HomeShirka Madaxda IGAD oo ka furmay Jabuuti, Ajandeyaasha miiska saaran iyo Khudbado...

Shirka Madaxda IGAD oo ka furmay Jabuuti, Ajandeyaasha miiska saaran iyo Khudbado laga jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Djibouti (SLpost)- Magaalada Jabuuti waxa gelinkii dambe ee Axadda maanta ka furmay shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaaddeen madaxda dalalka ku jira urur-goboleedka IGAD

Shirka oo noqonaya kii 38aad ee IGAD tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1996-kii, waxa qodobbada ugu muhiimsan ee ajanadaha shirka lagaga hadlayo ka mid ah xiisadda dagaal ee Ethiopia iyo khilaafka dibloomaasiyadeed ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Waxa Shirkan aan caadiga ahayn in laysugu yimaaddo dalbaday Raysal-wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdok oo ah guddoomiyaha xilligan ee ururka IGAD, kaddib markii qaar ka mid ah madaxda dalalka ururka ku jiraa u gudbiyeen tabashooyin iyo xiisado ka dhex-jira dalalka xubnaha ka ah IGAD.

blankRaysal-wasaaraha dalka Sudan Abdalla oo ka hadlay ujeeddada shirka, ayaa sheegay in ajandaha shirku la xidhiidha si looga wada hadlo geeddi-socodka ammaanka iyo nabadgelyada gobolka, gaar ahaan xiisadaha ka taagan dalalka Sudan, Koonfurta Sudan, Ethiopia iyo Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah IGAD ee shirka maanta goob-joogga ka ahaa waxa ka mid ah Raysal-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Waxa kale oo shirka ka qayb-galay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Sudan Rebecca Garang Safiirka dalka Uganda u fadhiya Jabuuti danjire Rebecca Otengo.

Madaxweynaha martida loo yahay Ismaaciil Cumar Geelle oo furitaankii shirka khudbad ka jeediyey, ayaa bogaadiyey horumar laga gaadhey dedaallada nabadda iyo xasilloonida gobolka, in kasta oo sheegay inay jiraan carqalado sababay dib-u-dhacyo ku yimi horumarkii la tiigsanayey, kuwaas oo uu ka xusay aafada Covid-19, daadadka iyo Ayaxa.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat oo shirka ka hadlay, ayaa sheegay in Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya ay welwel ku hayso Midowga Afrika, waxaanu ku baaqay wada-xaajood xiisadda lagu dejiyo.

Dhinaca Xiisadda dagaal ee dalka Ethiopia, waxa uu guddoomiyaha AU-du ku boorisay dowladaha xubnaha ka ah IGAD inay ka caawiyaan Ethiopia sidii loola tacaali lahaa dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka dhashay dagaalada ka socda gobolka Tigray.

Shirka ayaa markii dambe dibadda looga saaray warbaahinta iyo martidii kale ee ka qayb-galay, waxaanay hoggaamiyeyaasha dalalka IGAD yeesheen kulan al-baabadu u xidhan yihiin oo ay isku kaliyeysteen.

Ururka goboleedka IGAD, oo ay ku midaysan yihiindalalka Geeska Afrika qaarkood sida Ethiopia, Kenya, Somalia, Djibouti, Sudan, Koonfurta Sudan, Eritrea iyo Uganda, ayaa xaruntiisu tahay magaalada Djibouti oo markii u horeysay lagu aasaasay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories