HomeShirkad Caalami ah oo Somaliland ku dartay Liiska Waddamo Heerka Ammaanka Madaaraddooda...

Shirkad Caalami ah oo Somaliland ku dartay Liiska Waddamo Heerka Ammaanka Madaaraddooda ay Dhaliishay iyo Ujeeddada ka dambaysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Jabuuti oo ka mid Noqday dalalkii u dambeeyey ee shirkaddu Liiska ku darto

shirkadCapetown (SLpost)- Shirkadda DHL oo ah shirkadda ugu weyn adduunka ee Alaabaha Kaargo ah ee Ganacsi isaga gudbisa waddamada adduunka iyada oo isticmaalaysa khadka diyaaradaha, ayaa soo bandhigtay qiimayn xagga ammaanka ah oo ay kula xisaabtanto waddamada qaaradda Afrika, taas oo ka dhalatay werwerka sii kordhaya ee laga qabo xagga ammaanka.

Shirkaddu waxa ay shaaca ka qaadday tiro ka tirsan waddamo ka hooseeya saxaaraha Afrika oo Somaliland ku jirto, kuwaas oo ugu jira qiimeynta khadka cas oo ah mid ka mid ah saddex cabbir oo shirkaddu u kala saartay kalsoonida ammaanka iyo isku-halleynta Madaaradda ku yaala dalalkaas, waxaanay qiimeyntani saamayn ku yeelanaysa heerka wada-shaqaynta iyo Alaabooyinka Ganacsi ee diyaaradaha shirkaddu ka dejiyaan Madaarrada dalalka adduunka, gaar ahaan qaaradda Afrika.

Waddamada ku yaala qaaradda Afrika ee ku jira liiska khadka Cas ee qiimaynta shirkadda, ayaa ka kooban shan waddan oo ku yaala Galbeedka iyo Geeska Afrika, kuwaas oo kala ah, Nigeria, Niger, Mali, Soomaaliya iyo Somaliland. Qiimeyntan ay shirkaddu ku calaamadisay waddamadan, ayaa sababtay inay shirkaddu ku soo rogto in allaabooyinka qaarkood aan laga dejin karin madaaradooda.

Haseyeesehee, waxa ay shirkaddu dhowaan shaacisay inay kordhisay waddamada heerka ammaanka madaaraddoodu aad u hooseeyaan ee qaaradda Afrika, waxaanay tiradaas hore ku kordhisay dalalka Jabuuti, Suudaan iyo South Sudan, Sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Hawl-galka ee shirkadda DHL u qaabilsan waddamada qaaradda Afrika ka soo hooseeya Saxaaraha, Oliver Facey oo u warramay Majaladda IT-Online oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika.

“Dalalka adduunka waxaanu u kala saarnay annagoo eegayna heerka halista ammaan ee u diiwaan-gashan oo waxaanu ku kala calaamadinnay Casaan, Caddaan ama Cagaar, taasoo go’aamisa heer cabbirka ammaanka ee ay leeyihiin dalalku, waxaana ku jira in la xaddido allaabooyinka la geyn karo iyo sidoo kale heerka baadhitaanka loo baahan yahay in lagu sameeyo alaabta inta aan loo qaadin dalalka Midowga Yurub iyo Maraykanka,” ayuu yidhi Mr Facey oo u warramay Wargeys xaruntiisu tahay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, waxaanu intaas ku daray in dalalka Qiimaynta Khadka Cagaaran lagu tiriyey ay ka jirto halis xagga ammaanka ah madaaradda isla markaana aan laysku haleyn karin. Sidoo kale, waxa uu sheegay in dalalka Qiimayntooda lagu sheegay Qiimaynta Khadka Caddaanka ah ay xagga ammaanka ka wanaagsan yihiin kuwo hore, halka dalalka Khadka Cagaaran lagu sheegay Sida waddanka Faransiiska oo kale ay leeyihiin xaalad ammaan oo laysku halleyn karo.

Mr Facey waxa uu sharraxay in korodhka cabsida dhinaca ammaanka ee dunida, sida weerarrada Argagixisada iyo Ka-ganacsiga badeecadaha sharci-darrada ahi ay gaadiidka badeecadaha Ganacsiga Caalamiga ah ku sababeen in qawaaniinta kala duwan oo xagga ammaanka ah lagu soo rogo, qawaaniintaas oo inay hirgalaan looga ololeeyeen dalalka Midowga Yurub iyo Maraykanka.

“Si ganacsi u dhexmaro Midowga Yurub iyo Maraykanka, dalalka Khadka Cas waxa ku waajib ah inay u hoggaansaan qawaaniinta iyo shuruudaha. Sidaas ooy tahay, haddana caqabado laysla ogyahay ayaa ka jira waddamada Khadka Cas ee Afrika. Tusaale ahaan, waddanka Nigeria, diyaarado cayiman ayay u hoggaansan oo qawaaniintaasi qabtaan, laakiin madaaradda dalka ma qabto, taasina waxay sababtaa baahi ah in alaabaha loo wareejiyo dalalka kale si loo mariyo baadhitaannada loo baahan yahay iyo oggolaansha. Si looga hortago caqabahan, loona caawiyo Ganacsiga iyo qofku u ganacsato si heer caalami ah, waxay DHL Express labadii sannoe u dambeeyey bixisay ku maal-gelin gaadhaysa 3 Milyan Yuuro si loo horumariyo hawlaha ammaanka ee dalalka aanu qiimayntayada ku soo xusnay,” ayuu yidhi Mr Facey, isaga oo intaas ku daray in kasta oo Qawaaniinta loo baahan yahay aanay caqabad ku noqon karin ganacsiga u dhexeeya qaar ka mid dalalka Qiimeynta Khadka Cas lagu suntay iyo Dunida inteeda kale, haddana loo baahan yahay in dadka macaamiisha ah iyo Ganacsatadu ka war-hayaan oo fahmaan in alaabooyinka qaarkood aan si fudud loo qaadi karin.

Shirkadda DHL Express oo laga leeyahay waddanka Jarmalka, ayaa ah shirkadda ugu ballaadhan adduunka ee Alooyinka u kala xawisha adduunka, waxaanay leedahay diyaaradu u gaar ah oo ay ku xardhan tahay Calaamadda ay shirkaddu caanka ku tahay ee Casaanka iyo Huruudda (Jaalle) ka kooban.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories