HomeShirka Maalgashiga iyo Ganacsiga Somaliland oo si rasmi ah uga furmay London...

Shirka Maalgashiga iyo Ganacsiga Somaliland oo si rasmi ah uga furmay London iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Magaalada London ee dalka Ingiriiska waxa maanta si rasmi ah uga fumay shir Caalami ah oo maalgashiga iyo ganacsiga Somaliland lagu dhiirri-gelinayo (UK-Somaliland Investment and Trade Conference), kaas oo ay goob-joog ka yihiin madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan wefti ka kooban golihiisa Wasiirrada iyo Ganacsato dalka u dhalatay, iyada oo lagu marti-qaaday shirkado caalami ah iyo dibloomasiyiin ka socda waddamada Somaliland ka taageera dhinacyada dimuqraadiyada iyo horumarinta oo dawladda Ingiriisku ka mid tahay.

InvestmentShirka maanta ka furamay magaalada London oo qaban-qaabadiisa ay iska leedahay shirkad lagu magacaabo Developing Market Associates (DMA) oo hore u qabatay shirar noocan oo loo qabto xidhiidhka ganacsi iyo maal-galineed ee dawladda Ingriiisku la wadaagto dalalka Afrika iyo Eeshiya qaarkood, balse noqonaya markii u horeysay ee ay qabato shir maal-gashi oo Somaliland iyo Ingiriisku iska kaashanayaan, waxa dadka lagu marti-qaaay ee ka qayb-galaya ay isugu dhaqaale-yahanno, Ganacsato, wakiillo ka socdo shirkado caalami ah iyo masuuliyiin xilal sar-sare ka haya dawladda Ingiriiska.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiirradiisa Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada oo todobaadkan gaadhay magaalada London, ayaa iftiimiyey muhiimadda shirkani u leeyahay Somaliland oo uu sheegay inay diyaar u tahay sidii ay u kasban lahayd xidhiidh ganacsi oo dhexmara iyo maalgashi caalami ah oo ay ka hesho beesha caalamka.

edna“Shirka maalgashiga Somaliland ee London waa shir muhiimad weyn u leh Somaliland, iyada oo Somaliland ay soo dhawaynayso xidhiidh ganacsi iyo maalgashi dibadeed,” Sidaas waxa yidhi madaxweyne Siilaanyo oo qoraal kooban oo uu kaga hadlay ku baahiyey bogga uu ku leeyahay twitter-ka.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa shirka kala qayb-gali doona Ganacsato u dhalatay Somaliland oo ka-qaybka shirka uga faa’idaysanaya xidhiidho ganacsi oo dhexmara shirkadaha iyo maalgashatada ka qayb-galaysa.

u“Waxaanu halkan u nimi inaanu ka qayb-qaadano shirkii abid ugu ballaadhnaa ee Somaliland ku hesho maalin-gelin caalami ah. waxa shirka ka qayb-galaya siddeed shirkadood oo waaweyn iyo maal-qabeenno isaga kala imanaya adduunka oo dhan, kuwaas oo danaynaynaya Somaliland,” sidaas waxa yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay muhiimadda uu shirkani u leeyahay Somaliland.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories