jadwalka loo asteeyey dhismaha, waxa la filayaa in wax-soo-saarka wershaddu bilaabmo badhtamaha sannadka 2025-ka. Shirkadda Bedeschi ayaa soo saarta Mishiinnada iyo Agabka wax-soo-saarka iyo Xamuulka ee lagama maarmaanka u ah Wershadaha Sibidhka.

Sannadkii 2019-kii, Shirkadaha MSG Group iyo Raysut Cement oo laga leeyahay dalka Cumaan, ayaa heshiis ku galay inay Somaliland ka hirgeliyaan Wershad Sibidh oo cusub, iyadoo heshiisku ahaa inay shirkada Raysut yeelato saami dhan boqolkiiba 55 halka shirkadda MSG ay lahayd 45 boqolkiiba.

Magaalo-xeebeedda Berbera, waxa hadda ka dhisan wershad soo saari jirtay Sibidhka xilligii Dowladdii kacaanka ee Soomaaliya. Wershadda oo  dhismaheeda la hirgeliyey sannadkii 1987-kii isla markaana wax-soo-saarkeedu gaadhay inay maalintii soo saarto 12,000 kiish oo sibidh ah.

Wershadda oo ku taalla duleedka magaalada Berbera ayaa la sheegay inay wax-soo-saarka joojisay sannadkii 1988-kii xilligaas oo halgankii dib-u-xoreynta SNM ka bilaabmay dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories