HomeShirka Midowga Afrika oo ka furmaya dalka Itoobiya iyo Saameynta doorashada Guddoomiyaha...

Shirka Midowga Afrika oo ka furmaya dalka Itoobiya iyo Saameynta doorashada Guddoomiyaha Midow Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...


 

Addis-Ababa (SLpost)- Shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa maanta ka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ah shirkii 19-aad ee Ururka Midowga Afrika, kaas oo ay ka soo qeybgalayaan madaxda 53-dal oo ka kala socota qaaradda Afrika iyo marti-sharafeedyo kale oo ka kala socda qaaradaha dunida, kuwaas oo daneeya arrimaha Afrika, waxaana ka mid ah dadka lagu casuumay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo wafti Mareykan ah.

blank

Shirka oo u muuqda mid ka bedelan shirarkii hore marka la eego ka soo qeybgalayaasha oo ay wejiyo cusub ka muuqdaan sida Madaxweynaha Masar oo 17-sanno aan ka soo qeybgelin shirarka Madaxda Afrika, boqorka dalka Kuwait oo si gaar ah loogu casuumay shirka iyo dalal kale oo badan, waxaana diiradda lagu saari doonaa kulankaasi arrimaha Soomaaliya, labada suudaan iyo dalka Maali oo ay xaalad cakirnaan ah ka jirto ka dib markii xoogag Islaamiyiin ah iyo kooxo kale oo mucaarad gooni goosad ah ay la wareegeen qeybo badan oo ka mid ah dalka Maali.

Shirka oo soconaya laba maalmood ayaa dhinaca kale waxaa ka jira loolan xoogan oo loogu jiro cidda noqoneysa Guddoomiyenimada Midowga oo sannadkii hore lagu guuldareysay in lagu doorto Guddoomiye ka dib markii musharixiintii u tartameysay ay codad isla eg heleen oo midkoodna uu heli waayey codadkii loo baahnaa.

Doorashada xilka Guddoonka guddiga Midowga Afrika ayaa waxaa u taagan Guddoomiyaha hadda xilka haya ee Jean Ping, balse Mr. Ping waxaa loolan kulul kula jira Haweenayda lagu magacaabo Nkosazana Dlamini-Zuma oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Koonfur Afrika.

Sannadkan wadamada Koonfureed ee qaaradda Afrika ayaa markii ugu horeysay 49-sanno kadib loolan ugu jira inay hogaamiayaan Madaxa ugu sareeya Guddiga fulinta ee Midowga Afrika oo inta badan qaban jireen hogaamiyaal kasoo jeeda wadamada Galbeedka, Bariga iyo Badhtamaha Afrika.

Wadamada ka midka ah Urur Gobaleedka Koonfurta Afrika ee SADC ayaa si wadajir ah u doonaya inay codka ugu shubaan haweenayda ka socota dalka Koonfurta Afrika ee Mr. Zuma, oo hada heysa xilka Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Koonfur Afrika, horayna ugu guuldareysay inay xilkaasi qabato ka dib markii ay heli weydo codad ku filan“Hada waxaa la gaadhay xiligii wadamada Koonfureed ee Afrika ay xilka Midowga Afrika qaban lahaayeen” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Zambia Mr.Given Lubinda oo saxaafada magaalada Addis Ababa kula hadlayey, waxaana weli socda loolan xoogan oo lagu kala jiidanayo madaxda qaaradda Afrika si labada musharax uu mid waliba u helo codadka u uu baahanyahay.


Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories