HomeShirkad Caalami ah Oo Somaliland Ka Dhisaysa Wershadda Saliidda Cuntada

Shirkad Caalami ah Oo Somaliland Ka Dhisaysa Wershadda Saliidda Cuntada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dubai (SLpost) – Shirkadda IFFCO, ayaa la sheegay inay Somaliland dhisayso wershad soo saaraysa saliidda cuntada, iyadoo dhismaha wershadda laga hirgelinayo Aagga Dhaqaalaha ee Berbera (Berbera Economic Zone).

IFFCO oo ah shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka oo ku caan ah Ka-ganacsiga badeecadaha kala duwan ee cuntada, ayaa la sheegay inay shirkadda DP World la  saxeexatay heshiis kiro iyo wada shaqayn ah.

Shirkadda IFFCO oo dhismaha wejiga koowaad bilaabi doonta sannadka dambe 2023, ayaa la sheegay in marka la dhameeyo ay shaqo ka heli doonaan boqolaal muwaadiniinta Somaliland ah.

Heshiiskan ayaa waxaa magaalada Dubai ku wada saxeexday Suhail Albanna oo ah maamulaha shirkadda DP World, Bariga Dhexe & Afrika, iyo madaxa fulinta ee shirkada IFFCO, Rizwan Ahmed.

DP World waxa ay horumarinaysaa Aagga Ganacsiga xorta ah ee Berbera, ka dib markii ay maal-gelin ku samaysay Dekedda Berbera si ay u abuurto xarun isku xidhan oo badda, saadka iyo warshadaynta ah si ay ugu adeegto Geeska Afrika oo ah gobol firfircoon, mar walbana isbeddelaya oo ay ku nool yihiin in ka badan 140 milyan oo qof.

Warka ku saabsan maalgeshiga shirkaddani ku samaynayso Aagga Dhaqaalaha ee Berbera oo aanu ka soo xigannay Wargeyska Khaleej Times, waxa si faahfaahsan uga hadlay masuuliyiin ka kala tirsan shirkadaha DP World iyo IFFCO.

Maamulaha iyo Agaasimaha Guud ee DP World ee Bariga Dhexe & Afrika Suhail Albanna oo heshiiska ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan Aagga Dhaqaalaha Berbera ku soo dhawayno shirkad weyn oo caalami ah sida IFFCO. Go’aanka IFFCO ee ah in la sameeyo wershad waa codka kalsoonida ee aagga iyo marag u furka wax-soo-saarkayaga. Waxa kale oo ay aaggani saamayn togan ku yeelan doontaa dhaqaalaha gudaha iyo gobolkaba iyada oo shaqo abuur loo samaynayo, isla-markaana ay Somaliland soo jiidan doonto maalgashi shisheeye oo toos ah”.

blankAgaasimaha iyo xubinta guddiga kormeerka ee IFFCO Shiraz Allana oo dhankiisa, ka hadlay heshiiska ayaa yidhi, “IFFCO waxay sii waddaa inay maalgeliso mustaqbalka cuntada iyo silsiladaha sahayda adduunka. Waxaan hadda ka shaqeynaa 95 xarumood, oo ay ku jiraan dhowr tasiilaad wax soo saar oo deked ku saleysan oo adduunka oo dhan ah.”

“Iskaashigan aan la leenahay DP World wuxuu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay istiraatijiyadda haqab-beelka cuntada ee Imaaraadka & fududaynta ganacsiga cuntada adduunka,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Shirkadd IFFCO.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories