HomeShirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo laga soo saaray Go'aamo Xaasaasi ah oo...

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo laga soo saaray Go’aamo Xaasaasi ah oo loogu Quus-gooyey Daandaansiga Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta yeeshay Kalfadhigoodii Saddexaad, ayaa lagu go’aamiyey qodobbo muhiim ah oo isugu jira Siyaasadaha Arrimaha Dibadda iyo Gudaha, Kobcinta Dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka hay’adaha dawliga, iyadoo arrinta ugu muhiimsan ee kulanka lagaga hadlay tahay ilaalinta iyo difaacista Xuduudaha Somaliland.

shirka golaha wasiirada somaliland (4)Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, kulanka oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray Lix Qodob oo muhiim ah, iyadoo shirka lagu go’aamiyey in jawaab ku habboon laga bixiyo daan-daansi kasta oo loola soo badheedho xuduudaha iyo dhismaha Qaranimada Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Kal-fadhigii saddexaad (3aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 11.01.2018, hoolka shirarka golaha wasiirada ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa dood-dheer iyo falaqayn ay ka yeesheen xaaladda guud ee dalka iyo arrinta ka soo cusboonaatay Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-raq oo Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland oo isgarabsanayaa ay ku soo gardaroodeen, waxa gebagebadii shirka ka soo baxay go’aamadan:-

shirka golaha wasiirada somaliland (1)1. In dawladda Somaliland, siday horeba u sheegtay ay ka go’antahay in ay ilaalinayso xuduudaheeda, ogalaan doonnina in taako ka mida dhulka Somaliland lagu soo xadgudbo.

2. In ay dawladda Somaliland u cadaynayso Wadamada deriska ah iyo Beesha Caalamkaba, inay ka go’an tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo ilaalinta xasiloonida mandaqadda.

3. In Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda u taageeraan, isla markaana ay is garab taagayaan Ciidanka Qaranka ee tallaabada geesinimada leh ku dhaqaaqay, kuna hawlan sidii uu u sugi lahaa xuduudaha Somaliland.

4. In ay Golaha Wasiiradu si buuxda u bogaadinayaan go’aankii labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada ee xaaladda jiida hore.

5. In guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Golaha Wasiiradu ay soo darsaan, go’aanna ka soo gaadhaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha caalamiga ah, soona qiimeeyaan shaqooyinka ay hayaan ajaaniibtu, ee ay qaban karaan xirfadlayaasha Muwaadiniinta ahi.

6. Ugu danbayn waxa goluhu isku raacay qaab-dhismeedka guddi -hoosaadyada Golaha Wasiiradu uu yeelanayo oo ah sidan.

a. Guddida Nabadgalyada 5 wasaaradood
b. Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarka 9 Wasaaradood
c. Guddida Arrimaha Bulshada 9 Wasaaradood
d. Guddida Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf-raadinta 6 Wasaaradood
e. Guddida Cadaladda iyo Shuruucda dalka 6 Wasaaradood
Iyadoo ay wasaaraddaha qaar ka mid yihiin wax ka badan hal guddi-hoosaad ee kor ku xusan.
ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

shirka golaha wasiirada somaliland (2) shirka golaha wasiirada somaliland (3)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories