HomeShirka Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Qodobbo Muhiim ah Lagaga Hadlay

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Qodobbo Muhiim ah Lagaga Hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta warbixinno lagaga dhegaystay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta Qaranka, Hawlaha Guud iyo Cadaaladda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka warbixiyey Xaaladda guud ee ammaanka dalka, halka Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdilaahi Abokor Cismaan uu ka warbixiyey Qorshaha Diiwaangelinta hantida ma-guurtada ah ee Dowladda.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagu faahfaahiyey qodobbo dhowr ah oo shirka Golaha wasiirrada lagaga dooday, ayaa u dhignaa sidan:- “Fadhigii maanta oo ahaa kii 102aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga dooday qodobbo muhiima oo la xidhiidha horumarinta arrimaha Qaranka.

Ugu horrayn, waxa uu goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ka war-bixiyey xaaladda guud ee la xidhiidha amniga, isagoo wasiirku xusay inay ku ammaanan yihiin Ciidammada kala duwan ee dalka oo marwalba garab ka hela Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Dr. Axmed Aadan Buuxane oo ka hadlay halka uu marayo qorshaha saddexaad ee horumarinta Qaranka ee (NDP3), oo uu soo gabagaboobay qoraalkiisu waxna ka tari-doona horumarka dalka.

Sidoo kale goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dhulka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ka warbixiyey diiwaangelinta hantida ma guurtada ah ee Dawladdu halka ay marayso, iyadoo ay in muddo ah iska kaashanayeen Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, waxaanu goluhu isku raacay dhammaystirka habraaca summadda Hantida Qaranka ee ma guurtida ah.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Caddaalladda, Mudane Saleebaan Warsame Guuleed oo kaashanaya Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Mudane Cabdisamad Cumar Maal, ayaa Golaha u sharraxay wax-ka-beddel iyo kaabis lagu soo sameeyey Xeerka Adeegga Kaalmada Sharci, iyada oo goluhu u ballamay inuu dood ka yeesho shirarka dambe.

Ugu dambayn, waxa goluhu xusay inay xukuumaddu dhamaystirtay wixii waajibaada ee kaga aaddanaa dhinaca doorashooyinka; sida Ammaanka iyo dhaqaalaha, iyadoo xukuumaddu raacaysa qorshaha wakhtiga ay guddida doorashooyinku soo cayimaan ee ay ku qaban karaan diiwaangelinta iyo doorashooyinka, waxaanay xukuumaddu ku boorrinaysaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay si nabada ah doorashooyinka u galaan.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories