HomeShirkad laga leeyahay dalka Australia oo Shidaal ka qodaysa Somaliland iyo Meelaha...

Shirkad laga leeyahay dalka Australia oo Shidaal ka qodaysa Somaliland iyo Meelaha Bartilmaameedka u ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 03 April, 2012 (SLpost)- Shirkad shidaalka baadha oo la yidhaahdo Jacka Resource LTD ayaa markii horeysay shaacisay inay shidaalka ka qoday bartilmaameedyo ku yaala Somaliland.

Sida aanu ka soo xiganay wakaaladda wararka ee Reuters, Shirkaddan oo laga leeyahay dalka Australia ayaa shaacisay inay heshiis kula gashay shirkadda dhanka maalgashiga qaabilsan ee Petrosoma Limited inay saami qaybsi boqolkiiba 50 ah qaadato shidaalka laga qodayo goob cayiman oo ku taala  Koonfur Galbeed Somaliland.

Sida ay shirkaddu ku baahisay bogeeda internetka, goobta shidaalka laga qodayo oo ku magacaaban Habra isla markaana magacii hore loogu yaqaanay ahaa BLOCK 26, waxay ku fadhidaa baaxad dhan 22,000 KM laba jibbaaran, waxaana laga rejaynayaa inuu juquraafi ahaan la mid yahay meelaha shidaalka laga helay ee dalalka Yemen iyo Uganda oo Balaayiin Foosto oo shidaal ku keydsan yahay.

blankGuddoomiyaha Shirkadda Jacka ayaa warmurtiyeed uu soo saaray ku sheegay in Somaliland Muhiimad gaar ah u leedahay dalalka danaynaya iyo maalgashiga. “Maamulka Jacka waxa muddo badan rumaysnaa in Somaliland ay muhiimad badan leedahay,” waxa sidaa yidhi Guddoomiyaha shirkadda Scott Spencer.

Sida uu sheegayo heshiiska ay labada shirkadood kala saxeexdeen, Jacka waxay qodaysaa shidaalka, sida lagus sheegay warmurtiyeed ka soo baxay shirkadda. Dhulka shidaalka laga qodayo ee Habra waxa uu ka kooban yahay dhowr qaybood oo ka mid ah Rukunnada loo qaybiyo dhulka Somaliland marka laga hadlayo Cilmiga Jiyoolajiga; waxa uu ka kooban yahay qaybaha SL6, SL7 iyo SL10.

Bishii November ee sannadkii hore, xukuumadda Somaliland waxay sheegay in heshiis kala saxeexdeen Shirkadda ka diiwaan-gashan magaalada London ee Ophir Energy, Asante Oil iyo Prime Resource, kuwaas oo muddo `18 bilood gudahood ah ku samayn doona sahamin shidaal isla markaana cayimi doona Ceelashada shidaalku ku jiro.

Ilaa imika, dalka Somaliland, waxa laga helay 21 ceel oo hore sahamin loogu sameeyey kuwaas oo xiise badan ku buuray shirkadaha Shidaalka iyo Gaasta soo saara.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories