HomeShirkad laga leeyahay Kenya oo ku Guulaysatay Saddex Ceel oo laga Qodayo...

Shirkad laga leeyahay Kenya oo ku Guulaysatay Saddex Ceel oo laga Qodayo dalka Djibouti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Djibouti (SLpost)- Shirkad Soo Saarta Tamarta Korontada laga dhaliyo oo laga leeyahay dalka Kenya, ayaa ku guulaysatay inay dalka Jabuuti ka qoddo saddex Ceel oo laga soo saarayo Korontada laga dhaliyo Tamarta Dhulka hoostiisa ku keydsan (Geothermal Energy).

Shirkadda KenGen PLC ayaa maanta qalinka ku duugtay heshiis qandaraaskiisu ku kacayo $6,500,000 (Lix Milyan iyo Shan Boqol kun Dollar), waxaana dhinaca dalka Jabuuti heshiiska uga wakiil ah hay’adda horumarinta Tamarta Dhulka hoostiisa ee laga dhaliyo Korontada (ODDEG).

blankWaddanka Kenya ayaa ah dalka ugu horreeya qaaradda Afrika wax-soo-saarka iyo isticmaalka Korontada laga dhaliyo tamarta Dhulka hoostiisa ku jirta, waxaanu ku jiraa 10-ka waddan ee adduunka ugu horreeya. Korontada laga isticmaalo dalka Kenya, ayaa u kala qaybsanta 29% Tamarta Dhulka Hoostiisa, Boqolkiiba 29 Tamarta laga dhaliyo Biyaha, boqolkiiba 28 Tamarta laga dhaliyo mishiinnada iyo boqolkiiba 12 Tamarta ama Korontada laga dhaliyo ilayska Qorraxda.

Sida ay qortay warbaahinta CapitalFM oo aanu warkan ka soo xigannay, agaasimaha shirkadda KenGen Rebecca Miano ayaa sheegay in saddexda ceel ka caawin doonaan dalka Jabuuti sidii ay shacabkeedu u heli lahaayeen Koronto ku filan.

Waxa uu sarkaalkani sheegay in mashruucani yahay kii saddexaad ee ay shirkaddooda ku guulaysato gudaha qaaradda Afrika, waxaana ugu dambeeyey mashruuc ay shirkaddu 12 Ceel oo laga soo saaro Tamarta ku keydsan Dhulka hoostiisa ka qodday dalka Ethiopia.

Dalka Djibouti oo ku yaalla xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa lagu tilmaamaa dalalka qaaradda Afrika ee ugu liita dhinaca horumarka adeegga Korontada oo aanay shacabku wada-helin.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories