HomeShirkad lacag ay ku leedahay Somaliland uga dacwootay Maraykanka iyo Jawaabta Xukuumaddu...

Shirkad lacag ay ku leedahay Somaliland uga dacwootay Maraykanka iyo Jawaabta Xukuumaddu ka bixisay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maxamed BiixiWashington (SLpost)- Xukuumada Somaliland ayaa sharraxaad ka bixisay lacago deyn ah oo shirkad Maraykan ah sheegtay inay ku leedahay Qaranka Somaliland oo aanay weli ka helin, taas oo ku ku saabsan khidbadaha hawlo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u dirsatay lixdii bilood ee u horreeyey sannadii 2014-kii, taas oo qoraallo ku saabsan cabashadeeda loo gudbiyey Wasaaradda Cadaaladda Maraykanka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa bilowga sannadkii 2014 heshiis la saxeexatay shirkadda Mercury Public Affairs oo qaabilsan hawlaha Isku-xidhka dibloomasiyadda dalalka Caalamka, kaas oo ujeeddadiisu ahayd sidii ay shirkaddani isugu soo dhawayn lahayd dawladda Maraykanka ugu qancin lahayd Aqoonsiga Somaliland.

Haseyeeshee, sida lagu baahiyey warbaahinta dalka Maraykanka, shirkadda Mercury Public Affairs, ayaa qoraal cabasho xambaarsan u gudbisay wasaaradda Cadaaladda Maraykanka 22-kii bishii Todobaad ee sannadkii hore, waxaanay ku sheegtay inay kharash gaadhaya $27,767.65 (Todoba iyo Labaatan Kun, Todoba Lixdan iyo Todoba Dollar iyo LIxdan iyo Shan Senti oo Dollar) ku leedahay Somaliland, taas oo ku saabsan khidmadaha hawlo ay qabteen lixdii bilood ee ugu horeeyey sannadkii 2014.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonisayaa qiray jiritaanka lacagta deynta ah ee shirkada Mercury sheeganayso, balse waxa uu meesha ka saaray hawlo shirkaddaasi u qabatay Somaliland, isaga oo ku dooday inay xukuumad ahaan ka sugayaan shirkadda caddeymo dheeraad ah oo muujinaya hawlaha ay qabteen.

“Way jirtaa lacagta ay sheeganayaan Mercury, balse ma jirto hawlo ay noogu qabteen. Waxaanu weli ka sugayaan caddeymo dheeraad ah,” sidaas waxa yidhi Wasiir Maxamed Biixi oo intaas ku daray in Heshiis iyo wada-shaqayni ka dhaxayso shirkada Mercury. “Heshiis ayaa noo dhexeeya Mercury, xidhiidh fiicana waanu leenahay, waanu dhamaan doonaa arrinkani,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi oo u warramay Wargeyska Himilo.

Shirkada Mercury oo waddamo badan oo Caalamka ah ka taageerta dhinaca dibloomaasiyadda, ayaa heshiis dhaqan-galkiisu bilaabmay bishii koowaad ee sannadkii hore kula gashay xukuumada Somaliland sidii ay ugu fududeyn lahayd xidhiidh dibloomasiyadeed oo dhexmaray Somaliland iyo Dawladda Maraykanka.

Xigasho: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories