HomeShirka Taleex: Gar Mise Gardaro?

Shirka Taleex: Gar Mise Gardaro?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxaan maqlayay oo aan bahwaynta saxaafada baryahan kala socday in  magaalada taleex oo ka tirsan gobolka Sool in ay beryahanba ku qul qulayeen ergooyin ka soo kale jeeda beelaha dhulbahante oo u balansan in shir wada tashi halkaa uga furmo , dawlada Somaliland waxay marar badan ka hadashay in shirarka beelaha arimaha dhexdooda iyo arimaha kale ee ay tabanayaan ay kaga arinsanayaan u furan tahay sida kuwii hore uga dhacay Somaliland ee ay ka midka ahaayeen kii ay qabsatay beesha Isaaq Habar Jeclo ,  beesha Isaaq Ciise Muuse  iyo beelaha kale ee daga Somaliland kuwaas oo ay ahaayeen kuwo ay kaga tashanayeen aayahooda  iyo masiirkooda reereed laakin aanay marnaba ahayn kuwa xidhidh la lahaa oo wax lagu yeelaynayay qadiyada madax banaanida Somaliland, hadaba sidaynu ka war qabo shirkan ay isugu habar wacatay beesha dhulbahante ayaa dadka u dhuun daloolaa ay sheegayaan inaanu ahayn shir lagaga arinsanayo arimaha beesha dhexdooda balse ay tahay shir lagu wiiqayo qaranimada Somaliland kuwaasi oo aan qarsan laakin badka soo dhigay taas oo ka hor imanaysa mabda’ii lagu sameeyay qaranimada Somaliland, hadaba Somaliland oo labaatankii sano ee ugu danbeeyay ahayd mandaqad lagu wada  noolaa nabad iyo caano ahaydna qaran ku caano maalay kala danbayn , isu tanaasul, wada tashi, isqancin  iyo horumar balse waxaa muuqata in loo soo tashaday in wax la yeeleeyo qarankan ku wareegsan mandaqada holcaysa oo la doonayo in loo tashato oo la wax yeeleeyo qaranimadiisan , hadaba waxaa muuqata in shirkan taleex ka dhacayaa uu baal marsan yahay arimahaa aynu soo sheegnay waxaana isugu yimi rag aan qarsan marnaba inaanay ka raali ahayn nabada ka jirta Somaliland kuwaas oo si cad uga soo horjeeda iyagoo waliba marwalba ka hadla wax lidi ku ah qaranimada qarankan iyo jiritaankiisaba, hadaba waxaa haboon in xukuumada Somaliland ay wax ka qabato ka hor intii aanu shirkasi si toosa u bilaabmin ee lagu gudo jiray abaabulkiisa taas oo aynu arkayno in bishu horteena timid balse soomalida ayaa ku maahmaahda (Daad hortii ayaa moos la samaystaa),waxaana wax aan laga aamusi Karin ah in maanta aynu indhaheena ku arkayo shir si cad loogaga so horjeedo qaranimada Somaliland inuu ka dhacayo isla gudaha Somaliland, waa xil saaran xukuumada ay shacabku  soo doorteen in cid  kasta oo ka soo horjeeda ama ku soo xad gudubta  qadiyada lagu midoobay ee Somaliland  dabka la saaro oo gacan bir ah lagu qabto ,waana arin ay ka midaysan yihiin dhamaan qabiilada wada daga Somaliland ayna ku heshiiyeen wakhtigii la aasaasay wadankan Somaliland.hadaba shirkan taleex ka socda ayaa ay ka soo qayb galeen ragii ugu waawaynaa ee waligood ka soo horjeeday Somaliland kuwaas oo la filayo inay ku dhawaaqi doonaan maamul goboleed la yidhaahdo DARWIISH STATE  taas oo adhax jab ku noqon doonto qadiyada Somaliland oo aynu hore uga war hayno in maamul goboleed isna isku magacaabay AWDAL STATE  hore lagaga dhawaaqay Qurbaha kaas oo fara galin ku haya Somaliland oo meel kasta oo ay tagaan ay iyaguna xumayn iyo xiqdi la daba taagan yihiin. hadaba maamul goboleedkan maalinba la sheegayo in lagaga dhawaaqayo meel ka mid ah Somaliland miyaanay ahayn xad gudub lagu sameeyay shirkii ay beelaha somaliland oo dhan ku heshiiyeen ee ka dhacay magaalada burco. Hadaba si kastaba ha ahaatee  waxaa marag  ma doon ah in ku dhawaaqidii lagu dhawaaqay Somaliland ay kala badbaadisay beelihii isku cadhaysnaa ee uu aarsiga iyo dagaalada sokeeye ka dhex dhici lahaa kuwaas oo iyagoo ka tashanaya aayahooda iyo masiirka caruurtooda isla gaadhay inay ku midoobaan qarankan mucjisada ah ee   sida dayaxa u iftiimaya ee ka soo mudh yidhi mandaqada geeska Africa ,sidoo kale qabiilooyinkii kala duwanaa ee degenaa Somaliland ayaa iyagoo eegaya isla qaatay nabad buuxda iyo walaaltinimo ku qotonta wax wada qaybsi , wax wada lahaansho, iyo inay dhif iyo dheefba isla wadaagaan ugu danbayntiina waxay salka u dhigeen oo ay aasaaseen iyagoo ku raaliya oo ku qanacsan qarankan la yidhaa Somaliland, hadaba intaa ka bacdi distoorkii iyo wada heshiishkii ay dhigteen qabiilooyinkani ayaa sababay inuu dalkani horumarka intaa leeg ku talaabsado iyagoo maanta hiigsanaya figta ugu saraysa kuna sii jeeda iyagoo gacmaha is haysta inay baadi doon u galaan ictiraafkii jamhuuiyadan, hadaba ayaamahan waxaa ifafaalaheedii soo baxayaa oo la arkayaa dad badan oo ka xun midnimadaa iyo wada jirkaa ay ku midoobeen qabiiloyinka Somaliland kuwaas oo aan ku qanacsanayn wada noolaanshaha iyo wada jirka bulshada wada deggen oo hadda doonaya inay dib boodhka uga tumayaan shir beeleedyo lagu wiiqayo qarankan oo laga soo gudbay labaataneeyo sanadood ka hor iyagoo dadka caamada ah ee wax ma garatada ah u tusaya in la haysto wadankoodii laguna soo duulay balse waxay baalmarsan yihiin in dadka ay farta ku fiiqayaan ay yihiin dadkii ay wax wada lahaayeen ilaahayna dhulka ku wada uumay ee ay wax la qaybsan lahaayeen, hadaba iyadoo aynu ka war hayno in maalinkasta ay isasa soo tarayaan shirarkan noocan oo kale ah ayaa ay xukuumada somaliland indhaha ku daawaynaysaa taas oo dadka falanqeeya arimaha siyaadu ku sheegeen inay tahay midnimadii Somaliland oo maalinba garab la goynayo kuna dhaliileen dawlada inay ka gaabisay wax ka qabashada arimahasi iyadoo horena loogu dhawaaqay maamul goboleed la yidhaa AWDAL STATE oo dadkii ku dhawaaqay in ka mid ah ay dhex mushaaxayaan Somaliland, guntii, gabagabadii iyo gunaanadkii  anigoo diidan inuu qalinku ila taraaro waxaan hadalkayga ku soo afjari lahaa hadii aanay xukuumada Somaliland tahli karayn inay wax ka qabato dadka hadhka cad burburinaysa qarankani meesha ha u banayso dadka awooda u leh hadii kale oo waxba laga qaban kari waayo waxaan hadal ka taagnayn in Goroyo Heeryaysani Ay Duhur Cad Soo Gali Doonto Somaliland horseedi doontana burburka qarankan.

C/fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)

Email: Samriye99@hotmail.com

Mobile: 4474468

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories