HomeShirkad Imaaraadka Carabta laga leeyahay oo Mashruuc Macdan-baadhis ah ka bilowday Gobolka...

Shirkad Imaaraadka Carabta laga leeyahay oo Mashruuc Macdan-baadhis ah ka bilowday Gobolka Saaxil

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo hawlo shaqo u joogga gobolk Saaxil, ayaa maanta daahfuray sahan macdaneed laga fulinayo gobolka saaxil, gaar ahaan deegaamada Bahalallay, laalays, Hudisa iyo Garbo Raareed.

Wasiirka waxa weftiga ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Mudane Axmed Maxamed Xaashi, Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmadda Berbera Mudane Cabdishakur Maxamuud Xasan (Cidin) iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Saaxil Cabdi Cali Xays.

blankSahanka Macdanta ayaa waxa fulinaya aqoonyahanka waaxda Macdanta ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo khubaro ku xeel-dheer aqoonta cilmiga dhulka oo ka socday Shirkadda Khalifa Engineering and Mining Services oo laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Sahankan ayaa la qorsheeyay inuu socdo muddo shan iyo afartan (45) cisho ah, waxaana Muddada sahanka la wado la baadhi doonaa dhul cabirkiisu yahay boqol iyo laba-iyo-laaban kiilomitir oo laba jibaaran (122 km2) oo kamida deegaamada kor ku xusan.
Inta Sahanku socdo, waxa la baadhi doonaa qaabka samaysanka dhulka, macdahanaha loo filayo in laga helo iyadoo la qaadayo muunnado si shaybaadho casri ah loogu soo baadho, sidoo kale, waxa la diyaarinayaa warqadda cilmiga dhulka oo si sugan u sharaxi doonta qaab dhismeedka deegaanka la baadho.

Waxaana xusid mudan in ay tahay markii ugu horaysay ee la isticmaali doono qalabka jiyoofisikis-ka (Magnetometer) si wax looga ogaado macdanaha ku jira oogada hoose ee dhulka, Isla-markaana si isku dhafan loo wada tarjumo xogaha laga helay satellite-ka (Remote Sensing Analysis) ee goobaha la danaynayo.

Munaasibada lagu daah-furay mashruucan Macdan baadhista oo ka dhacday mid kamida deegaamada laga fulinayo, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Agaasimaha Waaxda Macdanta ee Wasaaradda Cumar Yuusuf Cumar oo faahfaahin ka bixiyey baaxada Mashruucan iyo qorshaha hawlgalkiisa.
“sanadkan 2021 waa wajigii koowaad ee mashruuca oo bilow ah. wuxuu daaran yahay kan aynu maanta u joognaa gobolka Saaxil keliya laba goobood oo kamida. qaybta Hudusa oo ah 92KM oo laba jibaaran iyo qaybta geel loo kor oo 30KM oo laba jibaaran ah, howshiisa waxaanu ku bilownay in aanu raadino xogihii hore, markii aanu xogihii helnayna waxaanu uga dhaqaaqnay in aanu khariidadii samayno, turjumaad ku samayno, helno sugnaanshiyihii xogta goobaha”ayuu yidhi Agaasime Cumar.

Maayirka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey howlgalkan xukuumaddu fulinayso ee gobolka Saaxil laga fulinayo.
“Waxaynu nahay dal lagu isticmaalo boqolkiiba sagaal iyo sagaashan wuxuu la soo dego, markaa khayraadkeena iyo nimcooyinkeena alle ina siiyey inaynu la soo baxno oo ay noqdaan waxaynu dhoofino oo aynu horumar ku gaadhnaa waa muhiim, kolkaa siyaasadda Wasaaraddu aad iyo aad ayey u qiimo badan tahay, iyadoo ay tahay qaybtii 4aad, horena kii weynaa ee Shidaal baadhista loo fuliyey”ayuu yidhi Maayir Cabdishakuur Cidin.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi, ayaa dhankiisa sheegay balanqaaday inay hawl-wadeennada Wasaaradda ee mashruucan fulinaya kala shaqayn doonaan wax kasta oo ay uga baahdaan, isagoo dhinaca kale bulshada ku dhaqan deegaamada hawsha laga fulinayo ku war-geliyey inay soo dhaweeyaan oo ay la shaqeeyaan Wasaaradda iyo shaqaalaha ka shaqaynaya.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somalilanad Md. Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in barmaamujkan macdan-baadhistu ku taxaluqo fulinta Siyaasadda iyo waajibaadka Wasaaradda ee ah sidii uu Qaranku uga faa’idaysan lahaa khayraadka dabeeciga ah ee ku duugan.

“Waxa aynu hawshan u qabanaynaa oo aynu halkan u joognaa oo ay siyaasadda Wasaaraddu tahay si dhaqaalaha dalkeenu kor ugu kaco inaynu khayraadka alle inagu manaystay ee aynaan war u hayn meesha uu ku jiro iyo inta uu leeg yahay in Wasaaraddu xilkeeda gudato oo ay soo saarto oo ay marka hore ogaato macdanta dhulkeena ku jirta nooca ay tahay iyo baaxada ay leeg tahay, taasoo marxalado kala duwan mari doonta”ayuu yidhi.
Wasiirka ayaa sidoo kale bulshada dhulka sahaminta laga samaynayo ku bogaadiyey, ugana mahad celiyey sida niyad-samida iyo waddaniyadu ku dheehan tahay ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu ku tilmaamay inay yihiin umad u diyaarsan in nimcada dhulkooda ku jirta loo soo saaro oo ay ka faa’idaystaan.

Ugu dambeyn, Mashruucan wuxuu qayb-ka yahay mashaariic sahan macdaneed oo ay wasaaraddu bilawday sanadkii 2020 oo ay dawladda Somaliland ka maalgalisay cashuurta dadwaynuhu bixiyo,mashaariicdaasoo la doonayo marka lagu guulaysto inay qayb ka noqdaan dedaallada qaran ee lagu cidhib-tirayo saboolnimada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories