HomeSHIRKA QARAMADA AFRIKA IYO CARABTA: Hirdanka Xulafada Kala Taabacsan Morocco & Dawladnimo-doonka...

SHIRKA QARAMADA AFRIKA IYO CARABTA: Hirdanka Xulafada Kala Taabacsan Morocco & Dawladnimo-doonka Jamhuuriyadda Saharawi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

abdirashid-ibrahimDalka Morocco oo ah maal gashade weyn oo maal geliya qaaradiisa Afrika oo kaashanaya dalal kale oo Carab ah oo ay ka mid yihiin; Sucuudiga, UAE, Baxrayn, Qatar, Oman, Jordan, Yemen iyo Soomaaliya ayaa cadho kaga baxay shirka Qaramadda Afrika iyo Carabta oo ka socday Equatorial Guinea Arbacadii – ka bixid timi kaddib markii Midawga Afrika uu shirka ku casuumay isla markaana ay ka soo qayb galeen jabhadda madax banaani doonka ah ee Polisario ee Jamhuuriyadda Sahrawi oo xubin ka ah Ururka Afrika.Ka bixida shirkani ayaa wuxuu yimi kadib markii boqorka Morocco ee Mohammed VI uu socdaal kusoo maray dalal badan oo African ah ka hor shirka si uu taageero uga helo.

Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Carabta ee Saharawi (SADR) waxay madax-banaani ku dhawaaqday February 27keedii, sannadkii 1976 kii, markii Isbayn ay cadaysay in aysan rabbin in ay sii maamusho dhulkaasi oo ay gumaysan jirtay. 1982 ayaa Ururkii Midawga Afrika (OAU) ay Jamhuuriyaddaasi u aqoonsadeen dawlad madax-banaan. Sannadihii ka dambeeyey waxaa aqoonsi siiyay in ka badan 80 waddan oo ay ka mid yihiin Mexico iyo South Africa, inkastoo dalalkaasi qaarkood ay aqoonsigii la laabteen sannadihii 1990kii.

1984 kii ayaa dalka Morocco ka baxay xubbinimadii Ururka Midawga Afrika (OAU) isagoo ka cadhaysan xubbinimada la siiyay Jamhuuriyadda Sahrawi ee Ururka Midawga Afrika. 1991 wada hadal ay qaramada Midoobay dabada ka riixaysay oo dhex maray Morocco iyo jabhada Polisario ayaa waxaa la isla qaatay in Afti laga qaadi doono bulshada ku nool gobolkaasi si aayaha gobolka meel loo saaro, balse, aftidaasi may suuro gelin wali.

Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Mugabe, oo ka hadlayay shirweynihii 26aad ee Midawga Afrika oo ka dhacay Addis Ababa, Ethiopia ayaa wuxuu yidhi “Wakhtimaynu go’aansanaa in dadka  Jamhuuriyadda Sahrawi ay noqdaan Xor, dastuurkeenu wuxuu sheegayaa in xuduudaheenii aynu ku aas-aasanay 1963 la dhawro oo la tix galiyo, dadka Jamhruuiyadda Sahrawi ha noqdeen xor”

Muddo 32 sanno ah oo Dalka Morocco cadhadaasi kaga maqnaa xubinimada ururka Midawga Afrika wuxuu dhawaan muujiyay xiisahiisa ah in uu dib ugu soo noqdo xubbinimadii Ururka Afrika ka bixidiisii 1984 kii kaddib. Jamhuuriyadda Saharawi oo ah xubbin kamid ah Ururka Afrika ayaa ku doodaysa in Morocco loo ogolaado in ay dib ugu soo biirto ururka haddii ay aqoonsato Jamhruuyadda Saharawi keliya.

Jabhadda Polisario waxay xukuntaa 20 – 25% dhulka Jamhuuriyadda Sahrawi, halka inta kale ay xukunto Morocco oo u taqaana dhulkaasi gobolka Koonfureed ee Morocco. Jamhuuriyada Sahrawi si la mid ah Jamhuuriyadda Somaliland waxay dhacdaa xuduudihii gumaysigu dhigay Afrika.

Jamhuuriyadda Saharawi waxay taageero ka haysataa dalalka Afrika, kama tirsana Shirweynaha Carabta oo ay Morocco ka tahay xubin buuxda. Dalka Morocco wuxuu taageero buuxda ka haysta Shirweynaha Carabta oo aaminsan in la dhawro xurmada dhuleed ee dalka Morocco (Territorial Integrity).

In kastoo Somaliland ay ku dhisan tahay sharciga midawga Afrika ee xurmaynta xuduudihii gumaysiga, haddana taageero kuma haysato gudaha Ururka Afrika si lamid ah taageerada ay haysato Jamhuuriyadda Saharawi, balse waxa jira sansaan & u dabacsanaan dalalka jaalka ah qaarkood ka muuqata. Dhinaca kale, dalalka Masar iyo Sudan oo taageero la garab taagan dawladda Somaliya isla markaana ka hor imanaya qorshayaasha lidiga ku ah dalka Soomaaliya ayaa ururka Afrika ka mid ah. Dawladda Federaalka ah ee Somalia waxay xubin buuxda ka tahay Shirweynaha Carabta oo si weyn u taageera isla markaana ay xubbin ka tahay dalka Masar oo arrinta qadiyada Somaliland u arka mid lidi ku ah danaheeda gobolka ee ay salka u tahay webbiga Niilku.

Dhinaca kale, Soomaaliya kama mid aha dalalka aqoonsaday Jamhuuriyadda Saharawi, waxay taageero buuxda u muujisay dalka Morocco oo ka soo hor jeeda madax-banaanida Jamhuuriyada Saharawi iyadoo u aragta haddii ay Jamhuuriyadaasi hirgasho in ay Somaliland-na dariiqaasi mid la mid ah raaci doonto.

Somaliland iyo Jamhuuriyadda Saharawi waxay ku dhisan yihin dastuurka ururka midawga Afrika oo sheegaya in ururku ku shaqayn doono maba’adiidan; Qodobka 4aad, farqadda (b) ixtiraamidda xuduudihii jiray wakhtigii madaxbannaanida gumaysiga laga qaatay.

Waxaa xiiso badan in markii qodobkaasi 4aad ee dastuurka ururka Afrika loo codaynayay waddamadii diiday ay kamid ahayd Jamhuuriyaddii Soomalidu, Ghana, Morocco & Togo oo loolan adag ka galay in la xurmeeyo lana aqoonsado xuduudihii gumaysigu dhigay iyagoo mid waliba danahiisa siyaasadeed ka eegayay.

Marka la eego labada urur gobboleeda ee ka Afrika iyo ka Shirweynaha Carabta, Somaliland waxaa uga fursado badan isla markaana taageero ay ka heli kartaa Ururka Midawga Afrika, waxaa loo baahan yahay in wakhti, dadaal iyo karti aad u heersaraysa la galiyo sidi taageero Somaliland uga heli lahayd wadamada gobbolka ee taageera Jamhuuriyadda Saharawi ee xubnaha ka ah Ururka Midawga Afrika.

Dhinaca kale, arrimaha u baahan in aad looga fiirsado waxaa ka mid ah xidhiidhada lala yeelanayo dawladaha Carabtaoo ay tahay in laga eego dhanka dannaha siyaadadeed iyo amniga oo aan lagu mashquulin kaliya dhanka dhaqaalaha.  Waxaa mudan in la is waydiiyo halka ay dawladda Imaaraadka Carabta ka taagan tahay qadiyada Somaliland maadaama lagu wareejiyay maamulka dekedda Berbera oo ah goob muhiim u ah siyaasada gobbolka – Imaaraaadka Carabtu wuxuu si weyn uga soo hor jeedaa madax banaanida Jamhuuriyada Saharawi oo ku dhisan shuruucda Somaliland ku dhisan tahay kuwo lamid ah iyagoo garab taagan dalka Morocco.

Dhinaca kale dagaalka ka socda Yemen iyo Xulafada Carabtu waxay xiiso weyn u muujiyeen isticmaalida gagida diyaaradaha ee Berbera oo ah goob siyaasadeed muhiim u ah gobbolka – culimada amniga gobolku waxay aaminsan yihiin in xulafada Sucuudigu hogaaminayo iyo Carabtu ay mar horeba bilaabeen sidii ay xarun milatari oo awood badan ay uga samaysan laaheeyeen gobolka Geeska Afrika maadaama oo ay la wareegeen dekeda Eritrea iyo ta Somaliland oo hawsheedu socoto. Dalka Ethiopia wuxuu u arkaa xulafada Sucuudigu hogaaminayo kuwo lidi ku ah dannaha siyaasadeed ee Ethiopia iyagoo ka dhex arkaya dalweynaha Masar oo ay colaad guun ah oo ku xidhiidhsan webbiga Niil ay ka dhacayso.

Waayadan dambe, xidhiidhada Somaliland waxay u ekaayeen kuwo guur guuraya oo ku salaysan taageero dhaqaale. Waxaa lama huraan ah in Somaliland ay si taxadir leh uga fiirsato xidhiidhada dalalka gobolka ay la yeelanayso iyadoo maanka ku haysa dannaheeda siyaasadeed iyo cida la riixi karta arrinta madax-banaanida. Ma Midawga Afrika mise dalalka Shirweynaha Carabta iyadoo casharo ka barranaysa dagaalada ku socda qadiyada taageerada badan haysata ee Jamhuuriyada Carabta Dimuquraadiga ah ee Saharawi.

Tixgalin

Cabdirashiid Ibrahim Sh. Cabdiraxman

Tixraacyo:

https://abdirashed.wordpress.com/2016/02/03/shir-madaxeed-ka-26aad-ee-midawga-afrika-xiisihii-mugabe/

https://en.wikipedia.org/wiki/Sahrawi_Arab_Democratic_Republic

https://en.wikipedia.org/wiki/International_recognition_of_the_Sahrawi_Arab_Democratic_Republic

http://warontherocks.com/2016/09/west-of-suez-for-the-united-arab-emirates/

http://www.globalresearch.ca/saudi-uae-military-coalition-expands-into-the-horn-of-africa/5487059

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories