HomeShirkad Heshiis Macdan-qodis ah la gashay Xukuumadda Somaliland oo dhawaan Sahamin ka...

Shirkad Heshiis Macdan-qodis ah la gashay Xukuumadda Somaliland oo dhawaan Sahamin ka bilaabaysa Deegaamo ku yaala Galbeedka dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[O]ttawa (SLpost)- Shirkad laga leeyahay dalka Canada oo lagu magacaabo Mindesta Inc. ayaa shaacisay inay dhawaan hawl-gal sahamin ah ka bilaabayso saddex deegaan oo ku yaala Woqooyi-Bariga Somaliland.

Warsaxaafadeed ay soo saartay shirkadda Mindesta Inc. ayay ku caddeysay inay diyaar u tahay la-wareegidda macaashka saddex liisan sahamin oo ay bixisay xukuumada Somaliland. Mindesta ayaa xilligan haysata 80% una diyaar ah inay hesho 100% liisanka sahaminta deegaamo ku yaal Arabsiyo iyo Qabri baxar oo hore u haysatay shirkada  Nubian Gold Corporation (“Nubian”). Shirkada Nubian ayaa dhowaan heshay ogolaanshaha liisan sahamin deegaanka Abdul Qadir, oo baaxadiisu gaadhayso 2,000km2 kuna yaal xuduudaha Somaliland la wadaagto Itoobiya iyo Jabuuti.

Nooca heshiiska

Shirkada Nubian oo haysata ogolaanshaha liisan sahaminta  deegaamada Arapsyo iyo Qabri Bahar, ayaa shirkada  Mindesta ka heli doontaa boqolkiiba 50% macaashka liisamadaa, isla markaana sheegtay inay diyaar u tahay inay geliso dhaqaale gaadhaya $2 million labada sannadood ee soo socda. Mindesta ayaa looga baahan yahay inay u celiso $100,000 shirkada Nubian oo ku saabsan kharashkii kaga baxay hawl-galka sahamin, halka inta hadhay ay ku iibsan doonaan qiimaha suuqa, ka dib marka ay bixiyaan kharashka ugu horeeya oo gaadhaya $750,000.

Shaqada Dhulka

Shirkada Mindesta ayaa dhamaystirtay sahaminta dhagxaanta iyo ciida deegaamada Arabsiyo iyo Qabri baxar, halkaa oo natiijada sahamintaas dhowaan la filayo inay soo baxdo, taasooo suurto-galinaysa marka natiijadaasi soo baxdo ay shirkadu u diyaargaroobi doonto wejiga labaad ee sahamintaa.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay, Mindesta waxay ka furatay xafiis sahamin Somaliland, oo xilligan ay ka shaqeeyaan shaqaale gaadhaya 30, isla markaana inay ilaa xilligan dhaqaale gaadhaya $410,000 oo hawlo sahamin galeen. Waxa la sheegayaa shirkadaasi u baahan tahay dhaqaale ay ku galaan wejiga labaad ee sahamintaa.

Gudoomiyaha shirkada Mindesta, Gregory Bowes, aya acadeeyey, “Shirkadu waxay qaaday talaabadii u horeysay ee ay ku gelayso dhul aduunka ka mid ah oo la rumaysan yahay inuu keyd leeyahay, dhinaca kalena xaalad siyaasadeed oo degana leh, taasoo ku guulaysiga liisanka cabdiqaadir sii adkeeyey xiisahayaga,”

Maxamed Cabd Aadan (Indho)

indho145@hotmail.com

SLpost News Desk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories