HomeShirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo Qodobbo Xasaasi ah lagaga Hadlay

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo Qodobbo Xasaasi ah lagaga Hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali, ayaa shirka Golaha Wasiirrada Somaliland horkeennay qabyo-qoraal la xidhiidha Sharciyadda Diinta Islaamka ee ku saabsan Carruurta la tuuro iyo sida loola dhaqmayo.

blankFadhiga Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, waxa sidoo kale warbixin lagaga dhegaystay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo xaaladda ammaanka ee dalka ka xog-warramay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Fadhigii 90-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta lagaga hadlay qodobbo dhawra.

Ugu horreyn, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaarta, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha la wadaagay xaaladda abaarta ka jirta dalka, howlaha gurmadka abaarta ee ay waddo guddidu, bulshada abaartu saamaysay ee wax loo qaybiyey ilaa hadda, iyo deeqaha soo gaadhay guddida. Sidoo kale waxa madaxweyne ku-xigeenku ka warramay roobabkii dhawaan ka da’ay qaybo ka mid gobollada dalka, isaga oo xusay in meelaha qaar ay ka da’een roobab lagu qabowsaday.

Goluhu waxa kale oo uu war-bixinta Amniga dalka ka dhagaysta wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed, isagoo ka xog-warramay xaaladda amniga ee dalku halka uu marayo oo uu xusay wasiirku in meel looga soo wada jeesto.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa shirka golaha wasiirrada horkeenay qoraal faah-faahsan oo ku saabsan wax ay shareecada Islaamku ka qabto carruurta la tuuro ee aan la aqoon cidda dhashay iyo sida loola dhaqmayo.

Gaba-gabadii shirka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa golaha uga xog-warramay safarkii dhawaan uu ku tagay dalka Maraykanka, waxana uu tilmaamay Madaxweynuhu, in safarkaasi guul ugu soo dhammaaday, isaga xusay in dowladda Maraykanku ay diyaar u tahay in ay la shaqayso Somaliland, waxna ay wada-qabsadaan, qodobbo badanna labada dal ay iska-kaashan doonaan.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories